الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Kings

20

1وجمع بنهدد ملك ارام كل جيشه واثنين وثلاثين ملكا معه وخيلا ومركبات وصعد وحاصر السامرة وحاربها.
1Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya wuxuu soo urursaday ciidankiisii oo dhan, waxaana isaga la jiray laba iyo soddon boqor, iyo fardo iyo gaadhifardood; oo intuu soo kacay ayuu Samaariya hareereeyey, wuuna la diriray.
2وارسل رسلا الى اخآب ملك اسرائيل الى المدينة وقال له هكذا يقول بنهدد.
2Markaasuu magaaladii farriin u diray oo wuxuu boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa ku yidhi, Anigoo Benhadad ah, waxaan kugu leeyahay,
3لي فضتك وذهبك ولي نساؤك وبنوك الحسان.
3Lacagtaada iyo dahabkaaga anigaa iska leh, oo naagahaaga, iyo carruurtaada, xataa kuwa ugu fiican anigaa iska leh.
4فاجاب ملك اسرائيل وقال حسب قولك يا سيدي الملك انا وجميع مالي لك.
4Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ugu jawaabay, Boqorow, sayidkaygiiyow, waa sidaad u tidhi, oo aniga iyo waxayga oo dhanba adigaa iska leh.
5فرجع الرسل وقالوا هكذا تكلم بن هدد قائلا اني قد ارسلت اليك قائلا ان فضتك وذهبك ونساءك وبنيك تعطيني اياهم
5Oo wargeeyayaashii haddana way soo noqdeen oo waxay yidhaahdeen, Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Xaqiiqa waan ku soo cid diray oo waxaan kugu idhi, Waa inaad ii soo dhiibto lacagtaada, iyo dahabkaaga, iyo naagahaaga, iyo carruurtaadaba,
6فاني في نحو هذا الوقت غدا ارسل عبيدي اليك فيفتشون بيتك وبيوت عبيدك وكل ما هو شهي في عينيك يضعونه في ايديهم وياخذونه.
6laakiinse berrito hadda oo kale waxaan kuu soo diri doonaa addoommadayda, oo waxay soo baadhi doonaan gurigaaga iyo guryaha addoommadaadaba, oo wax alla wixii kula wanaagsan gacantooday ku dhigi doonaan, wayna kaa soo qaadi doonaan.
7فدعا ملك اسرائيل جميع شيوخ الارض وقال اعلموا وانظروا ان هذا يطلب الشر لانه ارسل اليّ بطلب نسائي وبنيّ وفضتي وذهبي ولم امنعها عنه.
7Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil u soo yeedhay odayaashii dalka oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, bal eega oo ogaada sida ninkanu iiga belaayo doonayo, waayo, wuxuu u soo cid dirsaday naagahayga iyo carruurtayda, iyo lacagtayda, iyo dahabkayga, oo anna uma aanan diidin.
8فقال له كل الشيوخ وكل الشعب لا تسمع له ولا تقبل.
8Markaasaa odayaashii oo dhan iyo dadkii oo dhammu waxay isagii ku yidhaahdeen, Ha dhegaysan, hana oggolaan.
9فقال لرسل بنهدد قولوا لسيدي الملك ان كل ما ارسلت فيه الى عبدك اولا افعله. واما هذا الامر فلا استطيع ان افعله. فرجع الرسل وردّوا عليه الجواب.
9Sidaas daraaddeed wuxuu ku yidhi kuwii Benhadad warka ka keenay, Boqorka sayidkayga ah u sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Dhammaan wixii aad markii hore ii soo dirsatay anoo addoonkaaga ah, waan yeelayaa, laakiinse waxan yeeli kari maayo. Oo wargeeyayaashiina way ka tageen, oo haddana war kalay u keeneen isagii.
10فارسل اليه بنهدد وقال هكذا تفعل بي الآلهة وهكذا تزيدني ان كان تراب السامرة يكفي قبضات لكل الشعب الذي يتبعني.
10Benhadad baa u soo cid diray oo ku yidhi, Sidaas iyo si ka sii daranba ilaahyadu ha igu sameeyeen haddii ciidda Samaariya sacab sacab u gaadho dadka ila socda oo dhan.
11فاجاب ملك اسرائيل وقال قولوا لا يفتخرنّ من يشد كمن يحل.
11Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu ugu jawaabay, U sheega oo waxaad ku tidhaahdaan, Ka hubka dagaalka xidhaa yuusan u faanin sidii midka iska fura.
