1واما من جهة الجمع لاجل القديسين فكما اوصيت كنائس غلاطية هكذا افعلوا انتم ايضا.
1Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela.
2في كل اول اسبوع ليضع كل واحد منكم عنده. خازنا ما تيسر حتى اذا جئت لا يكون جمع حينئذ.
2Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin.
3ومتى حضرت فالذين تستحسنونهم أرسلهم برسائل ليحملوا احسانكم الى اورشليم.
3Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan.
4وان كان يستحق ان اذهب انا ايضا فسيذهبون معي.
4Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.
5وسأجيء اليكم متى اجتزت بمكدونية. لاني اجتاز بمكدونية.
5Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa.
6وربما امكث عندكم او اشتي ايضا لكي تشيعوني الى حيثما اذهب.
6Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.
7لاني لست اريد الآن ان اراكم في العبور لاني ارجو ان امكث عندكم زمانا ان أذن الرب.
7Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo.
8ولكنني امكث في افسس الى يوم الخمسين.
8Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste.
9لانه قد انفتح لي باب عظيم فعال ويوجد معاندون كثيرون
9Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.
10ثم ان أتى تيموثاوس فانظروا ان يكون عندكم بلا خوف. لانه يعمل عمل الرب كما انا ايضا.
10Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale.
11فلا يحتقره احد بل شيعوه بسلام ليأتي اليّ لاني انتظره مع الاخوة.
11Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco.
12واما من جهة أبلوس الاخ فطلبت اليه كثيرا ان يأتي اليكم مع الاخوة ولم تكن له ارادة البتة ان يأتي الآن. ولكنه سيأتي متى توفق الوقت
12Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.
13اسهروا. اثبتوا في الايمان. كونوا رجالا. تقووا.
13Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba.
14لتصر كل اموركم في محبة
14Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.
15واطلب اليكم ايها الاخوة. انتم تعرفون بيت استفاناس انهم باكورة اخائية وقد رتبوا انفسهم لخدمة القديسين.
15Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa
16كي تخضعوا انتم ايضا لمثل هؤلاء وكل من يعمل معهم ويتعب.
16inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda.
17ثم اني افرح بمجيء استفاناس وفرتوناتوس واخائيكوس لان نقصانكم هؤلاء قد جبروه
17Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray.
18اذ اراحوا روحي وروحكم. فاعرفوا مثل هؤلاء
18Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.
19تسلم عليكم كنائس اسيا. يسلم عليكم في الرب كثيرا اكيلا وبريسكلا مع الكنيسة التي في بيتهما.
19Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba.
20يسلم عليكم الاخوة اجمعون. سلموا بعضكم على بعض بقبلة مقدسة
20Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.
21السلام بيدي انا بولس.
21Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa.
22ان كان احد لا يحب الرب يسوع المسيح فليكن اناثيما. ماران اثا.
22Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa.
23نعمة الرب يسوع المسيح معكم.
23Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto.Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.
24محبتي مع جميعكم في المسيح يسوع. آمين
24Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.