الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

1 Samuel

28

1وكان في تلك الايام ان الفلسطينيين جمعوا جيوشهم لكي يحاربوا اسرائيل. فقال اخيش لداود اعلم يقينا انك ستخرج معي في الجيش انت ورجالك.
1Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.
2فقال داود لاخيش لذلك انت ستعلم ما يفعل عبدك. فقال اخيش لداود لذلك اجعلك حارسا لراسي كل الايام.
2Oo Daa'uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa.
3ومات صموئيل وندبه كل اسرائيل ودفنوه في الرامة في مدينته. وكان شاول قد نفى اصحاب الجان والتوابع من الارض.
3Oo Samuu'eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa'uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray.
4فاجتمع الفلسطينيون وجاءوا ونزلوا في شونم وجمع شاول جميع اسرائيل ونزل في جلبوع.
4Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa'uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa'iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca.
5ولما رأى شاول جيش الفلسطينيين خاف واضطرب قلبه جدا.
5Saa'uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray.
6فسأل شاول من الرب فلم يجبه الرب لا بالاحلام ولا بالاوريم ولا بالانبياء.
6Oo Saa'uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin.
7فقال شاول لعبيده فتشوا لي على امرأة صاحبة جان فاذهب اليها واسألها. فقال له عبيده هوذا امرأة صاحبة جان في عين دور.
7Markaasaa Saa'uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta.
8فتنكّر شاول ولبس ثيابا اخرى وذهب هو ورجلان معه وجاءوا الى المرأة ليلا وقال اعرفي لي بالجان واصعدي لي من اقول لك.
8Kolkaasaa Saa'uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo.
9فقالت له المرأة هوذا انت تعلم ما فعل شاول كيف قطع اصحاب الجان والتوابع من الارض. فلماذا تضع شركا لنفسي لتميتها.
9Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa'uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto?
10فحلف لها شاول بالرب قائلا حيّ هو الرب انه لا يلحقك اثم في هذا الامر.
10Markaasaa Saa'uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn.
11فقالت المرأة من اصعد لك. فقال اصعدي لي صموئيل.
11Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu'eel ii soo kici.
12فلما رأت المرأة صموئيل صرخت بصوت عظيم وكلمت المرأة شاول قائلة لماذا خدعتني وانت شاول.
12Oo naagtii markay Samuu'eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa'uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa'uul baad tahay.
13فقال لها الملك لا تخافي. فماذا رأيت. فقالت المرأة لشاول رأيت آلهة يصعدون من الارض.
13Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa'uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya.
14فقال لها ما هي صورته. فقالت رجل شيخ صاعد وهو مغطي بجبّة. فعلم شاول انه صموئيل فخرّ على وجهه الى الارض وسجد.
14Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa'uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu'eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday.
15فقال صموئيل لشاول لماذا اقلقتني باصعادك اياي. فقال شاول قد ضاق بي الأمر جدا. الفلسطينيون يحاربونني والرب فارقني ولم يعد يجيبني لا بالانبياء ولا بالاحلام فدعوتك لكي تعلمني ماذا اصنع.
15Markaasaa Samuu'eel Saa'uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa'uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo.
16فقال صموئيل ولماذا تسألني والرب قد فارقك وصار عدوك.
16Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
17وقد فعل الرب لنفسه كما تكلم عن يدي وقد شق الرب المملكة من يدك واعطاها لقريبك داود.
17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.
18لانك لم تسمع لصوت الرب ولم تفعل حمو غضبه في عماليق لذلك قد فعل الرب بك هذا الامر اليوم.
18Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.
19ويدفع الرب اسرائيل ايضا معك ليد الفلسطينيين وغدا انت وبنوك تكونون معي ويدفع الرب جيش اسرائيل ايضا ليد الفلسطينيين.
19Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa'iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa'iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin.
20فاسرع شاول وسقط على طوله الى الارض وخاف جدا من كلام صموئيل وايضا لم تكن فيه قوة لانه لم ياكل طعاما النهار كله والليل
20Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.
21ثم جاءت المرأة الى شاول ورأت انه مرتاع جدا فقالت له هوذا قد سمعت جاريتك لصوتك فوضعت نفسي في كفّي وسمعت لكلامك الذي كلمتني به.
21Markaasaa naagtii u timid Saa'uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay.
22والآن اسمع انت ايضا لصوت جاريتك فاضع قدامك كسرة خبز وكل فتكون فيك قوة اذ تسير في الطريق.
22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.
23فأبى وقال لا آكل. فالحّ عليه عبداه والمرأة ايضا فسمع لصوتهم وقام عن الارض وجلس على السرير.
23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
24وكان للمرأة عجل مسمّن في البيت فاسرعت وذبحته واخذت دقيقا وعجنته وخبزت فطيرا
24Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.
25ثم قدمته امام شاول وامام عبديه فأكلوا. وقاموا وذهبوا في تلك الليلة
25Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.