12فلما سمع هذا الكلام وهو يشرب مع الملوك في الخيام قال لعبيده اصطفوا فاصطفوا على المدينة
12Markii Benhadad farriintii maqlay, isagoo khamri teendhooyinka kula cabbaya boqorradii ayuu addoommadiisii ku yidhi, War weerar isu diyaariya. Oo iyana markaasay magaaladii weerar isugu diyaariyeen.
13واذا بنبي تقدم الى اخآب ملك اسرائيل وقال هكذا قال الرب هل رايت كل هذا الجمهور العظيم. هانذا ادفعه ليدك اليوم فتعلم اني انا الرب.
13Oo bal eeg, nebi baa u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo Axaab ahaa, oo wuxuu ku yidhi, War Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadkan faraha badan oo dhan ma aragtay? Bal ogow, kulligood adigaan maanta kuu soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaa inaan anigu ahay Rabbiga.
14فقال اخآب بمن فقال هكذا قال الرب بغلمان رؤساء المقاطعات. فقال من يبتدئ بالحرب. فقال انت.
14Markaasaa Axaab wuxuu yidhi, Oo yuu iigu soo gacangelinayaa? Isna wuxuu yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Amiirradii gobollada addoommadooda ayaan kuugu soo gacangelinayaa. Oo haddana wuxuu yidhi, Oo dagaalka yaa bilaabaya? Wuxuu yidhi, Adiga.
15فعدّ غلمان رؤساء المقاطعات فبلغوا مئتين واثنين وثلاثين. وعدّ بعدهم كل الشعب كل بني اسرائيل سبعة آلاف.
15Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.
16وخرجوا عند الظهر وبنهدد يشرب ويسكر في الخيام هو والملوك الاثنان والثلاثون الذين ساعدوه.
16Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.
17فخرج غلمان رؤساء المقاطعات اولا. وارسل بنهدد فاخبروه قائلين قد خرج رجال من السامرة.
17Oo waxaa markii hore soo baxay amiirradii gobollada addoommadoodii; oo Benhadadna cid buu diray, oo waxaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Rag baa Samaariya ka soo baxay.
18فقال ان كانوا قد خرجوا للسلام فامسكوهم احياء وان كانوا قد خرجوا للقتال فامسكوهم احياء.
18Isna wuxuu yidhi, Hadday nabad u soo baxeen iyo hadday dagaal u soo baxeenba iyagoo nool qabqabta.
19فخرج غلمان رؤساء المقاطعات هؤلاء من المدينة هم والجيش الذي وراءهم.
19Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday.
20وضرب كل رجل رجله فهرب الاراميون وطاردهم اسرائيل ونجا بنهدد ملك ارام على فرس مع الفرسان.
20Oo kulligood mid waluba ninkiisii ayuu dilay; markaasaa ciidanka Suuriya cararay, oo ciidankii Israa'iilna way eryadeen; oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya faras buu fuulay oo rag fardooley ah la baxsaday.
21وخرج ملك اسرائيل فضرب الخيل والمركبات وضرب ارام ضربة عظيمة
21Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil baxay oo baabbi'iyey fardihii iyo gaadhifardoodkii, oo ciidankii Suuriyana aad buu u laayay.
22فتقدم النبي الى ملك اسرائيل وقال له اذهب تشدد واعلم وانظر ما تفعل لانه عند تمام السنة يصعد عليك ملك ارام.
22Markaasaa nebigii u soo dhowaaday boqorkii dalka Israa'iil oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo xoogayso, oo bal ogow, oo eeg waxaad samaynaysid, waayo, markii sannaddu soo wareegto ayaa boqorka Suuriya kugu soo duuli doonaa.
23واما عبيد ملك ارام فقالوا له ان آلهتهم آلهة جبال لذلك قووا علينا. ولكن اذا حاربناهم في السهل فاننا نقوى عليهم.
23Oo boqorkii Suuriya addoommadiisii waxay isagii ku yidhaahdeen, War ilaahoodu waa ilaahii buuraha oo sidaas daraaddeed ayay inooga xoog bateen. Haddaba aynu bannaanka kula dirirno oo markaas hubaal waynu ka xoog badnaanaynaa.
24وافعل هذا الامر. اعزل الملوك كل واحد من مكانه وضع قوادا مكانهم.
24Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.
25واحص لنفسك جيشا كالجيش الذي سقط منك فرسا بفرس ومركبة بمركبة فنحاربهم في السهل ونقوى عليهم. فسمع لقولهم وفعل كذلك.
