Amharic: New Testament

Somali

Hebrews

11

1እምነትም ተስፋ ስለምናደርገው ነገር የሚያስረግጥ፥ የማናየውንም ነገር የሚያስረዳ ነው።
1Rumaysadku waa hubaasha waxyaalaha la rajeeyo, iyo xaqiiqaynta waxyaalaha aan la arkin.
2ለሽማግሌዎች የተመሰከረላቸው በዚህ ነውና።
2Waayo, saasaa loogu markhaati furay waayeelladii.
3ዓለሞች በእግዚአብሔር ቃል እንደ ተዘጋጁ፥ ስለዚህም የሚታየው ነገር ከሚታዩት እንዳልሆነ በእምነት እናስተውላለን።
3Rumaysad ayaynu ku garanaynaa in duniyooyinka lagu abuuray erayga Ilaah, sidaas daraaddeed waxa la arko lagama samayn waxa muuqda.
4አቤል ከቃየል ይልቅ የሚበልጥን መሥዋዕት ለእግዚአብሔር በእምነት አቀረበ፥ በዚህም፥ እግዚአብሔር ስለ ስጦታው ሲመሰክር፥ እርሱ ጻድቅ እንደ ሆነ ተመሰከረለት፤ ሞቶም ሳለ በመሥዋዕቱ እስከ አሁን ይናገራል።
4Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa.
5ሄኖክ ሞትን እንዳያይ በእምነት ተወሰደ፥ እግዚአብሔርም ስለ ወሰደው አልተገኘም። ሳይወሰድ እግዚአብሔርን ደስ እንዳሰኘ ተመስክሮለታልና፤
5Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.
6ያለ እምነትም ደስ ማሰኘት አይቻልም፤ ወደ እግዚአብሔር የሚደርስ እግዚአብሔር እንዳለ ለሚፈልጉትም ዋጋ እንዲሰጥ ያምን ዘንድ ያስፈልገዋልና።
6Oo rumaysadla'aantiis ma suurtowdo in isaga laga farxiyo, taas aawadeed kan Ilaah u yimaadaa waa inuu rumaysto inuu jiro oo uu yahay kan u abaalguda kuwa isaga doondoona.
7ኖኅ ገና ስለማይታየው ነገር ተረድቶ እግዚአብሔርን እየፈራ ቤተ ስዎቹን ለማዳን መርከብን በእምነት አዘጋጀ፥ በዚህም ዓለምን ኰነነ፥ በእምነትም የሚገኘውን ጽድቅ ወራሽ ሆነ።
7Nuux oo Ilaah uga digay waxyaalo aan weli la arkin ayaa cabsaday, oo rumaysad buu ku diyaariyey doonni in reerkiisu ku badbaado, sidaasuu dunida u xukumay oo ku noqday mid dhaxla xaqnimada rumaysadka ku timaada.
8አብርሃም የተባለው ርስት አድርጎ ሊቀበለው ወዳለው ስፍራ ለመውጣት በእምነት ታዘዘ፥ ወዴትም እንደሚሄድ ሳያውቅ ወጣ።
8Ibraahim kolkii loo yeedhay, rumaysad buu ku addeecay inuu tago meeshuu ku heli lahaa dhaxalka, wuuna tegey isagoo aan garanaynin meeshuu ku socdo.
9ለእንግዶች እንደሚሆን በተስፋ ቃል በተሰጠው አገር በድንኳን ኖሮ፥ ያን የተስፋ ቃል አብረውት ከሚወርሱ ከይስሐቅና ከያዕቆብ ጋር፥ እንደ መጻተኛ በእምነት ተቀመጠ፤
9Rumaysad buu ku degganaa dhulkii loo ballanqaaday sidii dhul qalaad, wuxuuna taambuugyo la degganaa Isxaaq iyo Yacquub oo ahaa kuwii la dhaxlay isku ballan.
