1كان منسّى ابن اثنتي عشرة سنة حين ملك وملك خمسا وخمسين سنة في اورشليم
1Oo Manaseh markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo toban sannadood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa shan iyo konton sannadood.
2وعمل الشر في عيني الرب حسب رجاسات الامم الذين طردهم الرب من امام بني اسرئيل.
2Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, sidii karaahiyadii quruumihii Rabbigu ka eryay reer binu Israa'iil hortooda.
3وعاد فبنى المرتفعات التي هدمها حزقيا ابوه واقام مذابح للبعليم وعمل سواري وسجد لكل جند السماء وعبدها.
3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacaliimna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.
4وبنى مذابح في بيت الرب الذي قال عنه الرب في اورشليم يكون اسمي الى الابد.
4Oo wuxuu meelo allabari uga dhex dhisay gurigii Rabbiga, kaasoo Rabbigu ka hadlay oo yidhi, Magacaygu wuxuu weligiisba joogi doonaa Yeruusaalem.
5وبنى مذابح لكل جند السماء في داري بيت الرب.
5Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.
6وعبّر بنيه في النار في وادي ابن هنّوم وعاف وتفائل وسحر واستخدم جانا وتابعة واكثر عمل الشرّ في عيني الرب لاغاظته.
6Oo weliba carruurtiisiina dab buu ku dhex mariyey dooxadii ina Xinnom dhexdiisa, faalna wuu ku noqnoqday, wuxuuna u tegey falanfallowyo, sixirna wuu ku noqnoqday, oo wuxuu la macaamilooday kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa ku sameeyey shar badan oo uu isaga kaga xanaajiyey.
7ووضع تمثال الشكل الذي عمله في بيت الله الذي قال الله عنه لداود ولسليمان ابنه في هذا البيت وفي اورشليم التي اخترت من جميع اسباط اسرائيل اضع اسمي الى الابد.
7Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.
8ولا اعود ازحزح رجل اسرائيل عن الارض التي عيّنت لآبائهم وذلك اذا حفظوا وعملوا كل ما اوصيتهم به كل الشريعة والفرائض والاحكام عن يد موسى.
8Oo cagta reer binu Israa'iilna mar dambe ka dhaqaajin maayo dalkii aan u doortay awowayaashood, hadday dhawraan uun wixii aan ku amray oo dhan, kuwaasoo ah sharcigii iyo qaynuunnadii iyo xukummadii aan gacanta Muuse u soo dhiibay oo dhan.
9ولكن منسّى اضلّ يهوذا وسكان اورشليم ليعملوا اشر من الامم الذين طردهم الرب من امام بني اسرائيل.
9Oo Manasehna dadkii Yahuudah iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba wuu qalday, sidaas daraaddeed iyagu waxay sameeyeen shar ka sii badan kii ay sameeyeen quruumihii Rabbigu ku hor baabbi'iyey reer binu Israa'iil.
10وكلّم الرب منسّى وشعبه فلم يصغوا
10Markaasaa Rabbigu la hadlay Manaseh iyo dadkiisiiba, laakiinse dheg uma ay dhigin.
11فجلب الرب عليهم رؤساء الجند الذين لملك اشور فأخذوا منسّى بخزامة وقيدوه بسلاسل نحاس وذهبوا به الى بابل.
11Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ku diray saraakiishii ciidanka oo boqorkii Ashuur, oo waxay la tageen Manaseh isagoo silsilado iyo bircago ku xidhan yihiin, kolkaasay Baabuloon u kaxaysteen.
12ولما تضايق طلب وجه الرب الهه وتواضع جدا امام اله آبائه
12Oo intuu dhibaataysnaa ayuu baryay Rabbigii Ilaahiisa ahaa, oo si weyn buu isugu hor hoosaysiiyey Ilaahii awowayaashiis.
13وصلّى اليه فاستجاب له وسمع تضرعه ورده الى اورشليم الى مملكته. فعلم منسّى ان الرب هو الله.
13Oo isagii buuna baryay, oo isna wuu aqbalay oo baryootankiisiina wuu maqlay, oo mar kale ayuu dib ugu soo celiyey Yeruusaalem iyo boqortooyadiisii. Markaasaa Manaseh ogaaday in Rabbigu Ilaah yahay.