25Oo waxaad tirsataa ciidan le'eg ciidankii kaa le'day, oo faras kasta meeshiisii faras geli, gaadhifaras kastana meeshiisii gaadhifaras geli; oo markaasaynu iyaga bannaanka kula diriraynaa, oo hubaal waynu ka adkaanaynaa, oo isna codkoodii buu maqlay oo saasuu yeelay.
26وعند تمام السنة عدّ بنهدد الاراميين وصعد الى افيق ليحارب اسرائيل.
26Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Benhadad tiriyey ciidankii Suuriya, oo intuu Afeeq tegey ayuu la diriray ciidankii Israa'iil.
27واحصي بنو اسرائيل وتزوّدوا وساروا للقائهم فنزل بنو اسرائيل مقابلهم نظير قطيعين صغيرين من المعزى. واما الاراميون فملأوا الارض
27Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.
28فتقدم رجل الله وكلم ملك اسرائيل وقال هكذا قال الرب من اجل ان الاراميين قالوا ان الرب انما هو اله جبال وليس هو اله اودية ادفع كل هذا الجمهور العظيم ليدك فتعلمون اني انا الرب.
28Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil waxaa u yimid oo la hadlay nin Ilaah, oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Reer Suuriya waxay yidhaahdeen, Rabbigu waa Ilaahii buuraha, laakiinse ma aha Ilaahii dooxooyinka, oo sidaas daraaddeed dadkan faraha badan oo dhan adigaan ku soo gacangelinayaa, oo markaasaad ogaan doontaan inaan anigu ahay Rabbiga.
29فنزل هؤلاء مقابل اولئك سبعة ايام. وفي اليوم السابع اشتبكت الحرب فضرب بنو اسرائيل من الاراميين مئة الف راجل في يوم واحد.
29Oo intii toddoba maalmood ah ayay is-hor degganaayeen. Oo waxay noqotay in maalintii toddobaad dagaalkii bilaabmay, oo maalin keliya ayaa ciidankii Israa'iil waxay dadkii Suuriya ka laayeen boqol kun oo nin oo lug ah.
30وهرب الباقون الى افيق الى المدينة وسقط السور على السبعة والعشرين الف رجل الباقين. وهرب بنهدد ودخل المدينة من مخدع الى مخدع.
30Laakiinse intoodii kale Afeeq ayay u carareen oo magaaladay galeen, oo toddoba iyo labaatan kun oo nin oo ka hadhayna waxaa ku soo dhacay derbigii. Markaasaa Benhadad cararay oo magaaladuu galay isagoo ugu gudbaya qol ilaa qol.
31فقال له عبيده اننا قد سمعنا ان ملوك بيت اسرائيل هم ملوك حليمون فلنضع مسوحا على احقائنا وحبالا على رؤوسنا ونخرج الى ملك اسرائيل لعله يحيي نفسك.
31Oo addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, waxaannu maqalnay in boqorrada dalka Israa'iil yihiin boqorro naxariis badan, haddaba waannu ku baryaynaaye aannu joonyado guntanno, oo madaxana aannu xadhko ku duudduubanno, oo aannu boqorka dalka Israa'iil u baxno, waxaa laga yaabaa inuu naftaada badbaadiyee.
32فشدّوا مسوحا على احقائهم وحبالا على رؤوسهم واتوا الى ملك اسرائيل وقالوا يقول عبدك بنهدد لتحي نفسي. فقال أهو حيّ بعد. هو اخي.
32Sidaas daraaddeed waxay guntadeen joonyado, madaxyadana waxay ku duudduubteen xadhko, oo waxay u yimaadeen boqorkii dalka Israa'iil, oo ku yidhaahdeen, Addoonkaagii Benhadad wuxuu kugu leeyahay, Waan ku baryayaaye maanta i bixi. Oo isna wuxuu ku yidhi, War miyuu weli nool yahay? Isagu waa walaalkay.
33فتفاءل الرجال واسرعوا ولجّوا هل هو منه. وقالوا اخوك بنهدد. فقال ادخلوا خذوه فخرج اليه بنهدد فاصعده الى المركبة.
33Oo nimankiina aad bay ugu dadaaleen inay calaamad wanaagsan ka maqlaan, oo waxay ku dhaqsadeen inay qabsadaan in taasu maankiisa ku jirto iyo in kale, kolkaasay waxay ku yidhaahdeen, Benhadad waa walaalkaa. Isna wuxuu yidhi, Taga oo ii keena. Markaasaa Benhadad isagii u soo baxay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo fuushiyey.
