1وصعد ناحاش العموني ونزل على يابيش جلعاد. فقال جميع اهل يابيش لناحاش اقطع لنا عهدا فنستعبد لك.
1Markaasaa waxaa soo kacay Naaxaash oo ahaa reer Cammoon, oo wuxuu soo ag degay Yaabeesh Gilecaad. Oo dadkii Yaabeesh oo dhammu waxay Naaxaash ku yidhaahdeen, Axdi nala dhigo oo annana waannu kuu adeegaynaa.
2فقال لهم ناحاش العموني بهذا اقطع لكم. بتقوير كل عين يمنى لكم وجعل ذلك عارا على جميع اسرائيل.
2Markaasaa Naaxaash oo ahaa reer Cammoon wuxuu iyagii ku yidhi, Sabab keliya ayaan axdi idinkula samaysanayaa, taasuna waa anigoo isha midigta idinka wada bixiya si aan u ceebeeyo reer binu Israa'iil oo dhan.
3فقال له شيوخ يابيش اتركنا سبعة ايام فنرسل رسلا الى جميع تخوم اسرائيل. فان لم يوجد من يخلّصنا نخرج اليك.
3Markaasaa duqowdii reer Yaabeesh waxay isagii ku yidhaahdeen, Bal toddoba maalmood na sug, aannu xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan wargeeyayaal u dirnee, oo dabadeedna haddii aannu wayno mid na badbaadiya, waannu kuu imanaynaa.
4فجاء الرسل الى جبعة شاول وتكلموا بهذا الكلام في آذان الشعب فرفع كل الشعب اصواتهم وبكوا.
4Markaasaa wargeeyayaashii waxay yimaadeen Gibecaahdii Saa'uul, oo erayadan ayay dadkii u sheegeen. Kolkaasaa dadkii oo dhammu codkoodii kor u qaadeen oo wada ooyeen.
5واذا بشاول آت وراء البقر من الحقل. فقال شاول ما بال الشعب يبكون. فقصّوا عليه كلام اهل يابيش.
5Oo bal eeg, waxaa yimid Saa'uul oo dibiyadii duurka ka keenay, oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa ku dhacay dadka oo ay la ooyayaan? Markaasay u sheegeen hadalladii nimankii reer Yaabeesh.
6فحلّ روح الله على شاول عندما سمع هذا الكلام وحمي غضبه جدا.
6Oo Saa'uulna markuu maqlay hadalladaas ayaa Ruuxa Ilaah si xoog leh ugu soo degay, oo xanaaqiisiina aad iyo aad buu u kululaaday.
7فاخذ فدان بقر وقطّعه وارسل الى كل تخوم اسرائيل بيد الرسل قائلا من لا يخرج وراء شاول ووراء صموئيل فهكذا يفعل ببقره. فوقع رعب الرب على الشعب فخرجوا كرجل واحد.
7Markaasuu wuxuu qaatay laba dibi oo intuu qalay ayuu cad cad u kala jaray, oo intuu wargeeyayaal gacantood u dhiibay ayuu wada gaadhsiiyey xuduudka reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu yidhi, Ku alla kii aan Saa'uul iyo Samuu'eel soo raacin, sidaas oo kalaa dibidiisa loo geli doonaa. Markaasaa waxaa dadkii ku soo dhacday cabsidii Rabbiga, oo waxay u soo baxeen sidii nin qudha.
8وعدّهم في بازق فكان بنو اسرائيل ثلاث مئة الف ورجال يهوذا ثلاثين الفا.
8Markaasuu iyagii ku tiriyey Beseq, oo reer binu Israa'iil waxay ahaayeen saddex boqol oo kun, oo raggii reer Yahuudahna waxay ahaayeen soddon kun.
9وقالوا للرسل الذين جاءوا هكذا تقولون لاهل يابيش جلعاد. غدا عندما تحمى الشمس يكون لكم خلاص. فأتى الرسل واخبروا اهل يابيش ففرحوا.
9Markaasay waxay ku yidhaahdeen wargeeyayaashii yimid, Dadkii reer Yaabeesh Gilecaad waxaad ku tidhaahdaan, Berrito markii qorraxdu kulushahay ayaad samatabbixin heli doontaan. Markaasaa wargeeyayaashii u yimaadeen oo u warrameen dadkii reer Yaabeesh Gilecaad, oo iyana way farxeen.
10وقال اهل يابيش غدا نخرج اليكم فتفعلون بنا حسب كل ما يحسن في اعينكم
10Sidaas daraaddeed dadkii reer Yaabeesh waxay yidhaahdeen, Berrito ayaannu idiin soo bixi doonnaa, oo waxaad nagu samayn doontaan kulli wax alla wixii idinla wanaagsan.
11وكان في الغد ان شاول جعل الشعب ثلاث فرق ودخلوا في وسط المحلّة عند سحر الصبح وضربوا العمونيين حتى حمي النهار. والذين بقوا تشتتوا حتى لم يبق منهم اثنان معا.
11Oo maalintii dambe Saa'uul wuxuu dadkii ka dhigay saddex guuto; oo subaxdii hore ayay xeradii soo dhex galeen, oo waxay reer Cammoon laynayeen tan iyo hadhkii, oo waxay ahaatay in intii hadhayna kala firidhay, oo xataa laba iyagii ka mid ahu isma haysan.
12وقال الشعب لصموئيل من هم الذين يقولون هل شاول يملك علينا. ائتوا بالرجال فنقتلهم.
12Markaasaa dadkii waxay Samuu'eel ku yidhaahdeen, Waa ayo kii yidhi, Ma Saa'uul baa na xukumaya? Nimankaas soo bixi aannu dilnee.
13فقال شاول لا يقتل احد في هذا اليوم لانه في هذا اليوم صنع الرب خلاصا في اسرائيل
13Kolkaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Ninnaba maanta la dili maayo, waayo, maanta Rabbigu wuxuu samatabbixiyey reer binu Israa'iil.
14وقال صموئيل للشعب هلموا نذهب الى الجلجال ونجدد هناك المملكة.
14Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii ku yidhi, Ina keena aynu Gilgaal tagnee oo aynu halkaas boqortooyada ku cusboonaysiinnee.Markaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.
15فذهب كل الشعب الى الجلجال وملّكوا هناك شاول امام الرب في الجلجال وذبحوا هناك ذبائح سلامة امام الرب وفرح هناك شاول وجميع رجال اسرائيل جدا
15Markaasaa dadkii oo dhammu waxay tageen Gilgaal, oo Gilgaal ayay Saa'uul ku boqreen Rabbiga hortiisa, oo waxay halkaas Rabbiga hortiisa ku bixiyeen qurbaanno nabaadiino, oo halkaasaa Saa'uul iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu aad ugu farxeen.