1وارسل حيرام ملك صور عبيده الى سليمان لانه سمع انهم مسحوه ملكا مكان ابيه لان حيرام كان محبا لداود كل الايام.
1Oo Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan u soo diray addoommadiisii, waayo, wuxuu maqlay inay meeshii aabbihiis isaga boqradeen; waayo, Xiiraam weligiisba wuxuu jeclaa Daa'uud.
2فارسل سليمان الى حيرام يقول
2Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,
3انت تعلم داود ابي انه لم يستطع ان يبني بيتا لاسم الرب الهه بسبب الحروب التي احاطت به حتى جعلهم الرب تحت بطن قدميه.
3Waad og tahay in aabbahay Daa'uud guri u dhisi kari waayay magaca Rabbiga Ilaahiisa ah, dagaalladii dhinac kasta kaga wareegsanaa aawadood, ilaa Rabbigu u wada geliyey cagihiisa hoostooda.
4والآن فقد اراحني الرب الهي من كل الجهات فلا يوجد خصم ولا حادثة شر.
4Laakiinse haatan Rabbigu waa iga nasiyey dhinac kastaba, oo lama arko cadow iyo wax xun toona.
5وهانذا قائل على بناء بيت لاسم الرب الهي كما كلم الرب داود ابي قائلا ان ابنك الذي اجعله مكانك على كرسيك هو يبني البيت لاسمي.
5Oo waxaan damacsanahay inaan guri u dhiso magaca Rabbiga Ilaahayga ah, sidii Rabbigu u sheegay aabbahay Daa'uud, isagoo leh, Wiilkaaga oo aan dabadaa carshigaaga ku fadhiisin doono ayaa magacayga guri u dhisi doona.
6والآن فأمر ان يقطعوا لي ارزا من لبنان ويكون عبيدي مع عبيدك واجرة عبيدك اعطيك اياها حسب كل ما تقول لانك تعلم انه ليس بيننا احد يعرف قطع الخشب مثل الصيدونيين
6Haddaba sidaas daraaddeed amar in Lubnaan layga soo jaro geedo kedar ah, oo addoommadayduna waxay la jiri doonaan addoommadaada, oo addoommadaadana in alla intii aad tidhaahdid ayaan kaaga kiraysan; waayo, waad garanaysaa inaan dhexdayada lagu arag wax dhirta u jari kara sida reer Siidoon.
7فلما سمع حيرام كلام سليمان فرح جدا وقال مبارك اليوم الرب الذي اعطى داود ابنا حكيما على هذا الشعب الكثير.
7Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.
8وارسل حيرام الى سليمان قائلا. قد سمعت ما ارسلت به اليّ. انا افعل كل مسرتك في خشب الارز وخشب السرو.
8Markaasaa Xiiraam Sulaymaan u cid diray oo wuxuu ku yidhi, Waan maqlay farriintii aad ii soo dirtay; oo waan yeelayaa waxaad doonayso oo ku saabsan qoryaha kedarka ah iyo qoryaha berooshka la yidhaahdo.
9عبيدي ينزلون ذلك من لبنان الى البحر وانا اجعله ارماثا في البحر الى الموضع الذي تعرّفني عنه وانفضه هناك وانت تحمله وانت تعمل مرضاتي باعطائك طعاما لبيتي.
9Oo addoommadayda ayaa Lubnaan ka soo qaadi doona, oo keeni doona ilaa badda; oo xidhmooyin baan ka dhigayaa si ay badda u raacaan ilaa meeshii aad igula ballantay, oo waxaan ka dhigi doonaa in halkaas lagu kala furfuro, oo waad qaadan doontaa; oo adna waxaan doonayo ayaad ii dhammayn doontaa, adoo reerkayga cunto ii siinaya.
10فكان حيرام يعطي سليمان خشب ارز وخشب سرو حسب كل مسرّته.
10Sidaasuu Xiiraam u siiyey Sulaymaan qoryo kedar ah iyo qoryo beroosh ah, intuu doonayay oo dhan.
11واعطى سليمان حيرام عشرين الف كرّ حنطة طعاما لبيته وعشرين كر زيت رض. هكذا كان سليمان يعطي حيرام سنة فسنة.
11Sulaymaanna wuxuu Xiiraam siiyey labaatan kun oo kor oo sarreen ah oo reerkiisu quuto, iyo labaatan kor oo saliid saafiya ah; oo Sulaymaan intaasuu sannad kasta siin jiray Xiiraam.
12والرب اعطى سليمان حكمة كما كلمه. وكان صلح بين حيرام وسليمان وقطعا كلاهما عهدا
12Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.
13وسخّر الملك سليمان من جميع اسرائيل وكانت السخر ثلاثين الف رجل.
13Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.
14فارسلهم الى لبنان عشرة آلاف في الشهر بالنوبة. يكونون شهرا في لبنان وشهرين في بيوتهم. وكان ادونيرام على التسخير.
14Oo bishiiba toban kun ayuu Lubnaan u diri jiray; markaasay intii bil ah Lubnaan joogi jireen, laba biloodna reerahooday joogi jireen; oo shaqaalayaasha waxaa u sarreeyey Adoniiraam.
15وكان لسليمان سبعون الفا يحملون احمالا وثمانون الفا يقطعون في الجبل
15Oo Sulaymaanna wuxuu lahaa toddobaatan kun oo xammaal iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha geedo ka jari jiray.
16ما عدا رؤساء الوكلاء لسليمان الذين على العمل ثلاثة آلاف وثلاث مئة المتسلطين على الشعب العاملين العمل.
16Oo laguma tirin Sulaymaan saraakiishiisii sarsare oo hawsha u taliyey, kuwaasoo ahaa saddex kun iyo saddex boqol oo u talin jiray dadkii shuqulka qaban jiray.
17وامر الملك ان يقلعوا حجارة كبيرة حجارة كريمة لتأسيس البيت حجارة مربعة.
17Markaasaa boqorkii amray, oo iyana waxay soo jareen dhagxan waaweyn oo qaali ah, inay dhagxan la qoray ka dhigaan aasaaskii guriga.Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.
18فنحتها بنّاؤو سليمان وبنّاؤو حيرام والجبليون وهيّأوا الاخشاب والحجارة لبناء البيت
18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.