Amharic: New Testament

Somali

2 Corinthians

10

1እኔም ራሴ ጳውሎስ፥ በእናንተ ዘንድ ፊት ለፊት ሳለሁ ትሑት የሆንሁ፥ ከእናንተ ግን ብርቅ የምደፍራችሁ፥ በክርስቶስ የዋህነትና ገርነት እመክራችኋለሁ፤
1Aniga qudhayda oo Bawlos ah waxaan idinku baryayaa qabownimada iyo raxmadda Masiixa, anigoo is-hoosaysiiya markaan dhexdiinna joogo, laakiin xaggiinna geesi ku ah markaan idinka maqnahay.
2በዓለማዊ ልማድ እንደምንመላለስ በሚቆጥሩን በአንዳንዶች ላይ አምኜ ልደፍር አስባለሁ፥ በዚያ እምነት ግን ከእናንተ ጋር ሆኜ እንዳልደፍር እለምንችኋለሁ።
2Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno.
3በሰው ልማድ ምንም እንኳ የምንመላለስ ብንሆን፥ እንደ ሰው ልማድ አንዋጋም፤
3Maxaa yeelay, in kastoo aannu jidhka ku soconno, sida jidhka uma dagaallanno,
4የጦር ዕቃችን ሥጋዊ አይደለምና፥ ምሽግን ለመስበር ግን በእግዚአብሔር ፊት ብርቱ ነው፤
4waayo, hubka dagaalkayagu ma aha xagga jidhka, laakiin xoog bay leeyihiin Ilaah hortiisa in qalcado lagu dumiyo.
5የሰውንም አሳብ በእግዚአብሔርም እውቀት ላይ የሚነሣውን ከፍ ያለውን ነገር ሁሉ እናፈርሳለን ለክርስቶስም ለመታዘዝ አእምሮን ሁሉ እንማርካለን፥
5Waxaannu baabbi'innaa murannada, iyo wax kasta oo sarreeya oo aqoonta Ilaah iska sarraysiiya, oo fikir kasta maxbuus baannu ka dhignaa, si uu Masiix u addeeco,
6መታዘዛችሁም በተፈጸመች ጊዜ አለመታዘዝን ሁሉ ልንበቀል ተዘጋጅተናል።
6annagoo u diyaar ah inaannu ka aarsanno caasinimo oo dhan markii ay addeeciddiinnu kaamil noqoto.
7በፊታችሁ ያለውን ተመልከቱ። ማንም የክርስቶስ መሆኑን ተረድቶ ቢሆን፥ ይህን እንደ ገና በራሱ ይቁጠረው፤ እርሱ የክርስቶስ እንደ ሆነ እኛ ደግሞ እንዲሁ ነን።
7Waxaad eegaysaan waxa idin hor yaal. Haddii qof uun isku hubo inuu ka mid yahay kuwa Masiix, midkaasi mar kale isaga qudhiisu ha ka fiirsado in, siduu isagu uga mid yahay kuwa Masiix, aannu annaguna uga mid nahay.
8ጌታ እናንተን ለማነጽ እንጂ እናንተን ለማፍረስ ያይደለ በሰጠው በሥልጣናችን ከፊት ይልቅ ብመካ እንኳ አላፍርም።
8Waayo, in kastoo aan si badan ugu faanayo amarkayaga uu Rabbigu noo siiyey inaannu idinku dhisno ee aanu noo siin inaannu idinku duminno, weliba layma ceebayn doono.
9በመልእክቶቼ የማስደነግጣችሁ አይምሰላችሁ።
9Tan waxaan u idhi inaanan u ekaan sidii anigoo warqadahayga idinku cabsiinaya.
10መልእክቶቹስ ከባድና ኃይለኛ ናቸው፥ ሰውነቱ ግን ሲታይ ደካማ ነው፥ ንግግሩም የተናቀ ነው ይላሉና።
10Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.
11እንዲሁ የሚል ይህን ይቁጠረው፤ በሩቅ ሳለን በመልእክታችን በኩል በቃል እንዳለን፥ በፊቱ ደግሞ ሳለን በሥራ እንዲሁ ነን።
11Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.
12ራሳቸውን ከሚያመሰግኑ ከአንዳንዶች ጋር ራሳችንን ልንቆጥር ወይም ራሳችንን ልናስተያይ አንደፍርምና፤ ነገር ግን እነርሱ ራሳቸውን ከራሳቸው ጋር ሲያመዛዝኑ፥ ራሳቸውንም ከራሳቸው ጋር ሲያስተያዩ፥ አያስተውሉም።
12Waayo, kuma dhacno inaannu isku tirinno ama isu ekaysiinno kuwa is-ammaana. Laakiin iyaga qudhooda oo isku qiyaasaya qudhooda oo isu ekaysiinaya qudhooda waa garaadlaawayaal.
13እኛ ግን እግዚአብሔር እንደ ወሰነልን እስከ እናንተ እንኳ እንደሚደርስ እንደ ክፍላችን ልክ እንጂ ያለ ልክ አንመካም።
13Isu faanin mayno si qiyaastayada dhaafsiisan, laakiin sida ay tahay qiyaasta Ilaah noo qaybiyey inay qiyaas ahaato, si aannu idiin soo gaadhno.
14ወደ እናንተ እንደማንደርስ አድርገን ከመጠን አናልፍምና፥ የክርስቶስን ወንጌል በመስበክ እስከ እናንተ እንኳ ደርሰናልና፤
14Waayo, annaga qudhayadu si dhaafsiisan isugu kala bixin mayno sidii annagoo aan idin soo gaadhin; waayo, xataa idinka ayaannu idiinla nimid injiilka Masiix,
15በሌሎች ድካም ያለ ልክ አንመካም፥ ነገር ግን እምነታችሁ ሲያድግ ከእናንተ ወዲያ ባለው አገር እስክንሰብክ ሥራችንን እየጨመርን፥ በክፍላችን በእናንተ ዘንድ እንድንከብር ተስፋ እናደርጋለን፤ በሌላው ክፍል ስለ ተዘጋጀው ነገር አንመካም።
15annagoo aan si dhaafsiisan uga faanayn hawlihii dadka kale, laakiin rajo u leh intuu rumaysadkiinnu korayo inaannu aad iyo aad ugu weynaan doonno dhexdiinna sida soohdintayada ah,
17የሚመካ ግን በጌታ ይመካ፤ እግዚአብሔር የሚያመሰግነው እንጂ ራሱን የሚያመሰግን እርሱ ተፈትኖ የሚወጣ አይደለምና።
16si aannu injiilka ugu wacdinno meelaha idinka shisheeya oo aanan ku faanin waxa laga diyaariyey qof kale soohdintiisa.
17Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.
18Ma aha ka qudhiisa ammaana ka loo bogaa, laakiin waa ka uu Rabbigu ammaano.