34وقال له اني ارد المدن التي اخذها ابي من ابيك وتجعل لنفسك اسواقا في دمشق كما جعل ابي في السامرة. فقال وانا اطلقك بهذا العهد. فقطع له عهدا واطلقه
34Markaasaa Benhadad wuxuu ku yidhi, Waan kuu celinayaa magaalooyinkii aabbahay aabbahaa ka dhacay, oo waxaad Dimishaq ka samaysataa jidad sidii aabbahay Samaariya uga samaystay oo kale. Axaabna wuxuu ku yidhi, Axdiganaan kugu sii daynayaa. Sidaasuu axdi ula dhigtay, wuuna iska sii daayay.
35وان رجلا من بني الانبياء قال لصاحبه. عن امر الرب اضربني. فابى الرجل ان يضربه.
35Oo nin qoonkii nebiyada ka mid ah ayaa saaxiibkiis ku yidhi, War i dil, waan ku baryayaaye, taasuna waxay ahayd eray xagga Rabbiga ka yimid, laakiinse ninkii waa diiday inuu dilo.
36فقال له من اجل انك لم تسمع لقول الرب فحينما تذهب من عندي يقتلك اسد. ولما ذهب من عنده لقيه اسد. وقتله.
36Kolkaasuu ku yidhi, Adigu ma aadan addeecin Eraygii Rabbiga oo sidaas daraaddeed bal ogow haddiiba markii aad iga tagto waxaa ku dili doona libaax. Oo haddiiba markuu isagii ka tegey ayaa waxaa helay libaax, wuuna dilay isagii.
37ثم صادف رجلا آخر فقال اضربني. فضربه الرجل ضربة فجرحه.
37Oo haddana wuxuu helay nin kale, markaasuu ku yidhi, War waan ku baryayaaye i dil. Markaasaa ninkii intuu wax ku dhuftay dhaawacay.
38فذهب النبي وانتظر الملك على الطريق وتنكر بعصابة على عينيه.
38Markaasaa nebigii tegey oo boqorkii ku sugay jidka agtiisa, wuuna isku beddelay calalkiisii madaxa oo uu indhaha ku qariyey.
39ولما عبر الملك نادى الملك وقال خرج عبدك الى وسط القتال واذا برجل مال واتى اليّ برجل وقال احفظ هذا الرجل. وان فقد تكون نفسك بدل نفسه او تدفع وزنة من الفضة.
39Oo markii boqorkii soo ag maray ayuu boqorkii u qayliyey, oo wuxuu ku yidhi, Anigoo addoonkaaga ahu waxaan dhex galay dagaalkii, oo bal eeg nin baa igu soo leexday, nin buuna ii keenay, oo wuxuu igu yidhi, Ninkan dhawr; oo si kastaba ha noqotee haddii hadhow la waayo, naftaadaa loo qisaasayaa, ama haddii kaleto waxaad bixin doontaa talanti lacag ah.
40وفيما عبدك مشتغل هنا وهناك اذ هو مفقود. فقال له ملك اسرائيل هكذا حكمك. انت قضيت.
40Oo anigoo addoonkaaga ah intii aan mashquul ku ahaa halkan iyo halkaas ayaa ninkii iska tegey. Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil ku yidhi, Xukunkaagu saasuu ahaanayaa, waayo, adaa goostay.
41فبادر ورفع العصابة عن عينيه فعرفه ملك اسرائيل انه من الانبياء.
41Markaasuu dhaqsaday oo calalkiina indhihii ka qaaday, boqorkiina wuu gartay inuu isagu qoonkii nebiyada ka mid ahaa.
42فقال له هكذا قال الرب لانك افلت من يدك رجلا قد حرمته تكون نفسك بدل نفسه وشعبك بدل شعبه.
42Markaasuu isagii ku yidhi, Rabbigu wuxuu ku leeyahay, Ninkii aan baabba'a ku xukumay ayaad gacantaada ka sii daysay, oo sidaas daraaddeed naftaadu waxay u dhiman doontaa naftiisa, dadkaaguna dadkiisa.Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.
43فمضى ملك اسرائيل الى بيته مكتئبا مغموما وجاء الى السامرة
43Markaasaa boqorkii dalka Israa'iil wuxuu u kacay gurigiisii isagoo calool xun, oo xanaaqsan, oo Samaariya buu yimid.