1وانا ايها الاخوة لم استطع ان اكلمكم كروحيين بل كجسديين كاطفال في المسيح.
1Anna, walaalayaalow, idiinlama aan hadli karin sida idinkoo ruuxa raaca, laakiin idinkoo jidhka raaca sida kuwo ilmo yaryar ah oo ku jira Masiix.
2سقيتكم لبنا لا طعاما لانكم لم تكونوا بعد تستطيعون بل الآن ايضا لا تستطيعون
2Waxaan idin siiyey caano ee idinma aan siin cunto, waayo, weli ma aydaan cuni karin, haatanna weli ma aad kartaan.
3لانكم بعد جسديون. فانه اذ فيكم حسد وخصام وانشقاق ألستم جسديين وتسلكون بحسب البشر.
3Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn?
4لانه متى قال واحد انا لبولس وآخر انا لأبلوس أفلستم جسديين
4Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?
5فمن هو بولس ومن هو أبلوس. بل خادمان آمنتم بواسطتهما وكما اعطى الرب لكل واحد.
5Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.
6انا غرست وأبلوس سقى لكن الله كان ينمي.
6Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
7اذا ليس الغارس شيئا ولا الساقي بل الله الذي ينمي.
7Taa aawadeed waxba ma aha kan beeraa, ama kan waraabiyaa, laakiin waa Ilaah kan koriyaa.
8والغارس والساقي هما واحد ولكن كل واحد سيأخذ اجرته بحسب تعبه.
8Kan beeraa iyo kan waraabiyaa waa isku mid, laakiin mid kastaa wuxuu heli doonaa abaalkiis siday hawshiisu ahayd.
9فاننا نحن عاملان مع الله وانتم فلاحة الله. بناء الله.
9Waxaannu nahay kuwa Ilaah la shaqeeya, idinkuna waxaad tihiin beerta Ilaah iyo Ilaah dhismihiisa.
10حسب نعمة الله المعطاة لي كبنّاء حكيم قد وضعت اساسا وآخر يبني عليه. ولكن فلينظر كل واحد كيف يبني عليه.
10Sida dhise xigmad leh waxaan aasaaskii ku dhigay nimcadii Ilaah i siiyey, oo mid kalena wuu ka dul dhisayaa. Laakiin mid kastaa ha ka fiirsado siduu uga dul dhisayo.
11فانه لا يستطيع احد ان يضع اساسا آخر غير الذي وضع الذي هو يسوع المسيح.
11Waayo, ninna ma dhigi karo aasaas kale kan la dhigay mooyaane oo ah Ciise Masiix.
12ولكن ان كان احد يبني على هذا الاساس ذهبا فضة حجارة كريمة خشبا عشبا قشا
12Laakiin nin hadduu aasaaska ku dul dhiso dahab, ama lacag, ama dhagaxyo qaali ah, ama qoryo, ama caws, ama bal,
13فعمل كل واحد سيصير ظاهرا لان اليوم سيبيّنه. لانه بنار يستعلن وستمتحن النار عمل كل واحد ما هو.
13nin kasta shuqulkiisa ayaa la muujin doonaa. Waayo, maalintu way caddayn doontaa, maxaa yeelay, dab baa lagu muujiyaa, waayo, nin kasta shuqulkiisa caynkuu yahay dabka ayaa tijaabin doona.
14ان بقي عمل احد قد بناه عليه فسيأخذ اجرة.
14Nin uun haddii shuqulkiisuu ku dul dhisay hadho, abaal buu heli doonaa.
15ان احترق عمل احد فسيخسر واما هو فسيخلص ولكن كما بنار.
15Nin uun haddii shuqulkiisu gubto, wuu khasaari doonaa, isaga qudhiisuse wuu badbaadi doonaa, laakiin sidii wax dab laga soo baxshay oo kaluu u badbaadi doonaa.
16أما تعلمون انكم هيكل الله وروح الله يسكن فيكم.
16Miyaanaydin garanaynin inaad tihiin macbudkii Ilaah oo uu Ruuxa Ilaah idinku jiro?
17ان كان احد يفسد هيكل الله فسيفسده الله لان هيكل الله مقدس الذي انتم هو.
17Nin uuni hadduu macbudka Ilaah kharribo, isaga Ilaah baa kharribi doona, waayo, macbudkii Ilaah waa quduus, kaad idinku tihiin.
18لا يخدعنّ احد نفسه. ان كان احد يظن انه حكيم بينكم في هذا الدهر فليصر جاهلا لكي يصير حكيما.
18Ninna yuusan iskhiyaanayn. Haddii nin dhexdiinna joogaa uu u malaynayo inuu wakhtigan xigmad leeyahay, doqon ha noqdo si uu xigmad u yeesho.
19لان حكمة هذا العالم هي جهالة عند الله لانه مكتوب الآخذ الحكماء بمكرهم.
19Waayo, xigmadda dunidan doqonnimay la tahay Ilaah. Waayo, waxaa qoran, Isagu kuwa xigmadda leh ayuu khiyaanadooda ku qabtaa,
20وايضا الرب يعلم افكار الحكماء انها باطلة.
20oo haddana, Rabbigu waa garanayaa tashiyada kuwa xigmadda leh inayan waxba tarin.
21اذا لا يفتخرنّ احد بالناس. فان كل شيء لكم.
21Taa aawadeed ninna yaanu dadka ku faanin. Waayo, wax walba idinkaa leh,
22أبولس ام أبلوس ام صفا ام العالم ام الحياة ام الموت ام الاشياء الحاضرة ام المستقبلة كل شيء لكم.
22ha ahaadeen ama Bawlos, ama Abolloos, ama Keeyfas, ama dunida, ama nolosha, ama dhimashada, ama waxyaalaha haatan jooga, ama waxyaalaha iman doona, dhammaan idinkaa leh.Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.
23واما انتم فللمسيح والمسيح لله
23Idinkuna kuwa Masiix baad tihiin, Masiixuna waa kan Ilaah.