10መሠረት ያላትን፥ እግዚአብሔር የሠራትንና የፈጠራትን ከተማ ይጠብቅ ነበርና።
10Waayo, wuxuu filanayay magaalo aasaas leh oo kan dhisay oo sameeyey uu Ilaah yahay.
11ተስፋ የሰጠው የታመነ እንደ ሆነ ስለ ቈጠረች፥ ሣራ ራስዋ ደግሞ ዕድሜዋ እንኳ ካለፈ በኋላ ዘርን ለመፅነስ ኃይልን በእምነት አገኘች።
11Saarah qudheedu rumaysad bay ku heshay xoog ay ku uuraysato, oo iyadoo dhaaftay wakhtigii dhalmada ayay dhashay, waayo, waxay ku tirisay ku aamin ah kii u ballanqaaday.
12ስለዚህ ደግሞ በብዛታቸው እንደ ሰማይ ኮከብ እንደማይቈጠርም በባሕር ዳር እንዳለ አሸዋ የነበሩት የሞተን ሰው እንኳ ከመሰለው ከአንዱ ተወለዱ።
12Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.
13እነዚህ ሁሉ አምነው ሞቱ፥ የተሰጣቸውን የተስፋ ቃል አላገኙምና፤ ዳሩ ግን ከሩቅ ሆነው አዩትና ተሳለሙት፥ በምድሪቱም እንግዶችና መጻተኞች እንዲሆኑ ታመኑ።
13Kuwaasu kulligood rumaysad bay ku wada dhinteen, iyagoo aan helin waxyaalihii loo ballanqaaday, laakiin meel fog bay ka arkeen oo way aqbaleen, oo waxay qirteen inay dhulka ku ahaayeen shisheeyayaal iyo dad sodcaal ah.
14እንዲህ የሚሉት ለእነርሱ የሚሆነውን አገር እንዲፈልጉ ያመለክታሉና።
14Waayo, kuwa waxyaalahan oo kale yidhaahdaa waxay muujiyaan inay doondoonayaan waddan kooda ah.
15ያን የወጡበትን አገር አስበው ቢሆኑ፥ ሊመለሱ ጊዜ በሆነላቸው ነበር፤
15Oo hadday xusuusnaayeen waddankii ay ka baxeen way heli lahaayeen wakhti ay ku noqdaan.
16አሁን ግን የሚበልጠውን እርሱም ሰማያዊ አገር ይናፍቃሉ። ስለዚህ እግዚአብሔር አምላካቸው ተብሎ ሊጠራ በእነርሱ አያፍርም፥ ከተማን አዘጋጅቶላቸዋልና።
16Laakiin imminka waxay aad u doonayaan waddan ka wanaagsan oo ah jannada, sidaas daraaddeed Ilaah ka xishoon maayo in loogu yeedho Ilaahood, waayo, wuxuu iyaga u diyaariyey magaalo.
17አብርሃም በተፈተነበት ጊዜ ይስሐቅን በእምነት አቀረበ፥ የተስፋን ቃል የተቀበለው። በይስሐቅ ዘር ይጠራልሃል የተባለለት እርሱም አንድ ልጁን አቀረበ፤
17Ibraahim kolkii la jirrabay, rumaysad buu Isxaaq allabari ahaan ugu bixiyey. Kii ballamada aqbalay ayaa wuxuu bixinayay wiilkiisii keliyaha,
19እግዚአብሔር ከሙታን እንኳ ሊያስነሣው እንዲቻለው አስቦአልና፥ ከዚያም ደግሞ በምሳሌ አገኘው።
18in kastoo lagu yidhi, Kuwa Isxaaq ka farcama ayaa farcankaaga loogu yeedhi doonaa.
20ይስሐቅ ሊመጣ ስላለው ነገር ያዕቆብንና ዔሳውን በእምነት ባረካቸው።
19Wuxuu ku tirinayay in Ilaah ka kicin karo xataa kuwii dhintay; oo sida masaal oo kale ayuu isagii uga helay kuwii dhintay.
