الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Corinthians

13

1ان كنت اتكلم بألسنة الناس والملائكة ولكن ليس لي محبة فقد صرت نحاسا يطن او صنجا يرن.
1Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale.
2وان كانت لي نبوة واعلم جميع الاسرار وكل علم وان كان لي كل الايمان حتى انقل الجبال ولكن ليس لي محبة فلست شيئا.
2Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi.
3وان اطعمت كل اموالي وان سلمت جسدي حتى احترق ولكن ليس لي محبة فلا انتفع شيئا.
3Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.
4المحبة تتأنى وترفق. المحبة لا تحسد. المحبة لا تتفاخر ولا تنتفخ
4Jacaylku waa samir badan yahay, waana raxiim, jacaylku ninna ma xasdo, jacaylku ma faano, mana kibro,
5ولا تقبح ولا تطلب ما لنفسها ولا تحتد ولا تظن السوء
5wax aan u ekayn ma falo, nafsaddiisana wax uma doondoono, mana xanaaqo, sharna kuma fikiro,
6ولا تفرح بالاثم بل تفرح بالحق
6xaqdarrada kuma farxo, laakiin wuxuu ku farxaa runta.
7وتحتمل كل شيء وتصدق كل شيء وترجو كل شيء وتصبر على كل شيء.
7Wax walba wuu u dulqaataa, wax walba wuu rumaystaa, wax walba wuu rajeeyaa, wax walba wuu u adkaystaa.
8المحبة لا تسقط ابدا. واما النبوات فستبطل والألسنة فستنتهي والعلم فسيبطل.
8Jacaylku weligii ma idlaado. Hadday wax sii sheegiddii jirto, way baabbi'i doontaa, hadday afaf jiraan way dhammaan doonaan, hadday aqooni jirto way baabbi'i doontaa.
9لاننا نعلم بعض العلم ونتنبأ بعض التنبوء.
9Waayo, waxaynu naqaan waa qabyo, oo si qabyo ahaan ah ayaynu wax u sii sheegnaa.
10ولكن متى جاء الكامل فحينئذ يبطل ما هو بعض.
10Laakiin markii waxa dhammi ay yimaadaan, waxa qabyada ahi way idlaan doonaan.
11لما كنت طفلا كطفل كنت اتكلم وكطفل كنت افطن وكطفل كنت افتكر. ولكن لما صرت رجلا ابطلت ما للطفل.
11Markaan ilmo yar ahaan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u hadli jiray, sidii ilmo oo kale ayaan wax u garan jiray, sidii ilmo oo kale ayaan u fikiri jiray, laakiinse haatan waxaan noqday nin weyn, oo waxyaalihii carruurnimada waan iska fogeeyey.
12فاننا ننظر الآن في مرآة في لغز لكن حينئذ وجها لوجه. الآن اعرف بعض المعرفة لكن حينئذ ساعرف كما عرفت.
12Haatan si aan caddaan ahayn ayaynu muraayad wax ugu aragnaa, laakiin markaas ka fool ka fool ayaynu wax u arki doonnaa. Hadda si qabyo ahaan ah ayaan wax u garanayaa, laakiin markaas waxaan u garan doonaa sidii la ii gartay.Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.
13اما الآن فيثبت الايمان والرجاء والمحبة هذه الثلاثة ولكن اعظمهن المحبة
13Haddabase waxa waaraa waa saddexdan, rumaysad iyo rajo iyo jacayl; laakiin kuwan waxaa ugu wada weyn jacayl.