1في السنة الثانية ليوآش بن يوآحاز ملك اسرائيل ملك امصيا بن يوآش ملك يهوذا.
1Yoo'aash ina Yoo'aaxaas ee ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii labaad ayaa Amasyaah ina Yoo'aash dalka Yahuudah boqor ka noqday.
2كان ابن خمس وعشرين سنة حين ملك. وملك تسعا وعشرين سنة في اورشليم. واسم امه يهوعدّان من اورشليم.
2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem ayuu boqor ku ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Yehoocaddiin tii reer Yeruusaalem.
3وعمل ما هو مستقيم في عيني الرب ولكن ليس كداود ابيه. عمل حسب كل ما عمل يوآش ابوه.
3Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, laakiinse ma uu samayn sidii awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale; wuxuuse sameeyey kulli wixii aabbihiis Yoo'aash sameeyey oo kale.
4الا ان المرتفعات لم تنتزع بل كان الشعب لا يزالون يذبحون ويوقدون على المرتفعات.
4Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadku weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen meelihii sarsare.
5ولما تثبتت المملكة بيده قتل عبيده الذين قتلوا الملك اباه.
5Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
6ولكنه لم يقتل ابناء القاتلين حسب ما هو مكتوب في سفر شريعة موسى حيث أمر الرب قائلا لا يقتل الآباء من اجل البنين والبنون لا يقتلون من اجل الآباء. انما كل انسان يقتل بخطيته.
6Laakiinse gacankudhiiglayaasha carruurtoodii ma uu dilin; oo wuxuu yeelay sida ku qoran kitaabkii sharcigii Muuse sidii Rabbigu amray, isagoo leh, Aabbayaasha yaan loo dilin carruurtooda, carruurtana yaan loo dilin aabbayaashood; laakiinse nin waluba dembigiisa ha u dhinto.
7هو قتل من ادوم في وادي الملح عشرة آلاف واخذ سالع بالحرب ودعا اسمها يقتئيل الى هذا اليوم
7Oo Dooxadii Cusbada wuxuu reer Edom kaga laayay toban kun oo nin, oo Selacna dagaal buu ku qabsaday, oo wuxuu magaceedii u bixiyey Yoqte'eel, ilaa maantadanna waa loo yaqaan.
8حينئذ ارسل امصيا رسلا الى يهواش بن يهوآحاز بن ياهو ملك اسرائيل قائلا هلم نتراء مواجهة.
8Markaasaa Amasyaah wargeeyayaal u diray Yehoo'aash oo ahaa ina Yehoo'aaxaas ina Yeehuu oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Car kaalay aynu iska hor nimaadnee.
9فارسل يهوآش ملك اسرائيل الى امصيا ملك يهوذا قائلا. العوسج الذي في لبنان ارسل الى الارز الذي في لبنان يقول اعط ابنتك لابني امرأة. فعبر حيوان بري كان في لبنان وداس العوسج.
9Kolkaasaa Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil u cid diray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, oo wuxuu ku yidhi, Yamaaruggii Lubnaan ku yiil wuxuu u cid diray geedkii kedarka ah oo Lubnaan ku yiil, oo wuxuu ku yidhi, Gabadhaada sii wiilkaygu ha guursadee; oo waxaa halkaas soo maray bahal Lubnaan joogay, markaasuu yamaaruggii ku joogsaday.
10انك قد ضربت ادوم فرفعك قلبك. تمجد واقم في بيتك. ولماذا تهجم على الشر فتسقط انت ويهوذا معك.
10Hubaal reer Edom baad laysay, waanad isla weynaatay, haddaba faan oo dalkaaga iska joog, waayo, bal maxaad belaayo isugu soo jiidaysaa oo aad adiga iyo dadka Yahuudahba u wada dhacaysaan?
11فلم يسمع امصيا فصعد يهوآش ملك اسرائيل وتراءيا مواجهة هو وامصيا ملك يهوذا في بيت شمس التي ليهوذا.
11Laakiinse Amasyaah taas wuu maqli waayay. Markaasuu Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil soo kacay, oo isagii iyo Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah waxay iskaga hor yimaadeen Beytshemesh oo uu dadka Yahuudah leeyahay.
12فانهزم يهوذا امام اسرائيل وهربوا كل واحد الى خيمته.
12Oo dadka Israa'iil way ka adkaadeen dadka Yahuudah, oo nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.
13واما امصيا ملك يهوذا ابن يهوآش بن اخزيا فامسكه يهوآش ملك اسرائيل في بيت شمس وجاء الى اورشليم وهدم سور اورشليم من باب افرايم الى باب الزاوية اربع مئة ذراع.
