1ولما رجع شاول من وراء الفلسطينيين اخبروه قائلين هوذا داود في برية عين جدي.
1Kolkii Saa'uul ka soo noqday kuwii reer Falastiin oo uu raacdaysanayay ayaa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Daa'uud cidlada Ceyn Gedii buu joogaa.
2فاخذ شاول ثلاثة آلاف رجل منتخبين من جميع اسرائيل وذهب يطلب داود ورجاله على صخور الوعول.
2Markaasaa Saa'uul reer binu Israa'iil oo dhan kala baxay saddex kun oo nin oo la doortay, oo wuxuu Daa'uud iyo raggiisii ka xulayay dhagaxyadii ay riyodibadeedku joogeen.
3وجاء الى صير الغنم التي في الطريق وكان هناك كهف فدخل شاول لكي يغطي رجليه وداود ورجاله كانوا جلوسا في مغابن الكهف.
3Markaasuu wuxuu yimid xeryihii idaha oo jidka ku ag yiil, oo halkaasna waxaa ku tiil bohol; markaasaa Saa'uul halkaas u galay inuu cagihiisa qariyo aawadeed. Haddaba Daa'uud iyo raggiisiiba waxay ku jireen bohosha meelaha ugu sii hooseeya.
4فقال رجال داود له هوذا اليوم الذي قال لك عنه الرب هانذا ادفع عدوك ليدك فتفعل به ما يحسن في عينيك. فقام داود وقطع طرف جبّة شاول سرّا.
4Oo Daa'uudna raggiisii waxay ku yidhaahdeen, Bal eeg, maanta waa maalintii Rabbigu kugu yidhi, Cadowgaaga gacantaadaan ku soo ridi doonaa, oo waxaad ku samayn doontaa wixii kula wanaagsan. Markaasaa Daa'uud kacay, oo hoos ahaan ayuu aayar u gooyay Saa'uul darafkii khamiiskiisa.
5وكان بعد ذلك ان قلب داود ضربه على قطعه طرف جبة شاول.
5Oo waxay hadhow noqotay in Daa'uud qalbigiisii naxdini ku dhacday, maxaa yeelay, wuxuu gooyay darafkii khamiiskii Saa'uul.
6فقال لرجاله حاشا لي من قبل الرب ان اعمل هذا الامر بسيدي بمسيح الرب فامدّ يدي اليه لانه مسيح الرب هو.
6Markaasuu wuxuu raggiisii ku yidhi, Rabbigu ha iga fogeeyo inaan waxan ku sameeyo sayidkayga kaasoo ah Rabbiga kiisa subkan, iyo inaan isaga gacanta u qaada, maxaa yeelay, wuxuu yahay Rabbiga kiisa subkan.
7فوبّخ داود رجاله بالكلام ولم يدعهم يقومون على شاول. واما شاول فقام من الكهف وذهب في طريقه.
7Sidaasaa Daa'uud raggiisii ugu diiday erayadaas, oo umana uu oggolaan inay Saa'uul ku kacaan. Markaasaa Saa'uul ka soo baxay bohoshii, oo iska tegey.
8ثم قام داود بعد ذلك وخرج من الكهف ونادى وراء شاول قائلا يا سيدي الملك. ولما التفت شاول الى ورائه خرّ داود على وجهه الى الارض وسجد.
8Oo Daa'uudna mar dambuu kacay oo bohoshii ka soo baxay, oo wuxuu ka daba qayliyey Saa'uul, oo ku yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow. Oo Saa'uulna markuu dib dhugtay ayaa Daa'uud wejiga dhulka saaray, wuuna sujuuday.
9وقال داود لشاول لماذا تسمع كلام الناس القائلين هوذا داود يطلب اذيتك.
9Oo Daa'uudna wuxuu Saa'uul ku yidhi, War maxaad u maqashaa dadka warkiisa intay kugu yidhaahdaan, Daa'uud wuxuu doonayaa inuu wax ku yeelo?
10هوذا قد رأت عيناك اليوم هذا كيف دفعك الرب اليوم ليدي في الكهف وقيل لي ان اقتلك ولكنني اشفقت عليك وقلت لا امد يدي الى سيدي لانه مسيح الرب هو.
