الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Chronicles

28

1وجمع داود كل رؤساء اسرائيل رؤساء الاسباط ورؤساء الفرق الخادمين الملك ورؤساء الالوف ورؤساء المئات ورؤساء كل الاموال والاملاك التي للملك ولبنيه مع الخصيان والابطال وكل جبابرة البأس الى اورشليم.
1Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.
2ووقف داود الملك على رجليه وقال اسمعوني يا اخوتي وشعبي. كان في قلبي ان ابني بيت قرار لتابوت عهد الرب ولموطئ قدمي الهنا وقد هيّأت للبناء.
2Markaasaa Boqor Daa'uud cagaha isku taagay, oo wuxuu yidhi, Walaalahay iyo dadkaygiiyow, i maqla. Aniga waxaa qalbigayga ku jirtay inaan guri nasasho u dhiso sanduuqa axdiga Rabbiga iyo meel uu Ilaaheennu cago saaro, oo dhismihiina alaab baan u diyaariyey.
3ولكن الله قال لي لا تبني بيتا لاسمي لانك انت رجل حروب وقد سفكت دما.
3Laakiinse Ilaah baa igu yidhi, Waa inaadan guri u dhisin magacayga aawadiis, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dagaal, oo dhiig baad daadisay.
4وقد اختارني الرب اله اسرائيل من كل بيت ابي لاكون ملكا على اسرائيل الى الابد لانه انما اختار يهوذا رئيسا ومن بيت يهوذا بيت ابي ومن بني ابي سرّ بي ليملّكني على كل اسرائيل.
4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.
5ومن كل بنيّ لان الرب اعطاني بنين كثيرين انما اختار سليمان ابني ليجلس على كرسي مملكة الرب على اسرائيل.
5Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
6وقال لي ان سليمان ابنك هو يبني بيتي ودياري لاني اخترته لي ابنا وانا اكون له ابا
6Oo wuxuu igu yidhi, Wiilkaaga Sulaymaan ayaa dhisi doona gurigayga iyo barxadahaygaba, waayo, waxaan isaga u doortay inuu ahaado wiilkaygii, oo anna waxaan isaga u ahaan doonaa aabbihiis.
7واثبت مملكته الى الابد اذا تشدد للعمل حسب وصاياي واحكامي كهذا اليوم.
7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.
8والآن في اعين كل اسرائيل محفل الرب وفي سماع الهنا احفظوا واطلبوا جميع وصايا الرب الهكم لكي ترثوا الارض الجيدة وتورثوها لاولادكم بعدكم الى الابد.
8Haddaba sidaas daraaddeed reer binu Israa'iil oo dhan oo ah shirkii Rabbiga hortooda, iyo iyadoo uu Ilaaheennu ina maqlayo, dhawra oo doondoona amarrada Rabbiga Ilaaheenna ah oo dhan inaad idinku hantidaan dalkan wanaagsan oo aad weliba carruurtiinna idinka dambaysana uga tagtaan dhaxal weligiis raagaya.
9وانت يا سليمان ابني اعرف اله ابيك واعبده بقلب كامل ونفس راغبة لان الرب يفحص جميع القلوب ويفهم كل تصورات الافكار. فاذا طلبته يوجد منك واذا تركته يرفضك الى الابد.
9Haddaba Sulaymaanow, wiilkaygiiyow, Ilaahii aabbahaa garo, oo ugu adeeg qalbi qumman iyo maan raalli ah, waayo, Rabbigu wuxuu baadhaa qalbiyada oo dhan, wuuna wada gartaa malayaasha fikirrada oo dhan, oo haddaad isaga doondoontid waad heli doontaa, laakiinse haddaad isaga ka tagtid wuu ku xoori doonaa weligaaba.
10انظر الآن لان الرب قد اختارك لتبني بيتا للمقدس فتشدد واعمل
10Haddaba iska jir, waayo, Rabbigu wuxuu kuu doortay inaad meesha quduuska ah guri u dhistid. Xoog yeelo oo samee.
11واعطى داود سليمان ابنه مثال الرواق وبيوته وخزائنه وعلاليه ومخادعه الداخلية وبيت الغطاء
11Markaasaa Daa'uud wiilkiisii Sulaymaan siiyey tilmaantii balbaladii macbudka, iyo tii guryihiisa, iyo tii khasnadihiisa, iyo tii qowladihiisa sare, iyo tii qolalkiisa hoose, iyo tii meeshii daboolka kafaaraggudka.
