1وارسل حيرام ملك صور رسلا الى داود وخشب ارز وبنائين ونجارين ليبنوا له بيتا.
1Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo wastaadyo, iyo nijaarro, inay guri u dhisaan.
2وعلم داود ان الرب قد اثبته ملكا على اسرائيل لان مملكته ارتفعت متصاعدة من اجل شعبه اسرائيل
2Oo Daa'uud wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, waayo, boqortooyadiisii waa la sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.
3واخذ داود نساء ايضا في اورشليم وولد ايضا داود بنين وبنات
3Oo Daa'uudna naago kale buu Yeruusaalem ku guursaday, oo wuxuu dhalay wiilal iyo gabdho kale.
4وهذه اسماء الاولاد الذين كانوا له في اورشليم. شمّوع وشوباب وناثان وسليمان
4Oo carruurtii Yeruusaalem ugu dhalatay magacyadoodiina waa kuwan: Shammuuca, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan,
5ويبحار واليشوع والفالط
5iyo Yibxaar, iyo Eliishuuca, iyo Elfaaled,
6ونوجه ونافج ويافيع
6iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,
7واليشمع وبعلياداع واليفلط
7iyo Eliishaamaac, iyo Becelyaadaac, iyo Eliifeled.
8وسمع الفلسطينيون ان داود قد مسح ملكا على كل اسرائيل فصعد كل الفلسطينيين ليفتشوا على داود. ولما سمع داود خرج لاستقبالهم.
8Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.
9فجاء الفلسطينيون وانتشروا في وادي الرفائيين.
9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.
10فسأل داود من الله قائلا أأصعد على الفلسطينيين فتدفعهم ليدي. فقال له الرب اصعد فادفعهم ليدك.
10Markaasaa Daa'uud Rabbiga wax weyddiiyey oo yidhi, Miyaan reer Falastiin ku kacaa? Miyaad ii soo gacangelinaysaa? Markaasaa Rabbigu wuxuu ku yidhi, Haah, ku kac, waayo, iyaga waan kuu soo gacangelinayaa.
11فصعدوا الى بعل فراصيم وضربهم داود هناك. وقال داود قد اقتحم الله اعدائي بيدي كاقتحام المياه. لذلك دعوا اسم ذلك الموضع بعل فراصيم.
11Hadda waxay yimaadeen Bacal Feraasiim, oo halkaasaa Daa'uud iyagii ku laayay, oo Daa'uud wuxuu yidhi, Rabbigu cadaawayaashaydii ayuu gacantayda degdeg ugu qabtay, sida biyaha butaacayaa u degdegaan oo kale. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Bacal Feraasiim.
12وتركوا هناك آلهتهم فامر داود فأحرقت بالنار.
12Iyana halkaasay ilaahyadoodii kaga tageen, markaasaa Daa'uud amar ku bixiyey in la gubo.
13ثم عاد الفلسطينيون ايضا وانتشروا في الوادي.
13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.
14فسأل ايضا داود من الله فقال له الله لا تصعد وراءهم تحوّل عنهم وهلم عليهم مقابل اشجار البكا.
14Oo Daa'uudna mar kaluu Rabbiga wax weyddiiyey, oo Ilaahna wuxuu ku yidhi, Waa inaanad ka daba kicin, laakiinse iyaga ka leexo, oo waxaad ku weerartaa meel ka soo hor jeedda geedaha bukaa la yidhaahdo.
15وعندما تسمع صوت خطوات في رؤوس اشجار البكا فاخرج حينئذ للحرب لان الله يخرج امامك لضرب محلّة الفلسطينيين.
15Oo markaad sanqadha askarta socodkeeda ka maqashid geedaha bukaa dushooda, markaas dagaalka hore ugu bax, waayo, Ilaah waa kaaga hor baxay inuu ciidanka reer Falastiin laayo.
16ففعل داود كما امره الله وضربوا محلّة الفلسطينيين من جبعون الى جازر
16Oo Daa'uudna wuxuu yeelay sidii Ilaah ku amray, oo waxay ciidankii reer Falastiin ku laynayeen ilaa Gibecoon iyo tan iyo Geser.Oo Daa'uud warkiisiina wuxuu gaadhay dalalka oo dhan, oo Rabbiguna cabsi isaga ka timid ayuu ku riday quruumihii kale oo dhan.
17وخرج اسم داود الى جميع الاراضي وجعل الرب هيبته على جميع الامم
17Oo Daa'uud warkiisiina wuxuu gaadhay dalalka oo dhan, oo Rabbiguna cabsi isaga ka timid ayuu ku riday quruumihii kale oo dhan.