10Bal eeg, maanta indhahaagu way arkeen sida Rabbigu iigu soo kaa gacangeliyey annagoo godka ku jirna, oo qaarna, Dil, bay igu yidhaahdeen, laakiinse waan kuu naxay; oo waxaan idhi, Anigu sayidkayga gacanta u qaadi maayo, maxaa yeelay, isagu waa Rabbiga kiisa subkan.
11فانظر يا ابي انظر ايضا طرف جبّتك بيدي. فمن قطعي طرف جبّتك وعدم قتلي اياك اعلم وانظر انه ليس في يدي شر ولا جرم ولم اخطئ اليك وانت تصيد نفسي لتاخذها.
11Bal eeg, aabbow, bal eeg haddana darafkii khamiiskaaga oo gacantayda ku jira, waayo, waxaan gooyay darafkii khamiiskaaga, kumana diline, haddaba ogow inayan gacantayda ku jirin shar iyo xadgudub toona, oo anna kuguma aanan dembaabin, in kastoo aad naftayda u gaadaysid inaad iga qaaddid.
12يقضي الرب بيني وبينك وينتقم لي الرب منك ولكن يدي لا تكون عليك.
12Rabbigu aniga iyo adiga ha ina kala xukumo, oo Rabbigu ha iiga kaa aar gudo, gacantayduse ku taaban mayso.
13كما يقول مثل القدماء من الاشرار يخرج شر ولكن يدي لا تكون عليك.
13Sida ay leedahay maahmaahdii dadkii hore, Kii shar ah waxaa ka soo baxda sharnimo, gacantayduse ku taaban mayso.
14وراء من خرج ملك اسرائيل. وراء من انت مطارد. وراء كلب ميت. وراء برغوث واحد.
14Bal boqorkii reer binu Israa'iilow, yaad ka soo daba baxaysaa? Oo bal yaad eryanaysaa? Ma eey bakhti ah, mase tagfi?
15فيكون الرب الديان ويقضي بيني وبينك ويرى ويحاكم محاكمتي وينقذني من يدك
15Haddaba Rabbigu aniga iyo adiga dhexdeenna xaakin ha ka ahaado oo ha inoo garnaqo, oo ha arko gartayda, gacantaadana ha iga samatabbixiyo.
16فلما فرغ داود من التكلم بهذا الكلام الى شاول قال شاول أهذا صوتك يا ابني داود. ورفع شاول صوته وبكى.
16Markii Daa'uud hadalkaas Saa'uul u dhammeeyey ayaa Saa'uulna wuxuu yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Saa'uulna codkiisii kor buu u qaaday oo ooyay.
17ثم قال لداود انت ابرّ مني لانك جازيتني خيرا وانا جازيتك شرا.
17Kolkaasuu Daa'uud ku yidhi, Aad baad iiga qumman tahay, waayo, wanaag baad ii fashay, anse xumaan baan kuugu beddelay.
18وقد اظهرت اليوم انك عملت بي خيرا لان الرب قد دفعني بيدك ولم تقتلني.
18Oo adna maanta waxaad caddaysay sidii aad si wanaagsan iigula macaamilootay, waayo, markii Rabbigu gacantaada igu soo riday ima aadan dilin.
19فاذا وجد رجل عدّوه فهل يطلقه في طريق خير. فالرب يجازيك خيرا عما فعلته لي اليوم هذا.
19Waayo, haddii nin cadowgiisa helo miyuu wanaag ku sii dayn lahaa? Sidaas daraaddeed tan aad maanta ii samaysay aawadeed Rabbigu wanaag ha kuugu abaal gudo.
20والآن فاني علمت انك تكون ملكا وتثبت بيدك مملكة اسرائيل.
20Oo hadda bal eeg, hubaal waan ogahay inaad boqor noqonaysid, iyo in boqortooyada reer binu Israa'iil gacantaada ku dhismi doonto.
21فاحلف لي الآن بالرب انك لا تقطع نسلي من بعدي ولا تبيد اسمي من بيت ابي.
21Haddaba bal Rabbiga iigu dhaaro, inaadan gooynayn farcankayga iga dambeeya, iyo inaadan magacayga reer aabbahay ka dhex baabbi'inayn.Markaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.
22فحلف داود لشاول. ثم ذهب شاول الى بيته واما داود ورجاله فصعدوا الى الحصن
22Markaasaa Daa'uud u dhaartay Saa'uul. Oo Saa'uulna gurigiisii buu tegey, laakiinse Daa'uud iyo raggiisiiba waxay galeen dhufayskii.