1كان شاول ابن سنة في ملكه وملك سنتين على اسرائيل.
1Saa'uul markuu reer binu Israa'iil boqorka u noqday wuxuu jiray soddon sannadood, oo wuxuu reer binu Israa'iil xukumayay laba sannadood.
2واختار شاول لنفسه ثلاثة آلاف من اسرائيل فكان الفان مع شاول في مخماس وفي جبل بيت ايل والف كان مع يوناثان في جبعة بنيامين. واما بقية الشعب فارسلهم كل واحد الى خيمته.
2Markaasaa Saa'uul wuxuu reer binu Israa'iil ka dhex doortay saddex kun oo nin; oo laba kun waxay Saa'uul la joogeen Mikmaash iyo buurtii Beytel, oo kunna wuxuu Yoonaataan la joogay Gibecaahdii reer Benyaamiin; oo dadka intiisii kalena nin walba wuxuu u diray inuu teendhadiisii tago.
3وضرب يوناثان نصب الفلسطينيين الذي في جبع. فسمع الفلسطينيون. وضرب شاول بالبوق في جميع الارض قائلا ليسمع العبرانيون.
3Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.
4فسمع جميع اسرائيل قولا قد ضرب شاول نصب الفلسطينيين وايضا قد انتن اسرائيل لدى الفلسطينيين. فاجتمع الشعب وراء شاول الى الجلجال.
4Oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay maqleen in Saa'uul wax ku dhuftay xeradii ciidanka reer Falastiin, iyo weliba in reer Falastiin ay karheen reer binu Israa'iil. Oo dadkiina dhammaantood waxay Saa'uul ugu soo urureen Gilgaal.
5وتجمع الفلسطينيون لمحاربة اسرائيل. ثلاثون الف مركبة وستة آلاف فارس وشعب كالرمل الذي على شاطئ البحر في الكثرة. وصعدوا ونزلوا في مخماس شرقي بيت آون.
5Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.
6ولما رأى رجال اسرائيل انهم في ضنك. لان الشعب تضايق. اختبأ الشعب في المغاير والغياض والصخور والصروح والآبار.
6Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.
7وبعض العبرانيين عبروا الاردن الى ارض جاد وجلعاد. وكان شاول بعد في الجلجال وكل الشعب ارتعد وراءه
7Oo haddaba Cibraaniyadii qaarkood waxay ka gudbeen Webi Urdun oo tageen ilaa dalkii reer Gaad iyo Gilecaad; laakiinse Saa'uul weli wuxuu iska joogay Gilgaal, oo dadkii oo dhammuna isagay daba galeen iyagoo gariiraya.
8فمكث سبعة ايام حسب ميعاد صموئيل ولم يات صموئيل الى الجلجال والشعب تفرق عنه.
8Oo toddoba maalmood buu sugayay, sidii wakhtigii Samuu'eel u qabtay uu ahaa, laakiinse Samuu'eel ma iman Gilgaal, oo dadkiina way ka kala firdheen Saa'uul.
9فقال شاول قدموا اليّ المحرقة وذبائح السلامة. فاصعد المحرقة.
9Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Halkan iigu keena qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinadaba. Markaasuu bixiyey qurbaankii la gubayay.
10وكان لما انتهى من اصعاد المحرقة اذا صموئيل مقبل فخرج شاول للقائه ليباركه.
10Oo markuu dhammeeyey bixintii uu bixinayay allabariga la gubo, waxaa yimid Samuu'eel; markaasaa Saa'uul u baxay inuu ka hor tago oo soo salaamo.
11فقال صموئيل ماذا فعلت فقال شاول لاني رأيت ان الشعب قد تفرق عني وانت لم تات في ايام الميعاد والفلسطينيون متجمعون في مخماس
11Markaasaa Samuu'eel wuxuu ku yidhi, War maxaad samaysay? Oo Saa'uulna wuxuu yidhi, Maxaa yeelay, waxaan arkay in dadkii iga kala firdhay, iyo inaad adiguna ku iman weyday maalmihii aan ku ballannay, iyo in reer Falastiinna dhammaantood isku soo urursadeen Mikmaash agteeda;
12فقلت الآن ينزل الفلسطينيون اليّ الى الجلجال ولم اتضرع الى وجه الرب فتجلّدت واصعدت المحرقة.
12sidaas daraaddeed waxaan is-idhi, Haatan reer Falastiin waxay igu soo weerari doonaan Gilgaal, anigoo aan Rabbiga raallinimo ka baryin. Taas aawadeed ayaan isugu qasbay oo waan bixiyey allabariga la gubo.
13فقال صموئيل لشاول قد انحمقت. لم تحفظ وصية الرب الهك التي امرك بها لانه الآن كان الرب قد ثبّت مملكتك على اسرائيل الى الابد.
13Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba.
14واما الآن فمملكتك لا تقوم. قد انتخب الرب لنفسه رجلا حسب قلبه وامره الرب ان يترأس على شعبه. لانك لم تحفظ ما امرك به الرب.
14Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
15وقام صموئيل وصعد من الجلجال الى جبعة بنيامين. وعدّ شاول الشعب الموجود معه نحو ست مئة رجل
15Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.
16وكان شاول ويوناثان ابنه والشعب الموجود معهما مقيمين في جبع بنيامين والفلسطينيون نزلوا في مخماس.
16Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.
17فخرج المخربون من محلّة الفلسطينيين في ثلاث فرق. الفرقة الواحدة توجهت في طريق عفرة الى ارض شوعال
17Markaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;
18والفرقة الاخرى توجهت في طريق بيت حوزون والفرقة الاخرى توجهت في طريق التخم المشرف على وادي صبوعيم نحو البرية.
18oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.
19ولم يوجد صانع في كل ارض اسرائيل. لان الفلسطينيين قالوا لئلا يعمل العبرانيون سيفا او رمحا.
19Haddaba tumaal laguma arag dalka reer binu Israa'iil oo dhan; waayo, reer Falastiin waxay isyidhaahdeen, Cibraaniyadu yaanay samaysan seefo iyo warmo.
20بل كان ينزل كل اسرائيل الى الفلسطينيين لكي يحدد كل واحد سكّته ومنجله وفأسه ومعوله
20Laakiinse reer binu Israa'iil oo dhammu waxay xagga reer Falastiin u tageen in nin waluba soo afaysto marashidiisii, iyo manjadiisii, iyo faaskiisii, iyo sabaraddiisii;
21عندما كلّت حدود السكك والمناجل والمثلثات الاسنان والفؤوس ولترويس المناسيس.
21oo weliba waxay lahaayeen wax lagu soofeeyo sabaradaha, iyo manjooyinka, iyo faraleyada, iyo faasaska, iyo inay hagaajiyaan takiyadaba.
22وكان في يوم الحرب انه لم يوجد سيف ولا رمح بيد جميع الشعب الذي مع شاول ومع يوناثان. على انه وجد مع شاول ويوناثان ابنه.
22Sidaas daraaddeed maalintii dagaalka dadkii la jiray Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba midkoodna gacantiisa lagama helin seef iyo waran toona, Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan mooyaane.Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.
23وخرج حفظة الفلسطينيين الى معبر مخماس
23Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.