1ثم جاء الزيفيون الى شاول الى جبعة قائلين أليس داود مختفيا في تل حخيلة الذي مقابل القفر.
1Oo waxaa Saa'uul Gibecaah ugu yimid kuwii reer Siif, iyagoo leh, Miyuusan Daa'uud ku dhuuman buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka ku hor taal?
2فقام شاول ونزل الى برية زيف ومعه ثلاثة آلاف رجل منتخبي اسرائيل لكي يفتش على داود في برية زيف.
2Markaasaa Saa'uul kacay, oo wuxuu ku dhaadacay cidladii Siif, isagoo wata saddex kun oo nin oo reer binu Israa'iil laga soo doortay, inuu Daa'uud ka soo doondoono cidlada Siif.
3ونزل شاول في تل حخيلة الذي مقابل القفر على الطريق. وكان داود مقيما في البرية. فلما رأى ان شاول قد جاء وراءه الى البرية
3Kolkaasaa Saa'uul soo degay buurtii Xakiilaah, taasoo lamadegaanka ku hor taal, waddadana ku dhinac taal. Laakiinse Daa'uud cidladuu joogay, oo wuxuuna arkay in Saa'uul cidlada uga soo daba galay.
4ارسل داود جواسيس وعلم باليقين ان شاول قد جاء.
4Sidaas daraaddeed Daa'uud basaasyuu soo diray, wuxuuna ogaaday in Saa'uul xaqiiqa ahaan yimid.
5فقام داود وجاء الى المكان الذي نزل فيه شاول ونظر داود المكان الذي اضطجع فيه شاول وابنير بن نير رئيس جيشه. وكان شاول مضطجعا عند المتراس والشعب نزول حواليه.
5Markaasaa Daa'uud soo kacay oo yimid meeshii Saa'uul degay, oo Daa'uud wuxuu arkay meeshii Saa'uul jiifay, isaga iyo Abneer ina Neer oo ahaa sirkaalkii ciidankiisa, oo Saa'uulna wuxuu jiifay meeshii gaadhifardoodku joogay dhexdeeda, oo dadkuna hareerihiisay degeen.
6فاجاب داود وكلم اخيمالك الحثي وابيشاي ابن صروية اخا يوآب قائلا من ينزل معي الى شاول الى المحلّة. فقال ابيشاي انا انزل معك.
6Markaasaa Daa'uud jawaabay oo ku yidhi kii reer Xeed oo Axiimeleg ahaa iyo Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay, oo Yoo'aabna walaalkiis ahaa, oo wuxuu ku yidhi, Yaa ii raacaya Saa'uul xeraduu joogo? Kolkaasaa Abiishay ku yidhi, anaa ku raacaya.
7فجاء داود وابيشاي الى الشعب ليلا واذا بشاول مضطجع نائم عند المتراس ورمحه مركوز في الارض عند راسه وابنير والشعب مضطجعون حواليه.
7Sidaasay Daa'uud iyo Abiishay dadkii ugu yimaadeen habeennimo, oo waxay arkeen Saa'uul oo hurda meeshii gaadhifardoodka dhexdeeda, oo warankiisiina dhulkuu ku mudnaa meel madaxiisa u dhow; oo Abneer iyo dadkiina hareerihiisay jiifeen.
8فقال ابيشاي لداود قد حبس الله اليوم عدوك في يدك. فدعني الآن اضربه بالرمح الى الارض دفعة واحدة ولا اثني عليه.
8Markaasaa Abiishay wuxuu Daa'uud ku yidhi, Maanta Ilaah wuxuu kuu soo gacangeliyey cadowgaagii. Haddaba waan ku baryayaaye i daa aan wareemee oo aan mar keliya dhulka ku qodbee, oo mar labaad ku dhufan maayo.
9فقال داود لابيشاي لا تهلكه فمن الذي يمد يده الى مسيح الرب ويتبرّأ.
9Markaasaa Daa'uud wuxuu Abiishay ku yidhi, Ha dilin, waayo, bal yaa gacan u qaadi kara Rabbiga kiisa subkan, oo haddana eedla'aan doona?
10وقال داود حيّ هو الرب ان الرب سوف يضربه او يأتي يومه فيموت او ينزل الى الحرب ويهلك.
10Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, waxaa isaga dili doona Rabbiga, ama maalintiisii baa iska iman doonta, amase dagaal buu geli doonaa markaasaa la dili doonaa.
11حاشا لي من قبل الرب ان امد يدي الى مسيح الرب. والآن فخذ الرمح الذي عند راسه وكوز الماء وهلم.
11Rabbiga ha iga fogeeyo inaan gacanta u qaado Rabbiga kiisa subkan. Haddaba waan ku baryayaaye inoo qaad waranka madaxiisa ag yaal iyo kusadda biyaha, oo ina keen aannu tagnee.
12فاخذ داود الرمح وكوز الماء من عند راس شاول وذهبا ولم ير ولا علم ولا انتبه احد لانهم جميعا كانوا نياما لان سبات الرب وقع عليهم
12Sidaas aawadeed Daa'uud wuxuu Saa'uul madaxiisii ka ag qaatay warankii iyo kusaddii biyaha; kolkaasay tageen, oo ninnaba ma arkin, lamana ogayn, oo midna ma toosin, waayo, kulligood way wada hurdeen, maxaa yeelay, waxaa xagga Rabbiga kaga soo degtay hurdo weyn.
13وعبر داود الى العبر ووقف على راس الجبل عن بعد والمسافة بينهم كبيرة
13Markaasaa Daa'uud dhankii kale u gudbay oo wuxuu ku dul istaagay buur iyaga in yar ka fog, oo waxaana u dhexeeyey bannaan weyn.