21ያዕቆብ ሲሞት በእምነት የዮሴፍን ልጆች እያንዳንዳቸው ባረካቸው፥ በዘንጉም ጫፍ ተጠግቶ ሰገደ።
20Isxaaq rumaysad buu ugu duceeyey Yacquub iyo Ceesaw xagga waxyaalaha iman doona.
22ዮሴፍ ወደ ሞት ቀርቦ ሳለ በእምነት ስለ እስራኤል ልጆች መውጣት አስታወሰ፥ ስለ አጥንቱም አዘዛቸው።
21Yacquubna markuu dhimanayay rumaysad buu ugu duceeyey mid kasta oo wiilashii Yuusuf ka mid ah, oo Ilaahna wuu caabuday isagoo cuskanaya ushiisa guudkeeda.
23ሙሴ ከተወለደ በኋላ ወላጆቹ ያማረ ሕፃን መሆኑን አይተው በእምነት ሦስት ወር ሸሸጉት የንጉሥንም አዋጅ አልፈሩም።
22Yuusufna markii dhimashadiisii dhowayd rumaysad buu kaga hadlay bixitinka reer binu Israa'iil, wuxuuna ka dardaarmay lafihiisa.
24ሙሴ ካደገ በኋላ የፈርዖን የልጅ ልጅ እንዳይባል በእምነት እምቢ አለ፤
23Muusena markuu dhashay, waalidkiis rumaysad bay ku qariyeen saddex bilood, maxaa yeelay, waxay arkeen inuu ilmo wanaagsan yahay, kamana ay cabsan amarkii boqorka.
25ከግብፅም ብዙ ገንዘብ ይልቅ ስለ ክርስቶስ መነቀፍ እጅግ የሚበልጥ ባለ ጠግነት እንዲሆን አስቦአልና ለጊዜው በኃጢአት ከሚገኝ ደስታ ይልቅ ከእግዚአብሔር ሕዝብ ጋር መከራ መቀበልን መረጠ፤ ብድራቱን ትኵር ብሎ ተመልክቶአልና።
24Muuse markuu weynaaday rumaysad buu ku diiday in loogu yeedho wiilkii gabadha Fircoon.
27የንጉሡን ቍጣ ሳይፈራ የግብፅን አገር የተወ በእምነት ነበር፤ የማይታየውን እንደሚያየው አድርጎ ጸንቶአልና።
25Oo wuxuu ka doortay in lala silciyo dadkii Ilaah intuu wakhti yar dembi ku farxi lahaa;
28አጥፊው የበኵሮችን ልጆች እንዳይነካ ፋሲካንና ደምን መርጨትን በእምነት አደረገ።
26isagoo ku tirinaya cayda lagu caayo Masiixa aawadiis inay ka qiimo weyn tahay maalka Masar, waayo, wuxuu filanayay abaalgudka.
29በደረቅ ምድር እንደሚያልፉ በኤርትራ ባሕር በእምነት ተሻገሩ፥ የግብፅ ሰዎች ግን ሲሞክሩ ተዋጡ።
27Rumaysad buu kaga tegey Masar isagoo aan ka cabsanayn boqorka cadhadiisii, waayo, wuxuu u adkaystay sidii mid fiirinaya kan aan la arkin.
30የኢያሪኮ ቅጥር ሰባት ቀን ከዞሩበት በኋላ በእምነት ወደቀ።
28Rumaysad buu ku sameeyey Kormaridda iyo dhiigga rushayntiisii inuusan Baabbi'iyihii curadyadu iyaga taaban.
31ጋለሞታይቱ ረዓብ ሰላዮችን በሰላም ስለ ተቀበለቻቸው ከማይታዘዙ ጋር በእምነት አልጠፋችም።
29Rumaysad bay ku dhex mareen Badda Cas sidii dhul engegan, laakiin markay Masriyiintu saas isku dayeen, way liqday.
