1ነገር ግን ዳግመኛ በኀዘን ወደ እናንተ እንዳልመጣ ስለ እኔ ቆረጥሁ።
1Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin.
2እኔስ ባሳዝናችሁ፥ እንግዲያስ በእኔ ምክንያት ከሚያዝን በቀር ደስ የሚያሰኘኝ ማን ነው?
2Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee?
3ደስ ሊያሰኙኝ ከሚገባቸውም በመምጣቴ ኀዘን እንዳይሆንብኝ ይህንኑ ጻፍሁላችሁ፥ ደስታዬ የሁላችሁ ደስታ ነው ብዬ በሁላችሁ ታምኜአለሁና።
3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.
4በብዙ መከራና ከልብ ጭንቀት በብዙም እንባ ጽፌላችሁ ነበርና፤ ይህም እናንተን አብዝቼ የምወድበትን ፍቅር እንድታውቁ እንጂ እንዳሳዝናችሁ አይደለም።
4Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo.
5ነገር ግን ማንም አሳዝኖ ቢሆን፥ እንዳልከብድባችሁ፥ በክፍል ሁላችሁን እንጂ እኔን ያሳዘነ አይደለም።
5Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey; dooni maayo inaan idin culaysiyo.
6እንደዚህ ላለ ሰው ይህ ከእናንተ የምትበዙት የቀጣችሁት ቅጣት ይበቃዋልና እንደዚህ ያለው ከልክ በሚበዛ ኀዘን እንዳይዋጥ፥
6Taqsiirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale.
7ይልቅ ተመልሳችሁ ይቅር ማለትና ማጽናናት ይገባችኋል።
7Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale.
8ስለዚህ ከእርሱ ጋር ፍቅርን እንድታጸኑ እለምናችኋለሁ፤
8Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga.
9ስለዚህ ደግሞ ጽፌ ነበርና፤ በሁሉ የምትታዘዙ እንደ ሆናችሁ የእናንተን መፈተን አውቅ ዘንድ አሳቤ ነበር።
9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale.
10እናንተ ግን ይቅር የምትሉትን እኔ ደግሞ ይቅር እለዋለሁ፤ እኔም ይቅር ካልሁ፥ ይቅር ያልሁትን ስለ እናንተ በክርስቶስ ፊት ይቅር ብዬአለሁ፥
10Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa,
11በሰይጣን እንዳንታለል፤ የእርሱን አሳብ አንስተውምና።
11inaan Shayddaan inaga faa'iidaysan, waayo, innagu ma nihin kuwo jaahil ka ah xeeladdiisa.
12ስለ ክርስቶስም ወንጌል ወደ ጢሮአዳ በመጣሁ ጊዜ፥ ለጌታ ሥራ በር ምንም ቢከፈትልኝ፥ ቲቶን ወንድሜን ስላላገኘሁት መንፈሴ ዕረፍት አልነበረውም፥
12Markaan Taroo'as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay,
13ነገር ግን ከእነርሱ ተሰናብቼ ወደ መቄዶንያ ወጣሁ።
13ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabadgelyeeyey oo Makedoniyaan u kacay.
14ነገር ግን በክርስቶስ ሁልጊዜ ድል በመንሣቱ ለሚያዞረን በእኛም በየስፍራው ሁሉ የእውቀቱን ሽታ ለሚገልጥ ለአምላክ ምስጋና ይሁን፤
14Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya.
15በሚድኑቱና በሚጠፉቱ ዘንድ ለእግዚአብሔር የክርስቶስ መዓዛ ነንና፤
15Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba;
16ለእነዚህ ለሞት የሚሆን የሞት ሽታ ለእነዚያም ለሕይወት የሚሆን የሕይወት ሽታ ነን። ለዚህም ነገር የሚበቃ ማን ነው?
16kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan?Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.
17የእግዚአብሔርን ቃል ቀላቅለው እንደሚሸቃቅጡት እንደ ብዙዎቹ አይደለንምና፤ በቅንነት ግን ከእግዚአብሔር እንደ ተላክን በእግዚአብሔር ፊት በክርስቶስ ሆነን እንናገራለን።
17Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa.