الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Samuel

20

1فهرب داود من نايوت في الرامة وجاء وقال قدام يوناثان ماذا عملت وما هو اثمي وما هي خطيتي امام ابيك حتى يطلب نفسي.
1Markaasaa Daa'uud wuxuu ka cararay Naayood oo Raamaah ku taal, oo intuu Yoonaataan u yimid ayuu ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo dembigaygu waa maxay? Oo dembiga aan aabbahaa ku sameeyey ee uu naftayda u doonayaa waa maxay?
2فقال له حاشا. لا تموت. هوذا ابي لا يعمل امرا كبيرا ولا امرا صغيرا الا ويخبرني به. ولماذا يخفي عني ابي هذا الأمر. ليس كذا.
2Oo isna wuxuu ku yidhi, Yaanay noqon, adigu dhiman maysid. Aabbahay wax yar iyo wax weyn toona ma sameeyo wixii uu daaha iiga qaaday mooyaane. Maxaa aabbahay waxaas oo kale iiga qarinaya? Saas ma aha.
3فحلف ايضا داود وقال ان اباك قد علم اني قد وجدت نعمة في عينيك فقال لا يعلم يوناثان هذا لئلا يغتمّ. ولكن حيّ هو الرب وحية هي نفسك انه كخطوة بيني وبين الموت.
3Oo haddana Daa'uud wuu dhaartay oo yidhi, Aabbahaa aad buu u og yahay inaad raalli iga tahay; oo wuxuu isyidhaahdaa, Yuusan Yoonaataan tan ogaanin waaba intaasoo uu ka calool xumaadaaye; laakiinse sida runta ah, waxaan ku dhaartay Rabbiga noloshiisa iyo adiga naftaada inaan aniga iyo dhimasho waxba noo dhaxayn tallaabo mooyaane.
4فقال يوناثان لداود مهما تقل نفسك افعله لك.
4Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wax alla wixii naftaadu jeceshahayba waan kuu samayn doonaa.
5فقال داود ليوناثان هوذا الشهر غدا حينما اجلس مع الملك للأكل. ولكن ارسلني فاختبئ في الحقل الى مساء اليوم الثالث.
5Oo Daa'uudna Yoonaataan buu ku yidhi, Bal eeg, berrito bil baa dhalanaysa, oo waa inaanan ka baaqan inaan boqorka cunto ula fadhiisto, laakiinse i sii daa, aan tagee, oo aan ilaa maalinta saddexaad duurka ku dhuuntee.
6واذا افتقدني ابوك فقل قد طلب داود مني طلبة ان يركض الى بيت لحم مدينته لان هناك ذبيحة سنوية لكل العشيرة.
6Oo haddii aabbahaa i waayo, waxaad ku tidhaahdaa, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu magaaladiisii Beytlaxam ku ordo; waayo, ehelkiisii oo dhan ayaa halkaas ku bixinaya allabarigii sannadka.
7فان قال هكذا. حسنا. كان سلام لعبدك. ولكن ان اغتاظ غيظا فاعلم انه قد أعدّ الشر عنده.
7Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.
8فتعمل معروفا مع عبدك لانك بعهد الرب ادخلت عبدك معك. وان كان فيّ اثم فاقتلني انت ولماذا تأتي بي الى ابيك.
8Sidaas daraaddeed anoo addoonkaaga ah ii roonow; waayo, adigu waxaad ila dhigatay axdi xagga Rabbiga ah. Laakiinse haddaan dembi galay, adiguba i dil; bal maxaad aabbahaa iigu geeynaysaa?
9فقال يوناثان حاشا لك. لانه لو علمت ان الشر قد أعدّ عند ابي لياتي عليك أفما كنت اخبرك به.
9Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Taasu ha kaa fogaato, waayo, haddaan ogahay in aabbahay maaggan yahay inuu shar kugu sameeyo, sow kuuma soo sheegeen?
10فقال داود ليوناثان من يخبرني ان جاوبك ابوك شيئا قاسيا.
10Kolkaasaa Daa'uud wuxuu Yoonaataan ku yidhi, Haddii aabbahaa si xun ugu jawaabo bal yaa ii soo sheegaya?
11فقال يوناثان لداود تعال نخرج الى الحقل. فخرجا كلاهما الى الحقل
11Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.
12وقال يوناثان لداود يا رب اله اسرائيل متى اختبرت ابي مثل الآن غدا او بعد غد فان كان خير لداود ولم ارسل حينئذ فاخبره
12Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu, markhaati ha ka ahaado; berrito ama saa dambe haddaa oo kale, markii aan aabbahay soo calool baadho, hadduu wanaag kuu qabo, sow kuu soo cid diri maayo, oo daaha kaaga qaadi maayo wuxuu maaggan yahay oo dhan?
13فهكذا يفعل الرب ليوناثان وهكذا يزيد. وان استحسن ابي الشر نحوك فاني اخبرك واطلقك فتذهب بسلام. وليكن الرب معك كما كان مع ابي.
13Hadday aabbahay ka farxin lahayd inuu shar kugu sameeyo oo aanan daaha kaaga qaadin, oo aanan weliba ku dirin si aad nabdoonaan ugu tagtid, Rabbigu saas iyo ka sii daran ha igu sameeyo; Rabbiguna ha kuula jiro siduu aabbahay ula jiray oo kale.
14ولا وانا حيّ بعد تصنع معي احسان الرب حتى لا اموت
14Waa inaanad raxmadda Rabbiga i tusin intaan noolahay oo keliya, si aanan u dhiman,
15بل لا تقطع معروفك عن بيتي الى الابد ولا حين يقطع الرب اعداء داود جميعا عن وجه الارض.
15laakiinse raxmaddaada waa inaanad ka gooyn reerkayga weligaa, oo xataa ma aha markii Rabbigu cadaawayaashaada ka dhammeeyo dhulka.
16فعاهد يوناثان بيت داود وقال ليطلب الرب من يد اعداء داود.
16Sidaasuu Yoonaataan axdi ula dhigtay reerkii Daa'uud, oo yidhi, Taas wuxuu Rabbigu ka doonayaa cadaawayaasha Daa'uud gacantooda.
17ثم عاد يوناثان واستحلف داود بمحبته له لانه احبه محبة نفسه
17Oo Yoonaataan mar kaluu Daa'uud dhaariyey, jacaylkii uu u qabay aawadiis, waayo, wuxuu isaga u jeclaa siduu naftiisa u jeclaa oo kale.
18وقال له يوناثان غدا الشهر فتفتقد لان موضعك يكون خاليا.
18Markaasaa Yoonaataan wuxuu isagii ku yidhi, Berrito bil baa dhalanaysa oo waa lagu waayi doonaa, maxaa yeelay, kursigaagu wuu madhnaan doonaa.
19وفي اليوم الثالث تنزل سريعا وتاتي الى الموضع الذي اختبأت فيه يوم العمل وتجلس بجانب حجر الافتراق.
19Markaad saddex maalmood joogto dabadeed waa inaad dhaqsataa oo aad tagtaa halkaad ku dhuumatay markii xaalkanu dhacay, oo waa inaad sii ag joogtaa dhagixii Kalategidda.
20وانا ارمي ثلاثة سهام الى جانبه كأني ارمي غرضا.
20Oo anna waxaan meeshaas dhinaceeda ku soo gani doonaa saddex fallaadhood, sidii anigoo calaamad ku ganaya.
21وحينئذ ارسل الغلام قائلا اذهب التقط السهام. فان قلت للغلام هوذا السهام دونك فجائيا. خذها. فتعال لان لك سلاما. لا يوجد شيء. حيّ هو الرب.
21Oo bal eeg, wiil yar baan u soo diri doonaa, oo waxaan ku odhan doonaa, Tag oo fallaadhihii soo doondoon. Haddaba haddaan yarka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa sokeeyaan, soo qaad oo kaalay; waayo, nabad baa kuu jirta oo waxyeello lama arko, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye.
22ولكن ان قلت هكذا للغلام. هوذا السهام دونك فصاعدا. فاذهب لان الرب قد اطلقك.
22Laakiinse haddaan wiilka ku idhaahdo, War fallaadhihii waa kaa shisheeyaan; markaas iska tag, waayo, Rabbigu wuu ku diray.
23واما الكلام الذي تكلمنا به انا وانت فهوذا الرب بيني وبينك الى الابد
23Oo xagga xaalkii aynu ka hadalnay, bal eeg, aniga iyo adiga waxaa inoo dhexeeya Rabbiga weligiisba.
24فاختبأ داود في الحقل. وكان الشهر فجلس الملك على الطعام لياكل.
24Sidaasaa Daa'uud duurka ugu dhex dhuuntay, oo markii bishii dhalatay ayaa boqorkii u fadhiistay inuu wax cuno.
25فجلس الملك في موضعه حسب كل مرة على مجلس عند الحائط وقام يوناثان وجلس ابنير الى جانب شاول وخلا موضع داود.
25Markaasaa boqorkii wuxuu ku fadhiistay kursigiisii, sidii mararkii hore oo kale, kaasuna wuxuu ahaa kursigii derbiga ag yiil; oo Yoonaataanna wuu istaagay, Abneerna wuxuu dhinac fadhiistay Saa'uul, laakiinse meeshii Daa'uud way madhnayd.
26ولم يقل شاول شيئا في ذلك اليوم لانه قال لعله عارض . غير طاهر هو. انه ليس طاهرا.
26Habase yeeshee Saa'uul maalintaas waxba kuma uu hadlin, waayo, wuxuu u maleeyey in wax ku dhaceen, oo wuxuu isyidhi, Ma uu nadiifsana, hubaal isagu ma uu nadiifsana.
27وكان في الغد الثاني من الشهر ان موضع داود خلا فقال شاول ليوناثان ابنه لماذا لم يات ابن يسّى الى الطعام لا امس ولا اليوم.
27Oo maalintii ka dambaysay galabtii bishu dhalatay, taasoo ahayd maalintii labaad, Daa'uud meeshiisii way madhnayd, markaasaa Saa'uul wuxuu wiilkiisii Yoonaataan ku yidhi, War wiilka Yesay muxuu cuntada ugu iman waayay shalay iyo maantaba?
28فاجاب يوناثان شاول ان داود طلب مني ان يذهب الى بيت لحم
28Markaasaa Yoonaataan wuxuu Saa'uul ugu jawaabay, Daa'uud aad buu fasax ii weyddiistay inuu Beytlaxam tago,
29وقال اطلقني لان عندنا ذبيحة عشيرة في المدينة وقد اوصاني اخي بذلك والآن ان وجدت نعمة في عينيك فدعني افلت وأرى اخوتي. لذلك لم يأت الى مائدة الملك.
29oo wuxuu yidhi, Waan ku baryayaaye, i sii daa, aan tagee, waayo, ehelkayagii baa magaalada allabari ku leh, oo walaalkay baa igu amray inaan halkaas joogo, haddaba haddii aad raalli iiga tahay i sii daa aan tagee oo walaalahay soo arkee, waan ku baryayaaye. Oo sidaas daraaddeed buu u iman waayay miiska boqorka.
30فحمي غضب شاول على يوناثان وقال له يا ابن المتعوّجة المتمردة أما علمت انك قد اخترت ابن يسّى لخزيك وخزي عورة امك.
30Markaasaa Saa'uul aad ugu cadhooday Yoonaataan, oo wuxuu ku yidhi, Kaagan naag qalloocan oo caasiyad ah inankeed ahow, war sow ma aan ogi inaad wiilka Yesay dooratay adoo ceeb u soo jiidaya naftaada iyo cawrada hooyadaa?
31لانه ما دام ابن يسّى حيّا على الارض لا تثبت انت ولا مملكتك. والآن ارسل وائت به اليّ لانه ابن الموت هو.
31Waayo, inta wiilka Yesay dhulka ku nool yahay, adiga iyo boqortooyadaada midna dhismi maayo. Sidaas daraaddeed u cid dir oo soo kexee, waayo, hubaal wuu dhimanayaa.
32فاجاب يوناثان شاول اباه وقال له لماذا يقتل. ماذا عمل.
