1አንድም አውሬ ከባሕር ሲወጣ አየሁ፤ አሥር ቀንዶችና ሰባት ራሶች ነበሩት፥ በቀንዶቹም ላይ አሥር ዘውዶች በራሶቹም ላይ የስድብ ስም ነበረ።
1Oo wuxuu isku dul taagay cammuuddii badda.
2ያየሁትም አውሬ ነብር ይመስል ነበር፥ እግሮቹም እንደ ድብ እግሮች፥ አፉም እንደ አንበሳ አፍ ነበሩ። ዘንዶውም ኃይሉንና ዙፋኑን ትልቅም ሥልጣን ሰጠው።
2Oo bahalkii aan arkay wuxuu u ekaa shabeel, oo cagihiisuna waxay u ekaayeen cago orso, afkiisuna wuxuu u ekaa af libaax; markaasaa masduulaagii wuxuu isaga siiyey xooggiisii iyo carshigiisii iyo amar weyn.
3ከራሶቹም ለሞት እንደ ታረደ ሆኖ አንዱን አየሁ፥ ለሞቱ የሆነውም ቍስል ተፈወሰ። ምድርም ሁሉ አውሬውን እየተከተለ ተደነቀ፥
3Oo markaasaan arkay madaxyadiisii midkood oo u eg mid la gowracay; oo nabarkii uu u dhintay wuu bogsaday; oo dunida oo dhammuna waxay la yaabtay bahalkii;
4ለዘንዶውም ሰገዱለት፥ ለአውሬው ሥልጣንን ሰጥቶታልና፤ ለአውሬውም። አውሬውን ማን ይመስለዋል፥ እርሱንስ ሊዋጋ ማን ይችላል? እያሉ ሰገዱለት።
4markaasay masduulaagii caabudeen, maxaa yeelay, wuxuu amarkiisii siiyey bahalkii; iyaguna waxay caabudeen bahalkii, waxayna yidhaahdeen, Bal yaa bahalka la mid ah? Oo bal yaa awooda inuu la diriro?
5ታላቅንም ነገርና ስድብን የሚናገርበት አፍ ተሰጠው፥ በአርባ ሁለት ወርም እንዲሠራ ሥልጣን ተሰጠው።
5Markaasaa waxaa isagii la siiyey af ku hadlaya waxyaalo waaweyn iyo cay; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku sii shaqeeyo laba iyo afartan bilood.
6እግዚአብሔርንም ለመሳደብ ስሙንና ማደሪያውንም በሰማይም የሚያድሩትን ሊሳደብ አፉን ከፈተ።
6Markaasuu afkiisii u furay inuu Ilaah caayo, iyo inuu caayo magiciisa, iyo rugtiisa, iyo xataa kuwa samada deggan.
7ቅዱሳንንም ይዋጋ ዘንድ ድልም ያደርጋቸው ዘንድ ተሰጠው፥ በነገድና በወገንም በቋንቋም በሕዝብም ሁሉ ላይ ሥልጣን ተሰጠው።
7Oo haddana waxaa isagii la siiyey amar uu kula dagaallamo quduusiinta oo uu kaga adkaado; oo haddana waxaa la siiyey amar uu ku xukumo qabiil kasta iyo dad kasta iyo af kasta iyo quruun kasta.
8ከዓለምም ፍጥረት ጀምሮ በታረደው በግ ሕይወት መጽሐፍ ስሞቻቸው ያልተጻፉ በምድር የሚኖሩ ሁሉ ይሰግዱለታል።
8Oo waxaa isaga caabudi doona inta dhulka deggan oo dhan oo aan magacooda lagu qorin kitaabka nolosha oo Wanka la gowracay waagii dunida la aasaasay.
9ጆሮ ያለው ቢኖር ይስማ።
9Hadduu jiro nin dheg lahu ha maqlo.
10ይማረክ ዘንድ ያለው ማንም ቢኖር ወደ ምርኮነት ይሄዳል፤ በሰይፍ የሚገድል ማንም ቢኖር ራሱ በሰይፍ እንዲገደል ይገባዋል። የቅዱሳን ትዕግሥትና እምነት በዚህ ነው።
10Haddii nin dad xabbiso, isagana waa la xabbisi doonaa; oo haddii nin seef wax ku dilo, waa in isagana seef lagu dilo. Waa kaa samirka iyo rumaysadka quduusiintu.