12ومثال كل ما كان عنده بالروح لديار بيت الرب ولجميع المخادع حواليه ولخزائن بيت الله وخزائن الاقداس
12Oo wuxuu kaloo siiyey kulli wixii uu ruuxii ku hayay tilmaantoodii oo dhan, kuwaasoo ah barxadihii guriga Rabbiga, iyo qolalkii ku wareegsanaa oo dhan, iyo khasnadihii guriga Ilaah, iyo khasnadihii alaabta quduuska ah la dhigi lahaa,
13ولفرق الكهنة واللاويين ولكل عمل خدمة بيت الرب ولكل آنية خدمة بيت الرب.
13iyo weliba tilmaantii kooxihii ahaa wadaaddada iyo reer Laawi, iyo shuqulkii laga qaban lahaa guriga Rabbiga oo dhan, iyo weelashii guriga lagaga adeegi lahaa oo dhan,
14فمن الذهب بالوزن لما هو من ذهب لكل آنية خدمة فخدمة ولجميع آنية الفضة فضة بالوزن لكل آنية خدمة فخدمة.
14iyo tilmaantii dahabkii loo miisaami lahaa weelasha dahabka ah, oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa kulli weelasha lacagta ah oo ah kulli weelasha lagu adeegi lahaa cayn kasta oo adeegid ah,
15وبالوزن لمنائر الذهب وسرجها من ذهب بالوزن لكل منارة فمنارة وسرجها ولمنائر الفضة بالوزن لكل منارة وسرجها حسب خدمة منارة فمنارة.
15iyo weliba tii dahabkii loo miisaami lahaa laambadaha dahabka ah, iyo laambadahooda yaryar ee dahabka ah oo dhan, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, iyo tii lacagtii loo miisaami lahaa laambadaha lacagta ah, laambad kasta iyo laambadaheeda yaryarba miisaankooda, si waafaqsan wixii laambad kasta lagu qaban lahaa,
16وذهبا بالوزن لموائد خبز الوجوه لكل مائدة فمائدة وفضة لموائد الفضة.
16iyo tii dahabkii loo miisaami lahaa miisaska kibista tusniinta, miis kasta miisaankiisa, iyo tii lacagtii miisaska lacagta ah,
17وذهبا خالصا للمناشل والمناضح والكؤوس. ولاقداح الذهب بالوزن لقدح فقدح ولاقداح الفضة بالوزن لقدح فقدح.
17iyo tilmaantii mudacyada, iyo maddiibadaha, iyo koobabka laga samayn lahaa dahab saafi ah, oo baaquliyada dahabka ahna baaquli kasta dahabkiisii miisaankiisa, oo baquliyada lacagta ahna baquli kasta lacagtiisii miisaankeeda,
18ولمذبح البخور ذهبا مصفّى بالوزن وذهبا لمثال مركبة الكروبيم الباسطة اجنحتها المظللة تابوت عهد الرب
18iyo tilmaantii girgiraha fooxa dahabkiisa la safeeyey miisaankiisa, iyo tilmaantii dahabka loo miisaami lahaa naqshadda gaadhifaraska, iyo keruubiimtii baalashooda kala bixisay oo ku qarisay sanduuqii axdiga Rabbiga.
19قد افهمني الرب كل ذلك بالكتابة بيده عليّ اي كل اشغال المثال.
19Oo Daa'uud wuxuu yidhi, Waxan oo dhan waxaa laygu garansiiyey qorniin laga helay gacantii Rabbiga, si aan ku garto tilmaantan shuqulkeeda oo dhan.
20وقال داود لسليمان ابنه تشدد وتشجع واعمل لا تخف ولا ترتعب لان الرب الاله الهي معك. لا يخذلك ولا يتركك حتى تكمل كل عمل خدمة بيت الرب.
20Markaasaa Daa'uud wuxuu wiilkiisii Sulaymaan ku yidhi, Xoog yeelo oo aad u dhiirranow, oo hawshan samee, oo ha cabsan, hana qalbi jabin, waayo, Rabbiga Ilaaha ah oo ah Ilaahayga ayaa kula jira, oo isagu kuma gabi doono, kumana dayrin doono, jeer la wada dhammeeyo kulli shuqulka adeegidda guriga Rabbiga oo dhan.Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.
21وهوذا فرق الكهنة واللاويين لكل خدمة بيت الله. ومعك في كل عمل كل نبيه بحكمة لكل خدمة والرؤساء وكل الشعب تحت كل اوامرك
21Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.