32Markaasaa Yoonaataan wuxuu u jawaabay aabbihiis Saa'uul oo ku yidhi, Maxaa loo dilayaa? Oo bal muxuu sameeyey?
33فصابى شاول الرمح نحوه ليطعنه فعلم يوناثان ان اباه قد عزم على قتل داود.
33Kolkaasaa Saa'uul warankiisii ku soo gantaalay si uu u dilo. Sidaasaa Yoonaataan taas ku ogaaday in aabbihiis maagganaa inuu Daa'uud dilo.
34فقام يوناثان عن المائدة بحمو غضب ولم يأكل خبزا في اليوم الثاني من الشهر لانه اغتمّ على داود لان اباه قد اخزاه
34Oo Yoonaataanna miiskuu kala kacay cadho kulul, oo bisha maalinteedii labaadna waxba ma cunin, waayo, wuxuu u calool xumaaday Daa'uud aawadiis, maxaa yeelay, aabbihiis baa ceeb ku sameeyey.
35وكان في الصباح ان يوناثان خرج الى الحقل الى ميعاد داود وغلام صغير معه.
35Oo subaxdii dambe ayuu Yoonaataan duurka tegey wakhtigii uu Daa'uud la ballamay isagoo wata wiil yar.
36وقال لغلامه اركض التقط السهام التي انا راميها وبينما الغلام راكض رمى السهم حتى جاوزه.
36Markaasuu wiilkii yaraa ku yidhi, Orod hadda oo soo doondoon fallaadhaha aan ganayo. Oo intii yarkii sii ordayay ayuu fallaadh shishadiisa ku ganay.
37ولما جاء الغلام الى موضع السهم الذي رماه يوناثان نادى يوناثان وراء الغلام وقال أليس السهم دونك فصاعدا.
37Oo yarkii markuu yimid meeshii Yoonaataan fallaadhii ku soo ganay ayaa Yoonaataan ka soo daba qayliyey yarkii, oo ku yidhi, War sow fallaadhii kaama sii shishayso?
38ونادى يوناثان وراء الغلام قائلا اعجل. اسرع. لا تقف. فالتقط غلام يوناثان السهم وجاء الى سيده.
38Oo haddana Yoonaataan wuxuu ka soo daba dhawaaqay wiilkii oo ku yidhi, War dheeree oo dhaqso oo ha joogsan. Markaasaa Yoonaataan yarkiisii soo ururiyey fallaadhihii oo sayidkiisii u yimid.
39والغلام لم يكن يعلم شيئا واما يوناثان وداود فكانا يعلمان الامر.
39Laakiin yarku waxba ma ogayn, Yoonaataan iyo Daa'uud keliya ayaase xaalka ogaa.
40فاعطى يوناثان سلاحه للغلام الذي له قال له اذهب. ادخل به الى المدينة.
40Markaasaa Yoonaataan hubkiisii yarkii u dhiibay, oo ku yidhi, Tag, oo magaaladii gee.
41الغلام ذهب وداود قام من جانب الجنوب وسقط على وجهه الى الارض وسجد ثلاث مرات. وقبّل كل منهما صاحبه وبكى كل منهما مع صاحبه حتى زاد داود.
41Oo isla markiiba kolkii yarkii tegey ayaa Daa'uud ka soo baxay meel Yoonaataan xagga koonfureed ka ahayd, markaasuu wejiga dhulka ku dhuftay oo saddex jeer sujuuday, wayna isdhunkadeen oo isla ooyeen ilaa Daa'uud sii badiyey.Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.
42فقال يوناثان لداود اذهب بسلام لاننا كلينا قد حلفنا باسم الرب قائلين الرب يكون بيني وبينك وبين نسلي ونسلك الى الابد. فقام وذهب واما يوناثان فجاء الى المدينة
42Markaasaa Yoonaataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nabad ku tag, maxaa yeelay, labadeennuba waxaynu isugu dhaarannay magaca Rabbiga, innagoo leh, Rabbigu ha inoo dhexeeyo aniga iyo adiga, iyo farcankayga iyo farcankaaga weligiisba. Markaasaa Daa'uud kacay oo tegey, oo Yoonaataanna magaaladuu galay.