32እንግዲህ ምን እላለሁ? ስለ ጌዴዎንና ስለ ባርቅ ስለ ሶምሶንም ስለ ዮፍታሔም ስለ ዳዊትና ስለ ሳሙኤልም ስለ ነቢያትም እንዳልተርክ ጊዜ ያጥርብኛልና።
30Derbiyadii Yerixoo rumaysad bay ku dumeen kolkii toddoba maalmood lagu warwareegay dabadeed.
33እነርሱ በእምነት መንግሥታትን ድል ነሡ፥ ጽድቅን አደረጉ፥ የተሰጠውን የተስፋ ቃል አገኙ፥
31Dhilladii Raxab rumaysadkeedii aawadiis lama ay halligmin kuwii caasiyiinta ahaa, maxaa yeelay, basaasyadii bay nabad ku dhowaysay.
34የአንበሶችን አፍ ዘጉ፥ የእሳትን ኃይል አጠፉ፥ ከሰይፍ ስለት አመለጡ፥ ከድካማቸው በረቱ፥ በጦርነት ኃይለኞች ሆኑ፥ የባዕድ ጭፍሮችን አባረሩ።
32Oo maxaan kale oo idhaahdaa? Waayo, wakhtigu waa igu gaabnaan doonaa haddaan wax ka sheegi lahaa Gidcoon, iyo Baaraaq, iyo Samsoon, iyo Yeftaah, iyo Daa'uud, iyo Samuu'eel iyo nebiyadii.
35ሴቶች ሙታናቸውን በትንሣኤ ተቀበሉ፤ ሌሎችም መዳንን ሳይቀበሉ የሚበልጠውን ትንሣኤ እንዲያገኙ እስከ ሞት ድረስ ተደበደቡ፤
33Rumaysad bay kaga adkaadeen boqortooyooyin, oo xaqnimo ku sameeyeen, oo ballamo ku heleen, oo afafka libaaxyada ku xidheen,
36ሌሎችም መዘበቻ በመሆንና በመገረፍ ከዚህም በላይ በእስራትና በወኅኒ ተፈተኑ፤
34oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen.
37በድንጋይ ተወግረው ሞቱ፥ ተፈተኑ፥ በመጋዝ ተሰነጠቁ፥ በሰይፍ ተገድለው ሞቱ፥ ሁሉን እያጡ መከራን እየተቀበሉ እየተጨነቁ የበግና የፍየል ሌጦ ለብሰው ዞሩ፤
35Dumar baa waxay heleen kuwii ka dhintay iyagoo la sara kiciyey, qaar kalena waa la xanuujiyey ilaa ay ka dhinteen iyagoo aan aqbalin in la samatabbixiyo si ay ku gaadhaan sarakicid ka wanaagsan.
38ዓለም አልተገባቸውምና በምድረ በዳና በተራራ፥ በዋሻና በምድር ጕድጓድ ተቅበዘበዙ።
36Qaar kalena waxay jirrabaad ahaan ula kulmeen majaajilo iyo karbaashid iyo weliba silsilado iyo xabbis.
39እነዚህም ሁሉ በእምነታቸው ተመስክሮላቸው ሳሉ የተሰጠውን የተስፋ ቃል አላገኙም፥ ያለ እኛ ፍጹማን እንዳይሆኑ እግዚአብሔር ስለ እኛ አንዳች የሚበልጥ ነገርን አስቀድሞ አይቶ ነበርና።
37Waana la dhagxiyey, miinshaarna waa lagu kala jeexay, waana la jirrabay, seefna waa lagu gowracay, wayna warwareegeen iyagoo qaba hargo idaad iyo hargo riyood, iyagoo caydh ah oo la dhibay oo la silciyey.
38Dunidu ma ay istaahilin iyagii. Waxayna warwareegi jireen lamadegaanka iyo buuraha iyo boholaha iyo godadka dhulka.
39Kuwaas oo dhammu, iyagoo loo markhaati furay rumaysadkoodii daraaddiis, ayaanay helin wixii loo ballanqaaday;waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.
40waayo, Ilaah wuxuu hore u arkay wax ka wanaagsan oo inagu saabsan, inaan la'aanteen iyaga kaamil laga dhigin.