11ሌላም አውሬ ከምድር ሲወጣ አየሁ፥ የበግ ቀንዶችን የሚመስሉ ሁለት ቀንዶችም ነበሩት እንደ ዘንዶም ይናገር ነበር።
11Oo haddana waxaan arkay bahal kale oo dhulka ka soo baxaya, oo wuxuu lahaa laba gees oo u eg wan geesihiis, oo wuxuu u hadlayay sidii masduulaa oo kale.
12በፊተኛውም አውሬ ሥልጣን በእርሱ ፊት ሁሉን ያደርጋል። ለሞቱ የሆነውም ቍስል ተፈወሰለት ለፊተኛው አውሬ ምድርና በእርሱ የሚኖሩት እንዲሰግዱለት ያደርጋል።
12Oo wuxuu bahalkii kowaad hortiisa wax kaga qabtay amarkiisii oo dhan. Oo dunida iyo kuwa degganba wuxuu ka dhigay inay caabudaan bahalkii kowaad oo nabarkii uu u dhintay bogsaday.
13እሳትንም እንኳ ከሰማይ ወደ ምድር በሰው ፊት እስኪያወርድ ድረስ ታላላቆችን ምልክቶች ያደርጋል።
13Oo wuxuu sameeyey calaamooyin waaweyn, wuuna karay xataa inuu dab samada ka soo dejiyo oo dhulka ku soo tuuro dadka hortiisa.
14በአውሬውም ፊት ያደርግ ዘንድ ከተሰጡት ምልክቶች የተነሣ በምድር የሚኖሩትን ያስታል፤ የሰይፍም ቍስል ለነበረውና በሕይወት ለኖረው ለአውሬው ምስልን እንዲያደርጉ በምድር የሚኖሩትን ይናገራል።
14Oo kuwa dhulka deggan wuxuu ku khiyaaneeyey calaamooyinkii isaga loo siiyey inuu ku sameeyo bahalkii hortiisa; isagoo kuwa dhulka deggan ku leh, Waa inaad sanam u samaysaan bahalka seefta nabarkeedii ku yaal ee soo noolaaday.
15የአውሬው ምስል ሊናገር እንኳ ለአውሬውም ምስል የማይሰግዱለትን ሁሉ ሊያስገድላቸው፥ ለአውሬው ምስል ትንፋሽ እንዲሰጠው ተሰጠው።
15Oo haddana waxaa isagii la siiyey xoog uu neef ku geliyo sanamkii bahalka, in sanamkii bahalku hadlo oo uu ka dhigo in la dilo in alla intii aan caabudin sanamkii bahalka.
16ታናናሾችና ታላላቆችም ባለ ጠጋዎችና ድሆችም ጌታዎችና ባሪያዎችም ሁሉ በቀኝ እጃቸው ወይም በግምባራቸው ምልክትን እንዲቀበሉ፥
16Oo haddana wuxuu ka dhigay in kulli, yar iyo weyn, iyo taajir iyo faqiir, iyo xor iyo addoonba sumad lagaga dhigo gacanta midigta ama wejiga;
17የአውሬውም ስም ወይም የስሙ ቍጥር ያለው ምልክት የሌለበት ማንም ሊገዛ ወይም ሊሸጥ እንዳይችል ያደርጋል። ጥበብ በዚህ አለ።
17iyo inaanu ninna awoodin inuu wax iibiyo ama iibsado, kii sumadda leh mooyaane, taasoo ah magaca bahalka ama nambarka magiciisa.Xigmaddii waa tan. Kii waxgarasho lahu ha tiriyo nambarka bahalka; waayo, waxa weeye nin nambarkiis, oo nambarkiisuna waxa weeye lix boqol iyo lix iyo lixdan.
18አእምሮ ያለው የአውሬውን ቍጥር ይቍጠረው፤ ቍጥሩ የሰው ቍጥር ነውና፥ ቍጥሩም ስድስት መቶ ስድሳ ስድስት ነው።
18Xigmaddii waa tan. Kii waxgarasho lahu ha tiriyo nambarka bahalka; waayo, waxa weeye nin nambarkiis, oo nambarkiisuna waxa weeye lix boqol iyo lix iyo lixdan.