1واما الازمنة والاوقات فلا حاجة لكم ايها الاخوة ان اكتب اليكم عنها.
1Walaalayaalow, uma baahnidin in laydiin soo qoro wax ku saabsan wakhtiyada iyo xilliyada.
2لانكم انتم تعلمون بالتحقيق ان يوم الرب كلص في الليل هكذا يجيء.
2Waayo, idinka qudhiinnuba qummaati baad u garanaysaan inay maalinta Rabbigu u imanayso sida tuug habeen u yimaado.
3لانه حينما يقولون سلام وامان حينئذ يفاجئهم هلاك بغتة كالمخاض للحبلى فلا ينجون.
3Markay leeyihiin, Waa nabad iyo salaamad, kolkaasaa filashola'aan halaaggu u qaban doonaa sida fooshu naag uur leh u qabato; iyaguna sinaba ugama baxsan doonaan.
4واما انتم ايها الاخوة فلستم في ظلمة حتى يدرككم ذلك اليوم كلص.
4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.
5جميعكم ابناء نور. وابناء نهار. لسنا من ليل ولا ظلمة.
5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;
6فلا ننم اذا كالباقين بل لنسهر ونصح.
6sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.
7لان الذين ينامون فبالليل ينامون والذين يسكرون فبالليل يسكرون.
7Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.
8واما نحن الذين من نهار فلنصح لابسين درع الايمان والمحبة وخوذة هي رجاء الخلاص.
8Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.
9لان الله لم يجعلنا للغضب بل لاقتناء الخلاص بربنا يسوع المسيح
9Waayo, Ilaah inooma uu dooran cadhada, laakiinse wuxuu inoo doortay inaynu ku badbaadno Rabbigeenna Ciise Masiix,
10الذي مات لاجلنا حتى اذا سهرنا او نمنا نحيا جميعا معه.
10kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.
11لذلك عزوا بعضكم بعضا وابنوا احدكم الآخر كما تفعلون ايضا
11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
12ثم نسألكم ايها الاخوة ان تعرفوا الذين يتعبون بينكم ويدبرونكم في الرب وينذرونكم
12Laakiinse waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow, inaad maamuustaan kuwa idinku dhex hawshooda, oo xagga Rabbiga idinkaga sarreeya oo idinla taliya;
13وان تعتبروهم كثيرا جدا في المحبة من اجل عملهم. سالموا بعضكم بعضا.
13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.
14ونطلب اليكم ايها الاخوة انذروا الذين بلا ترتيب. شجعوا صغار النفوس. اسندوا الضعفاء. تأنوا على الجميع.
14Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
15انظروا ان لا يجازي احد احدا عن شر بشر بل كل حين اتبعوا الخير بعضكم لبعض وللجميع.
15Iska jira inaan midkiinna midka kale shar shar uga celin; laakiinse kol kasta wax wanaagsan ha ugu dadaalo, oo dadka oo dhanna ha ugu dadaalo.
16افرحوا كل حين.
16Had iyo goorba farxa.
17صلّوا بلا انقطاع.
17Joogsila'aanna tukada.
18اشكروا في كل شيء. لان هذه هي مشيئة الله في المسيح يسوع من جهتكم.
18Wax walbana mahad ka naqa, waayo, taasu waxay idiin tahay doonista Ilaah xagga Ciise Masiix.
19لا تطفئوا الروح.
19Ruuxa ha deminina.
20لا تحتقروا النبوات.
20Wax sii sheegiddana ha quudhsanina.
21امتحنوا كل شيء. تمسكوا بالحسن.
21Wax walba tijaabiya, waxa fiicanna xajiya.
22امتنعوا عن كل شبه شر.
22Wax kasta oo shar u egna ka fogaada.
23واله السلام نفسه يقدسكم بالتمام ولتحفظ روحكم ونفسكم وجسدكم كاملة بلا لوم عند مجيء ربنا يسوع المسيح.
23Ilaaha nabadda qudhiisu quduus ha idinka wada dhigo, oo ruuxiinna iyo naftiinna iyo jidhkiinna dhammaan ha la wada ilaaliyo, iyagoo ceeb la' markii Rabbigeenna Ciise Masiix yimaado.
24امين هو الذي يدعوكم الذي سيفعل ايضا
24Kan idiin yeedhaa waa aamin, wuuna samayn doonaa.
25ايها الاخوة صلّوا لاجلنا.
25Walaalayaalow, noo soo duceeya.
26سلموا على الاخوة جميعا بقبلة مقدسة.
26Walaalaha oo dhanna dhunkasho quduus ah ku salaama.
27اناشدكم بالرب ان تقرأ هذه الرسالة على جميع الاخوة القديسين.
27Rabbigaan idinku dhaarinayaaye, Warqaddan ha loo akhriyo walaalaha oo dhan.Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
28نعمة ربنا يسوع المسيح معكم. آمين
28Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.