14ونادى داود الشعب وابنير بن نير قائلا أما تجيب يا ابنير. فاجاب ابنير وقال من انت الذي ينادي الملك.
14Kolkaasaa Daa'uud u dhawaaqay dadkii iyo Abneer oo ahaa ina Neer, oo yidhi, Abneerow, war miyaadan jawaabayn? Markaasaa Abneer jawaabay oo yidhi, Kaaga boqorka u dhawaaqayaa, kumaad tahay?
15فقال داود لابنير أما انت رجل ومن مثلك في اسرائيل. فلماذا لم تحرس سيدك الملك. لانه قد جاء واحد من الشعب لكي يهلك الملك سيدك.
15Markaasaa Daa'uud wuxuu Abneer ku yidhi, War sow ma tihid nin rag ah? Yaana kula mid ah oo reer binu Israa'iil ku jira? Haddaba maxaad u dhawri weyday sayidkaaga boqorka ah? Waayo, mid dadka ka mid ah ayaa xerada u galay inuu boqorka sayidkaaga ah dilo.
16ليس حسنا هذا الأمر الذي عملت. حيّ هو الرب انكم ابناء الموت انتم لانكم لم تحافظوا على سيدكم على مسيح الرب. فانظر الآن اين هو رمح الملك وكوز الماء الذي كان عند راسه
16War waxan aad samaysay ma wanaagsana. Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye waxaad istaahishaan dhimasho, maxaa yeelay, ma aydaan dhawrin sayidkiinna ah Rabbiga kiisa subkan. Haddaba bal fiiriya boqorka warankiisii iyo kusaddiisii biyaha oo madaxiisa ag yiil.
17وعرف شاول صوت داود فقال أهذا هو صوتك يا ابني داود. فقال داود انه صوتي يا سيدي الملك.
17Markaasaa Saa'uul gartay Daa'uud codkiisii oo yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, kaasu ma codkaagii baa? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Haah, kanu waa codkaygii, boqorow sayidkaygiiyow.
18ثم قال لماذا سيدي يسعى وراء عبده لاني ماذا عملت واي شر بيدي.
18Oo haddana wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad ii eryanaysaa, anoo addoonkaaga ah? Waayo, maxaan sameeyey? Waase maxay xumaanta gacantayda ku jirtaa?
19والآن فليسمع سيدي الملك كلام عبده. فان كان الرب قد اهاجك ضدي فليشتمّ تقدمة. وان كان بنو الناس فليكونوا ملعونين امام الرب لانهم قد طردوني اليوم من الانضمام الى نصيب الرب قائلين اذهب اعبد آلهة اخرى.
19Haddaba waan ku baryayaaye, boqorow sayidkaygiiyow, bal maqal erayadayda anoo addoonkaaga ah. Oo haddii Rabbigu igu kaa diray qurbaan ha aqbalo, laakiinse haddii waxa igu kaa diray ay binu-aadmi yihiin, Rabbiga hortiisa ha ku inkaarnaadeen, waayo, maanta way i eryeen si aanan u sii joogin dhaxalkii Rabbiga, oo waxay igu yidhaahdeen, Tag oo ilaahyo kale u adeeg.
20والآن لا يسقط دمي الى الارض امام وجه الرب. لان ملك اسرائيل قد خرج ليفتش على برغوث واحد. كما يتبع الحجل في الجبال
20Haddaba sidaas daraaddeed dhiiggaygu yuusan ku daadan meel Rabbiga hortiisa ka fog, waayo, boqorkii reer binu Israa'iilow, waxaad u soo baxday si aad tagfi u doondoonto, oo waa sidii mid buuraha digaagduur ka ugaadhsanaya.
21فقال شاول قد اخطأت. ارجع يا ابني داود لاني لا اسيء اليك بعد من اجل ان نفسي كانت كريمة في عينيك اليوم. هوذا قد حمقت وضللت كثيرا جدا.
21Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Waan dembaabay, wiilkaygii Daa'uudow, iska noqo, waayo, anigu mar dambe wax ku yeeli maayo, maxaa yeelay, maanta naftaydu qaali bay kula noqotay. Bal eeg, waan nacasoobay oo aad iyo aad baan u qaldamay.
22فاجاب داود وقال هوذا رمح الملك فليعبر واحد من الغلمان وياخذه.
22Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay, Boqorow, waa kan warankaagii! Haddaba ragga dhallinyarada ah midkood ha u yimaado oo ha kuu qaado.
23والرب يرد على كل واحد بره وامانته لانه قد دفعك الرب اليوم ليدي ولم اشأ ان امد يدي الى مسيح الرب.
23Oo Rabbiguna nin walba wuu ka abaalmarin doonaa xaqnimadiisa iyo aaminnimadiisa, waayo, Rabbigu maanta gacantayduu kugu soo riday, aniguse ma aan doonaynin inaan gacantayda u qaado Rabbiga kiisa subkan.
24وهوذا كما كانت نفسك عظيمة اليوم في عينيّ كذلك لتعظم نفسي في عيني الرب فينقذني من كل ضيق.
24Oo bal eeg, sida maanta naftaadu iigu dheeraatay, sidaas oo kale naftaydu ha ku dheeraato Rabbiga hortiisa, oo dhibaato oo dhanna ha iga samatabbixiyo.Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.
25فقال شاول لداود مبارك انت يا ابني داود فانك تفعل وتقدر. ثم ذهب داود في طريقه ورجع شاول الى مكانه
25Markaasaa Saa'uul wuxuu Daa'uud ku yidhi, Wiilkaygii Daa'uudow, waad barakaysan tahay. Hubaal xoog baad yeelan doontaa, waadna guulaysan doontaa. Dabadeedna Daa'uud waa iska tegey, Saa'uulna meeshiisuu ku noqday.