1وبعد ذلك ضرب داود الفلسطينيين وذلّلهم واخذ جتّ وقراها من يد الفلسطينيين.
1Oo taas dabadeed ayaa Daa'uud reer Falastiin laayay oo jebiyey, oo Gad iyo magaalooyinkeediiba gacantii reer Falastiin wuu ka qaaday.
2وضرب موآب فصار الموآبيون عبيدا لداود يقدمون هدايا.
2Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.
3وضرب داود هدرعزر ملك صوبة في حماة حين ذهب ليقيم سلطته عند نهر الفرات.
3Oo ilaa Xamaad Daa'uud wuxuu dilayay boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, intuu ku socday inuu dowladnimadiisa ku ag dhiso Webi Yufraad.
4واخذ داود منه الف مركبة وسبعة آلاف فارس وعشرين الف راجل وعرقب داود كل خيل المركبات وابقى منها مئة مركبة.
4Oo Daa'uud wuxuu isagii ka qabsaday kun gaadhifaras, iyo toddoba kun oo fardooley ah, iyo labaatan kun oo nin oo lug ah, oo Daa'uudna wuxuu boqno jaray fardihii gaadhiyada waday oo dhan, laakiinse boqol gaadhifaras buu uga reebay.
5فجاء ارام دمشق لنجدة هدرعزر ملك صوبة فضرب داود من ارام اثنين وعشرين الف رجل.
5Oo reer Suuriyihii Dimishaqna markay u yimaadeen inay u hiiliyaan boqorkii Soobaah oo ahaa Hadarceser, Daa'uud wuxuu iyagii ka laayay laba iyo labaatan kun oo nin.
6وجعل داود محافظين في ارام دمشق وصار الاراميون لداود عبيدا يقدمون هدايا. وكان الرب يخلص داود حيثما توجّه.
6Daa'uudna wuxuu reer Dimishaq oo Suuriya jooga dhex dhigay rugo askareed, oo reer Suuriyana Daa'uud bay addoommo u noqdeen oo baad u keeneen. Oo Rabbiguna Daa'uud buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
7واخذ داود اتراس الذهب التي كانت على عبيد هدرعزر وأتى بها الى اورشليم.
7Markaasaa Daa'uud soo qaaday gaashaammadii dahabka ahaa oo ay wateen addoommadii Hadarceser, wuxuuna keenay Yeruusaalem.
8ومن طبحة وخون مدينتي هدرعزر اخذ داود نحاسا كثيرا جدا صنع منه سليمان بحر النحاس والاعمدة وآنية النحاس
8Oo magaalooyinkii Hadarceser oo ahaa Tibxad iyo Kuun Daa'uud wuxuu ka soo qaaday naxaas aad u badan, taasoo uu Sulaymaan ka sameeyey berkeddii naxaasta ahayd iyo tiirarkii iyo weelashii naxaasta ahaa.
9وسمع توعو ملك حماة ان داود قد ضرب كل جيش هدرعزر ملك صوبة
9Oo Tocuu oo ahaa boqorkii Xamaad markuu maqlay in Daa'uud laayay Hadarceser oo ahaa boqorkii Soobaah ciidankiisii oo dhan
10فارسل هدورام ابنه الى الملك داود ليسأل عن سلامته ويباركه لانه حارب هدرعزر وضربه. لان هدرعزر كانت له حروب مع توعو. وبيده جميع آنية الذهب والفضة والنحاس.
10ayuu Daa'uud wiilkiisii Hadooraam u soo diray inuu soo salaamo oo uu u soo duceeyo, maxaa yeelay, wuxuu la diriray oo dilay Hadarceser, waayo, Hadarceser wuxuu la diriri jiray Tocuu, oo wuxuu keenay weelal cayn kasta ah oo ah dahab iyo lacag iyo naxaasba.
11هذه ايضا قدسها الملك داود للرب مع الفضة والذهب الذي اخذه من كل الامم من ادوم ومن موآب ومن بني عمون ومن الفلسطينيين ومن عماليق.
11Oo kuwaasna Boqor Daa'uud wuxuu quduus uga dhigay Rabbiga, oo wuxuu ku daray lacagtii iyo dahabkii uu ka soo dhacay quruumihii oo dhan, kuwaasoo ahaa reer Edom, iyo reer Moo'aab, iyo reer Cammoon, iyo reer Falastiin, iyo reer Camaaleq.
12وابشاي ابن صروية ضرب من ادوم في وادي الملح ثمانية عشر الفا.
12Oo weliba Abiishay oo ay Seruuyaah dhashayna wuxuu reer Edom Dooxadii Cusbada kaga laayay siddeed iyo toban kun oo nin.
13وجعل في ادوم محافظين فصار جميع الادوميين عبيدا لداود وكان الرب يخلص داود حيثما توجّه.
13Oo isna wuxuu Edom dhex dhigay rugo askareed, oo reer Edom oo dhammuna Daa'uud bay addoommo u noqdeen. Oo Rabbiguna Daa'uud guul buu siiyey meel kastoo uu tegeyba.
14وملك داود على جميع اسرائيل وكان يجري قضاء وعدلا لكل شعبه.
14Oo Daa'uudna reer binu Israa'iil oo dhan buu u taliyey, oo wuxuu dadkiisa oo dhan ugu gar qaybshay xukun iyo caddaalad.
15وكان يوآب ابن صروية على الجيش ويهوشافاط بن اخيلود مسجّلا
15Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,
16وصادوق بن اخيطوب وابيمالك بن ابياثار كاهنين وشوشا كاتبا
16oo wadaaddona waxaa ahaa Saadooq ina Axiituub, iyo Abiimeleg ina Aabyaataar, Shawshaana wuxuu ahaa karraani.Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.
17وبنايا بن يهوياداع على الجلادين والسعاة وبنو داود الاولين بين يدي الملك
17Oo Benaayaah ina Yehooyaadaacna wuxuu u taliyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii, oo Daa'uud wiilashiisuna waxay ahaayeen madaxda boqorka u dhow.