13Oo Yehoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil ayaa Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah kaasoo ahaa ina Yehoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, ku qabtay Beytshemesh, oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu dumiyey derbigii Yeruusaalem tan iyo iriddii Efrayim iyo ilaa iriddii geeska ahayd, intaasoo ahayd afar boqol oo dhudhun.
14واخذ كل الذهب والفضة وجميع الآنية الموجودة في بيت الرب وفي خزائن بيت الملك والرهناء ورجع الى السامرة.
14Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.
15وبقية امور يهوآش التي عمل وجبروته وكيف حارب امصيا ملك يهوذا أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك اسرائيل.
15Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
16ثم اضطجع يهوآش مع آبائه ودفن في السامرة مع ملوك اسرائيل وملك يربعام ابنه عوضا عنه
16Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
17وعاش امصيا بن يوآش ملك يهوذا بعد وفاة يهوآش بن يهوآحاز ملك اسرائيل خمس عشرة سنة.
17Oo Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah shan iyo toban sannadood buu sii noolaa markii Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil uu dhintay dabadeed.
18وبقية امور امصيا أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك يهوذا.
18Haddaba Amasyaah falimihiisii kale sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
19وفتنوا عليه فتنة في اورشليم فهرب الى لخيش فارسلوا وراءه الى لخيش وقتلوه هناك.
19Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
20وحملوه على الخيل فدفن في اورشليم مع آبائه في مدينة داود.
20Markaasay isagii fardo ku keeneen, oo awowayaashiis ayaa lagula aasay Yeruusaalem oo ah magaaladii Daa'uud.
21واخذ كل شعب يهوذا عزريا وهو ابن ست عشرة سنة وملّكوه عوضا عن ابيه امصيا.
21Oo dadkii Yahuudah oo dhammu waxay soo kaxaysteen Casaryaah oo lix iyo toban sannadood jiray, oo isagay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis Amasyaah.
22هو بنى ايلة واستردها ليهوذا بعد اضطجاع الملك مع آبائه
22Oo isna Eelad wuu dhisay oo dalka Yahuudah u soo celiyey markii boqorkii dhintay oo la seexday awowayaashiis dabadeed.
23في السنة الخامسة عشرة لامصيا بن يوآش ملك يهوذا ملك يربعام بن يوآش ملك اسرائيل في السامرة احدى واربعين سنة.
23Amasyaah ina Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii shan iyo tobnaad ayaa Yaaraabcaam ina Yoo'aash dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa kow iyo afartan sannadood.
24وعمل الشر في عيني الرب. لم يحد عن شيء من خطايا يربعام بن نباط الذي جعل اسرائيل يخطئ.
24Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey oo dhan.
25هو رد تخم اسرائيل من مدخل حماة الى بحر العربة حسب كلام الرب اله اسرائيل الذي تكلم به عن يد عبده يونان بن أمتّاي النبي الذي من جتّ حافر.
25Oo wuxuu soo celiyey soohdintii dalka Israa'iil tan iyo meesha laga galo Xamaad iyo tan iyo badda Caraabaah, taasuna waa siduu ahaa Eraygii Rabbiga ah Ilaaha dadka Israa'iil ee uu kaga hadlay addoonkiisii ahaa Nebi Yoonis ina Amitay oo ahaa reer Gad Heefer.
26لان الرب رأى ضيق اسرائيل مرّا جدا. لانه لم يكن محجوز ولا مطلق وليس معين لاسرائيل.
26Waayo, Rabbigu wuxuu arkay dhibaatadii ay dadkii Israa'iil ku jireen inay aad u qadhaadhayd, waayo, ma jirin mid xidhan iyo mid furan toona, mana jirin mid dadkii Israa'iil u kaalmeeya.
27ولم يتكلم الرب بمحو اسم اسرائيل من تحت السماء فخلصهم بيد يربعام ابن يوآش.
27Rabbigu ma uu odhan, Magaca dadka Israa'iil waan ka baabbi'inayaa samada hoosteeda. Laakiinse iyagii wuxuu ku badbaadiyey Yaaraabcaam ina Yoo'aash.
28وبقية امور يربعام وكل ما عمل وجبروته كيف حارب وكيف استرجع الى اسرائيل دمشق وحماة التي ليهوذا أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك اسرائيل.
28Haddaba Yaaraabcaam falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii, iyo siduu u dagaallamay, iyo siduu dalka Israa'iil ugu soo celiyey Dimishaq iyo Xamaad oo ay dadkii Yahuudah lahaayeen sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.
29ثم اضطجع يربعام مع آبائه مع ملوك اسرائيل وملك زكريا ابنه عوضا عنه
29Markaasaa Yaaraabcaam dhintay oo la seexday awowayaashiis kuwaasoo ahaa boqorradii dalka Israa'iil, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Sekaryaah.