الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Chronicles

16

1في السنة السادسة والثلاثين لملك آسا صعد بعشا ملك اسرائيل على يهوذا وبنى الرامة لكيلا يدع احدا يخرج او يدخل الى آسا ملك يهوذا.
1Oo boqornimadii Aasaa sannaddeedii lix iyo soddonaad ayaa Bacshaa oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil dalka Yahuudah ku kacay oo wuxuu dhisay Raamaah, inuusan qofna u oggolaan inuu ka baxo ama u galo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
2واخرج آسا فضة وذهبا من خزائن بيت الرب وبيت الملك وارسل الى بنهدد ملك ارام الساكن في دمشق قائلا
2Markaasaa Aasaa lacag iyo dahab ka soo bixiyey khasnadihii guriga Ilaah iyo kuwii guriga boqorkaba, oo wuxuu u sii dhiibay Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya oo Dimishaq degganaa, oo wuxuu ku yidhi,
3ان بيني وبينك وبين ابي وابيك عهدا. هوذا قد ارسلت لك فضة وذهبا فتعال انقض عهدك مع بعشا ملك اسرائيل فيصعد عني.
3Axdi baa inoo dhexeeya aniga iyo adiga, oo aabbahay iyo aabbahaana wuu u dhexayn jiray, haddaba bal eeg waxaan ku soo diray lacag iyo dahab, saas aawadeed tag oo jebi axdiga aad la leedahay boqorka dalka Israa'iil oo Bacshaa ah, ha iga tagee.
4فسمع بنهدد للملك آسا وارسل رؤساء الجيوش التي له على مدن اسرائيل فضربوا عيون ودان وآبل المياه وجميع مخازن مدن نفتالي.
4Markaasaa Benhadad dhegaystay hadalkii Boqor Aasaa, oo saraakiishii ciidammadiisa ayuu u diray magaalooyinkii dalka Israa'iil, oo waxay dagaal ku dhufteen Ciyoon, iyo Daan, iyo Aabeel Mayim, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo reer Naftaali oo dhan.
5فلما سمع بعشا كف عن بناء الرامة وترك عمله.
5Kolkii Bacshaa taas maqlay wuu ka tegey Raamaah dhisiddeedii, oo shuqulkiisiina wuu joojiyey.
6فاخذ آسا الملك كل يهوذا فحملوا حجارة الرامة واخشابها التي بنى بها بعشا وبنى بها جبع والمصفاة
6Markaasaa Boqor Aasaa soo kaxaystay dadkii Yahuudah oo dhan, oo waxay wada qaadeen dhagxantii iyo alwaaxdii Raamaah oo uu Bacshaa ku dhisayay, kolkaasuu ku dhisay Gebac iyo Misfaah.
7وفي ذلك الزمان جاء حناني الرائي الى آسا ملك يهوذا وقال له من اجل انك استندت على ملك ارام ولم تستند على الرب الهك لذلك قد نجا جيش ملك ارام من يدك.
7Oo wakhtigaas ayaa Xanaanii oo waxarkihii ahaa u yimid Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Waxaad isku hallaysay boqorka Suuriya, oo iskuma aadan hallayn Rabbiga Ilaahaaga ah, haddaba sidaas daraaddeed ciidanka boqorka Suuriya gacantaada wuu ka baxsaday.
8ألم يكن الكوشيون واللوبيون جيشا كثيرا بمركبات وفرسان كثيرة جدا. فمن اجل انك استندت على الرب دفعهم ليدك.
8War kuwii reer Itoobiya iyo reer Luubiim sow ma ay ahayn ciidan weyn oo wata gaadhifardood iyo ciidan fardooley ah oo aad iyo aad u badan? Oo weliba Rabbigu wuxuu soo geliyey gacantaada, maxaa yeelay, Rabbiga waad isku hallaysay.
9لان عيني الرب تجولان في كل الارض ليتشدد مع الذين قلوبهم كاملة نحوه. فقد حمقت في هذا حتى انه من الآن تكون عليك حروب.
9Waayo, Rabbiga indhihiisu waxay hor iyo dib u fiirinayaan dunida oo dhan inuu isu adkeeyo kuwa qalbigoodu isaga xaggiisa ku qumman yahay. Taas ayaad nacasnimo ku samaysay, oo hadda ka dib dagaallo baad ku jiri doontaa.
10فغضب آسا على الرائي ووضعه في السجن لانه اغتاظ منه من اجل هذا. وضايق آسا بعضا من الشعب في ذلك الوقت.
10Markaasaa Aasaa waxarkihii u cadhooday oo wuxuu ku riday xabsi, maxaa yeelay, aad buu ugu xanaaqay xaalkan daraaddiis. Oo isla markaasna Aasaa baa dadkii qaarkiis dulmay.
11وأمور آسا الاولى والاخيرة ها هي مكتوبة في سفر الملوك ليهوذا واسرائيل.
11Oo bal eeg Aasaa falimihiisii, intii hore iyo intii dambeba, waxay ku qoran yihiin kitaabkii boqorrada dalka Yahuudah iyo dalka Israa'iil.
12ومرض آسا في السنة التاسعة والثلاثين من ملكه في رجليه حتى اشتد مرضه وفي مرضه ايضا لم يطلب الرب بل الاطباء.
12Oo sannaddii sagaal iyo soddonaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa cagaha ka bukooday, oo cudurkiisiina aad iyo aad buu u weynaa, oo weliba isagu cudurkiisii Rabbiga uma uu doonin laakiinse wuxuu u doondoonay dhakhtarrada.
13ثم اضطجع آسا مع آبائه ومات في السنة الحادية والاربعين لملكه
13Oo sannaddii kow iyo afartanaad oo boqornimadiisa ayaa Aasaa dhintay oo la seexday awowayaashiis.Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.
14فدفنوه في قبوره التي حفرها لنفسه في مدينة داود واضجعوه في سرير كان مملوّا اطيابا واصنافا عطرة حسب صناعة العطارة واحرقوا له حريقة عظيمة جدا
14Oo waa lagu aasay qabriyadiisii uu ka qotay magaaladii Daa'uud, oo waxaa lagu jiifiyey sariir ay ka buuxaan cadar udgoon iyo uunsi kala cayn cayn ah oo lagu hagaajiyey sancada kuwa cadarka sameeya, oo waxaa loo sameeyey dabshid aad u weyn.