1فانه من جهة الخدمة للقديسين هو فضول مني ان اكتب اليكم.
1Looma baahna inaan idiin soo qoro wax ku saabsan caawimaadda xagga quduusiinta,
2لاني اعلم نشاطكم الذي افتخر به من جهتكم لدى المكدونيين ان اخائية مستعدة منذ العام الماضي. وغيرتكم قد حرّضت الاكثرين.
2waayo, waan garanayaa diyaarnimadiinna aan kuwa Makedoniya idinku faaniyey, in dadka Akhaya sannaddii hore ay diyaar ahaayeen, oo jacaylkiinna kulaylkiisuna badidood buu sii kiciyey.
3ولكن ارسلت الاخوة لئلا يتعطل افتخارنا من جهتكم من هذا القبيل كي تكونوا مستعدين كما قلت.
3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,
4حتى اذا جاء معي مكدونيون ووجدوكم غير مستعدين لا نخجل نحن حتى لا اقول انتم في جسارة الافتخار هذه.
4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.
5فرأيت لازما ان اطلب الى الاخوة ان يسبقوا اليكم ويهيئوا قبلا بركتكم التي سبق التخبير بها لتكون هي معدة هكذا كانها بركة لا كانها بخل.
5Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
6هذا وان من يزرع بالشح فبالشح ايضا يحصد. ومن يزرع بالبركات فبالبركات ايضا يحصد.
6Laakiin tan ogaada, Kii wax yar beeraa, wax yar buu goostaa, kii wax badan beeraana, wax badan buu goostaa.
7كل واحد كما ينوي بقلبه ليس عن حزن او اضطرار. لان المعطي المسرور يحبه الله.
7Qof kastaa wax ha u bixiyo siduu qalbiga ka goostay, oo yaanu ku bixin caloolxumo ama qasab, waayo, Ilaah wuxuu jecel yahay kan farxad wax ku bixiya.
8والله قادر ان يزيدكم كل نعمة لكي تكونوا ولكم كل اكتفاء كل حين في كل شيء تزدادون في كل عمل صالح.
8Ilaah wuxuu karaa inuu nimco oo dhan idiin badiyo inaad mar walba wax kasta oo idinku filan haysataan inaad shuqul kasta oo wanaagsan ku badisaan;
9كما هو مكتوب فرق. اعطى المساكين. بره يبقى الى الابد.
9sida qoran, Isagu wuu kala firdhiyey, masaakiintana wax buu siiyey, Xaqnimadiisuna way sii jirtaa weligeedba.
10والذي يقدم بذارا للزارع وخبزا للأكل سيقدم ويكثر بذاركم وينمي غلات بركم.
10Kii beerreyga siiya abuur uu abuuro iyo kibis uu cuno, wuu siin doonaa wuuna badin doonaa abuurkiinna aad abuuraysaan, wuuna kordhin doonaa midhaha xaqnimadiinna.
11مستغنين في كل شيء لكل سخاء ينشئ بنا شكرا للّه.
11Wax kasta idinka waa laydinku hodansiin doonaa xagga deeqsinimada inaga dhex shaqaysa oo dhan ee aawadeed Ilaah loogu mahad naqo.
12لان افتعال هذه الخدمة ليس يسد اعواز القديسين فقط بل يزيد بشكر كثير للّه
12Waayo, samaynta shuqulkani ma dhammaystirto waxa dhiman ee ay quduusiintu u baahan yihiin oo qudha, laakiin waxaa kale oo ay kordhisaa in Ilaah aad loogu mahad naqo.
13اذ هم باختبار هذه الخدمة يمجدون الله على طاعة اعترافكم لانجيل المسيح وسخاء التوزيع لهم وللجميع.
13Caddaynta adeegiddan aawadeed, waxaa Ilaah loo ammaanaa addeeciddiinna markaad qirataan injiilka Masiix, iyo deeqsinimada markaad la wadaagtaan iyaga iyo dadka kale oo dhan.
14وبدعائهم لاجلكم مشتاقين اليكم من اجل نعمة الله الفائقة لديكم.
14Way idiin duceeyaan, wayna idiin xiisoodaan nimcada aad u badan ee Ilaah ee idinku jirta aawadeed.Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.
15فشكرا للّه على عطيته التي لا يعبّر عنها
15Ilaah baa mahad leh hadiyaddiisa aan la sheegi karin aawadeed.