1أيتجاسر منكم احد له دعوى على آخر ان يحاكم عند الظالمين وليس عند القديسين.
1Midkiin haddii uu xaal ku haysto kan kale, miyuu ku dhacaa inuu ku dacweeyo kuwa aan xaqa ahayn hortooda, oo aanu ku dacwayn quduusiinta hortooda?
2ألستم تعلمون ان القديسين سيدينون العالم. فان كان العالم يدان بكم افانتم غير مستاهلين للمحاكم الصغرى.
2Mise waydnaan garanaynin in quduusiintu ay dunida xukumi doonaan? Oo haddaad dunida xukuntaan, ma waxaad tihiin kuwa aan istaahilin inay waxyaalaha yaryar xukumaan?
3ألستم تعلمون اننا سندين ملائكة فبالأولى امور هذه الحياة.
3Miyeydnaan ogayn inaynu malaa'igaha xukumi doonno? Intee ka badan baa waxyaalaha noloshan ku saabsan aynu xukumaynaa?
4فان كان لكم محاكم في امور هذه الحياة فأجلسوا المحتقرين في الكنيسة قضاة.
4Haddaba haddii aad leedihiin axwaal ku saabsan waxyaalaha noloshan, kuwa aan waxba ka ahayn kiniisadda miyaad ka dhigaysaan inay xukumaan?
5لتخجيلكم اقول. أهكذا ليس بينكم حكيم ولا واحد يقدر ان يقضي بين اخوته.
5Waxaan taas u leeyahay inaan idin ceebeeyo. Ma sidaas baa inaan dhexdiinna laga helaynin mid xigmad leh oo karaya inuu u gar qaybiyo walaalihiis,
6لكن الاخ يحاكم الاخ وذلك عند غير المؤمنين.
6laakiin in walaal walaalkii dacweeyo oo uu weliba ku dacweeyo kuwa aan rumaysnayn hortooda?
7فالآن فيكم عيب مطلقا لان عندكم محاكمات بعضكم مع بعض. لماذا لا تظلمون بالحري. لماذا لا تسلبون بالحري.
7Haddaba waa idiin wada daran tahay in midkiinba midka kale dacweeyo. Maad iska daysaan, ha laydin xumeeyee? Maad iska daysaan, ha laydin dulmee?
8لكن انتم تظلمون وتسلبون وذلك للاخوة.
8Laakiin idinka qudhiinnu wax baad xumaysaan oo dulantaan, oo xataa walaalihiin.
9ام لستم تعلمون ان الظالمين لا يرثون ملكوت الله. لا تضلوا. لا زناة ولا عبدة اوثان ولا فاسقون ولا مأبونون ولا مضاجعو ذكور
9Ama miyeydnaan ogayn in kuwa xaqa darani ayan dhaxlayn boqortooyadii Ilaah? Yaan laydin khiyaanayn. Ama dhillayaasha, ama kuwa sanamka caabuda, ama kuwa sinaysta, ama khaanisiinta,
10ولا سارقون ولا طماعون ولا سكيرون ولا شتامون ولا خاطفون يرثون ملكوت الله.
10ama tuugagga, ama kuwa wax badan damca, ama kuwa sakhraama, ama kuwa wax caaya, ama kuwa wax dulma, ma dhaxli doonaan boqortooyadii Ilaah.
11وهكذا كان اناس منكم. لكن اغتسلتم بل تقدستم بل تبررتم باسم الرب يسوع وبروح الهنا
11Qaarkiin sidaas oo kale baad ahaan jirteen, laakiin waa laydinka maydhay, quduus baa laydinka dhigay, xaq baa laydinkaga dhigay magaca Rabbi Ciise Masiix iyo Ruuxa Ilaaheenna.
12كل الاشياء تحل لي لكن ليس كل الاشياء توافق. كل الاشياء تحل لي لكن لا يتسلط علي شيء.
12Wax waliba waa ii xalaal, laakiin wax waliba iima roona. Wax waliba waa ii xalaal, laakiin waxba ima addoonsan doonaan.
13الاطعمة للجوف والجوف للاطعمة والله سيبيد هذا وتلك. ولكن الجسد ليس للزنا بل للرب والرب للجسد.
13Cuntada waxaa loo sameeyey caloosha, calooshana cuntada, laakiin Ilaah baa baabbi'in doona tan iyo taaba. Jidhka looma samayn sinada ee waxaa loo sameeyey Rabbiga, Rabbiguna jidhkuu xannaaneeyaa.
14والله قد اقام الرب وسيقيمنا نحن ايضا بقوته.
14Ilaah waa sara kiciyey Rabbiga, innagana xooggiisa ayuu inagu sara kicin doonaa.
15ألستم تعلمون ان اجسادكم هي اعضاء المسيح. أفآخذ اعضاء المسيح واجعلها اعضاء زانية. حاشا.
15Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.
16ام لستم تعلمون ان من التصق بزانية هو جسد واحد لانه يقول يكون الاثنان جسدا واحدا.
16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.
17واما من التصق بالرب فهو روح واحد.
17Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.
18اهربوا من الزنى. كل خطية يفعلها الانسان هي خارجة عن الجسد. لكن الذي يزني يخطئ الى جسده.
18Ka carara sinada. Dembi kaloo kasta oo nin falo, jidhka waa ka dibadda, laakiin kii dhillanimada falaa jidhkiisuu ku dembaabaa.
19ام لستم تعلمون ان جسدكم هو هيكل للروح القدس الذي فيكم الذي لكم من الله وانكم لستم لانفسكم.
19Ama miyaanaydin ogayn jidhkiinnu inuu yahay macbudka Ruuxa Quduuska ah ee idinku jira ee aad Ilaah ka hesheen? Oo idinku isma lihidin,waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.
20لانكم قد اشتريتم بثمن. فمجّدوا الله في اجسادكم وفي ارواحكم التي هي لله
20waayo, qiimo weyn baa laydinku soo iibsaday. Sidaa aawadeed Ilaah jidhkiinna ku ammaana.