14وبعد ذلك بنى سورا خارج مدينة داود غربا الى جيحون في الوادي والى مدخل باب السمك وحوّط الاكمة بسور وعلاه جدا. ووضع رؤساء جيوش في جميع المدن الحصينة في يهوذا.
14Haddaba waxyaalahaas ka dib magaaladii Daa'uud dibaddeeda ayuu ka dhisay derbi xagga Giixoon dhankeedii galbeed iyo dooxada dhexdeedii iyo xataa meesha laga galo Iriddii Kalluunka, oo wuxuu ka soo wareejiyey Cofel, oo aad iyo aad buu kor ugu dheereeyey, oo magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhanna wuxuu fadhiisiyey saraakiishii ciidanka.
15وازال الآلهة الغريبة والاشباه من بيت الرب وجميع المذابح التي بناها في جبل بيت الرب وفي اورشليم وطرحها خارج المدينة.
15Markaasuu ilaahyadii qalaad iyo sanamkiiba ka bixiyey gurigii Rabbiga, oo meelihii allabariga ee uu ka dhisay buurtii guriga Rabbiga iyo Yeruusaalem gudaheedaba dhammaantood wuu dumiyey, oo magaaladii wuu ka wada tuuray.
16ورمم مذبح الرب وذبح عليه ذبائح سلامة وشكر وأمر يهوذا ان يعبدوا الرب اله اسرائيل.
16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
17الا ان الشعب كانوا بعد يذبحون على المرتفعات انما للرب الههم.
17Habase yeeshee dadkii weli waxay allabaryo ku bixin jireen meelihii sarsare, laakiinse waxay ula niyoon jireen Rabbiga ah Ilaahooda oo keliya.
18وبقية امور منسّى وصلاته الى الهه وكلام الرائين الذين كلموه باسم الرب اله اسرائيل ها هي في اخبار ملوك اسرائيل.
18Haddaba Manaseh falimihiisii kale iyo baryadii uu Ilaahiis baryay, iyo erayadii wax arkayaashii ay isaga kula hadleen magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, bal eeg, waxay ku qoran yihiin kitaabkii falimihii boqorradii dalka Israa'iil.
19وصلاته والاستجابة له وكل خطاياه وخيانته والاماكن التي بنى فيها مرتفعات واقام سواري وتماثيل قبل تواضعه ها هي مكتوبة في اخبار الرائين.
19Oo baryootankiisii, iyo siduu Ilaah isaga u aqbalay, iyo dembigiisii iyo xadgududkiisii oo dhan, iyo meelihii uu meelo sarsare ka dhisay ee uu qotomiyey geedihii Asheeraah iyo sanamyadii xardhanaa intuusan is-hoosaysiin, bal eeg, waxay ku qoran yihiin taariikhdii Xoosay.
20ثم اضطجع منسّى مع آبائه فدفنوه في بيته وملك آمون ابنه عوضا عنه
20Markaasaa Manaseh dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay gurigiisii, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Aamoon.
21كان آمون ابن اثنتين وعشرين سنة حين ملك وملك سنتين في اورشليم.
21Oo Aamoonna markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, Yeruusaalemna boqor buu ku ahaa laba sannadood.
22وعمل الشر في عيني الرب كما عمل منسّى ابوه. وذبح آمون لجميع التماثيل التي عمل منسّى ابوه وعبدها.
22Oo isna wuxuu sameeyey wax shar ku ah Rabbiga hortiisa sidii aabbihiis Manaseh u yeelay oo kale. Oo Aamoon wuxuu allabari u bixiyey sanamyadii xardhanaa ee uu aabbihiis Manaseh sameeyey oo dhan, wuuna u adeegay.
23ولم يتواضع امام الرب كما تواضع منسّى ابوه بل ازداد آمون اثما.
23Oo isagu sidii aabbihiis Manaseh uu isu hoosaysiiyey oo kale isuguma uu hoosaysiin Rabbiga hortiisa, laakiinse Aamoonkaas qudhiisu aad iyo aad buu u sii xadgudbay.
24وفتن عليه عبيده وقتلوه في بيته.
24Oo addoommadiisii ayaa shirqool u dhigay, oo gurigiisay ku dileen.Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
25وقتل شعب الارض جميع الفاتنين على الملك آمون وملّك شعب الارض يوشيا ابنه عوض عنه
25Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.