1بولس المدعو رسولا ليسوع المسيح بمشيئة الله وسوستانيس الاخ
1Bawlos oo loogu yeedhay inuu doonistii Ilaah ku ahaado rasuulkii Ciise Masiix, iyo walaalkeen Soostenees,
2الى كنيسة الله التي في كورنثوس المقدسين في المسيح يسوع المدعوين قديسين مع جميع الذين يدعون باسم ربنا يسوع المسيح في كل مكان لهم ولنا.
2waxaannu warqaddan u qoraynaa kiniisadda Ilaah ee Korintos ku taal, kuwa quduus lagaga dhigay Ciise Masiix ee loogu yeedhay quduusiin, iyo kuwa meel kasta jooga oo ku barya magaca Rabbigeenna Ciise Masiix oo ah Rabbigooda iyo keennaba.
3نعمة لكم وسلام من الله ابينا والرب يسوع المسيح
3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbeheen ah iyo Rabbi Ciise Masiix.
4اشكر الهي في كل حين من جهتكم على نعمة الله المعطاة لكم في يسوع المسيح
4Mar kasta Ilaahay ayaan idiinku mahad naqaa, nimcadii Ilaah ee Ciise Masiix laydinku siiyey aawadeed.
5انكم في كل شيء استغنيتم فيه في كل كلمة وكل علم
5Maxaa yeelay, wax walba hodan buu idinkaga dhigay, ha ahaato hadal walba iyo aqoon walbaba,
6كما ثبتت فيكم شهادة المسيح
6sida laydiinku adkeeyey maraggii Masiixa loo furay;
7حتى انكم لستم ناقصين في موهبة ما وانتم متوقعون استعلان ربنا يسوع المسيح
7si aan hadiyadiinna idiinka dhinmin intaad sugaysaan muujinta Rabbigeenna Ciise Masiix;
8الذي سيثبتكم ايضا الى النهاية بلا لوم في يوم ربنا يسوع المسيح.
8kan haddana idinku adkayn doona ilaa dhammaadka, inaad eedla'aataan maalinta Rabbigeenna Ciise Masiix.
9امين هو الله الذي به دعيتم الى شركة ابنه يسوع المسيح ربنا
9Ilaah waa aamin, kan xaggiisa laydiinku yeedhay xidhiidhka Wiilkiisa Ciise Masiix ee Rabbigeenna ah.
10ولكنني اطلب اليكم ايها الاخوة باسم ربنا يسوع المسيح ان تقولوا جميعكم قولا واحدا ولا يكون بينكم انشقاقات بل كونوا كاملين في فكر واحد ورأي واحد.
10Walaalayaalow, waxaan magaca Rabbigeenna Ciise Masiix idinkaga baryayaa inaad dhammaantiin isku wax ku wada hadashaan, iyo inaydnaan kala qaybsamin, laakiin inaad ku dhammaataan isku maan iyo isku talo.
11لاني أخبرت عنكم يا اخوتي من اهل خلوي ان بينكم خصومات.
11Walaalahayow, dadkii Khalo'ee ayaa iiga kiin warramay in ilaaqi idin dhex taal.
12فانا اعني هذا ان كل واحد منكم يقول انا لبولس وانا لأبلوس وانا لصفا وانا للمسيح.
12Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
13هل انقسم المسيح. ألعل بولس صلب لاجلكم. ام باسم بولس اعتمدتم.
13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?
14اشكر الله اني لم اعمد احدا منكم الا كريسبس وغايس
14Waxaan Ilaah ugu mahad naqayaa inaanan midkiinna baabtiisin, Kirisbos iyo Gayus maahee
15حتى لا يقول احد اني عمدت باسمي.
15inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa.
16وعمدت ايضا بيت استفانوس. عدا ذلك لست اعلم هل عمدت احدا آخر.
16Waxaan kaloo baabtiisay kuwii guriga Istefanas joogay. Weliba garan maayo inaan qaar kale baabtiisay iyo in kale.
17لان المسيح لم يرسلني لاعمد بل لابشر. لا بحكمة كلام لئلا يتعطل صليب المسيح.
17Waayo, Masiixu iima uu soo dirin inaan dad baabtiiso, laakiin wuxuu ii soo diray inaan dadka injiilka ku wacdiyo, ee ma aha inaan ku hadlo xigmadda hadalka, waaba intaasoo iskutallaabta Masiixa la caaqibo tiraaye.
18فان كلمة الصليب عند الهالكين جهالة واما عندنا نحن المخلّصين فهي قوة الله.
18Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya.
19لانه مكتوب سأبيد حكمة الحكماء وارفض فهم الفهماء.
19Maxaa yeelay, waxaa qoran, Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa, Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.
20اين الحكيم. اين الكاتب. اين مباحث هذا الدهر. ألم يجهّل الله حكمة هذا العالم.
20Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida?
21لانه اذ كان العالم في حكمة الله لم يعرف الله بالحكمة استحسن الله ان يخلّص المؤمنين بجهالة الكرازة.
21Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga.
22لان اليهود يسألون آية واليونانيين يطلبون حكمة.
22In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan,
23ولكننا نحن نكرز بالمسيح مصلوبا لليهود عثرة ولليونانيين جهالة.
23annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo.
24واما للمدعوين يهودا ويونانيين فبالمسيح قوة الله وحكمة الله.
24Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah.
25لان جهالة الله احكم من الناس. وضعف الله اقوى من الناس
25Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.
26فانظروا دعوتكم ايها الاخوة ان ليس كثيرون حكماء حسب الجسد ليس كثيرون اقوياء ليس كثيرون شرفاء
26U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah,
27بل اختار الله جهال العالم ليخزي الحكماء. واختار الله ضعفاء العالم ليخزي الاقوياء.
27laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh.
28واختار الله ادنياء العالم والمزدرى وغير الموجود ليبطل الموجود
28Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo,
29لكي لا يفتخر كل ذي جسد امامه.
29si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa.
30ومنه انتم بالمسيح يسوع الذي صار لنا حكمة من الله وبرا وقداسة وفداء.
30Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada,in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
31حتى كما هو مكتوب من افتخر فليفتخر بالرب
31in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.