الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Kings

18

1وفي السنة الثالثة لهوشع بن ايلة ملك اسرائيل ملك حزقيا بن آحاز ملك يهوذا.
1Haddaba Hoosheeca ina Eelaah oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii saddexaad ayaa Xisqiyaah ina Aaxaas dalka Yahuudah boqor ka noqday.
2كان ابن خمس وعشرين سنة حين ملك وملك تسعا وعشرين سنة في اورشليم. واسم امه أبي ابنة زكريا.
2Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray shan iyo labaatan sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ka ahaa sagaal iyo labaatan sannadood, oo hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Abii ina Sekaryaah.
3وعمل المستقيم في عيني الرب حسب كل ما عمل داود ابوه.
3Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa ku qumman, sidii dhammaan awowgiis Daa'uud sameeyey oo kale.
4هو ازال المرتفعات وكسّر التماثيل وقطّع السواري وسحق حية النحاس التي عملها موسى لان بني اسرائيل كانوا الى تلك الايام يوقدون لها ودعوها نحشتان.
4Wuxuu dumiyey meelihii sarsare, tiirarkiina wuu jejebiyey, geedihii Asheeraahna wuu jaray; oo wuxuu kaloo burburiyey abeesadii naxaasta ahayd oo Muuse sameeyey, waayo, ilaa wakhtigaas dadkii Israa'iil foox bay u shidi jireen, oo isna wuxuu magaceedii u bixiyey Nexushtaan.
5على الرب اله اسرائيل اتكل وبعده لم يكن مثله في جميع ملوك يهوذا ولا في الذين كانوا قبله.
5Oo wuxuu isku halleeyey Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil; oo dabadiis boqorradii dalka Yahuudah oo dhan laguma arag mid isagii la mid ah, hortiisna ma jirin.
6والتصق بالرب ولم يحد عنه بل حفظ وصاياه التي أمر بها الرب موسى.
6Waayo, Rabbiguu xajistay, oo lasocodkiisiina kama uu tegin, laakiinse wuxuu dhawray amarradiisii uu Rabbigu Muuse ku amray.
7وكان الرب معه وحيثما كان يخرج كان ينجح وعصى على ملك اشور ولم يتعبد له.
7Oo Rabbigu isaga wuu la jiray, oo meel alla meeshuu tegeyba wuu ku liibaanay, oo wuxuu ka fallaagoobay boqorkii Ashuur oo umana adeegin.
8هو ضرب الفلسطينيين الى غزّة وتخومها من برج النواطير الى المدينة المحصّنة
8Oo reer Falastiinna wuxuu ku laayay Gaasa iyo soohdimaheeda, iyo tan iyo munaaraddii waardiyayaasha iyo ilaa magaaladii deyrka lahayd.
9وفي السنة الرابعة للملك حزقيا وهي السنة السابعة لهوشع بن ايلة ملك اسرائيل صعد شلمنأسر ملك اشور على السامرة وحاصرها.
9Oo sannaddii afraad ee Boqor Xisqiyaah, taasoo ahayd sannaddii toddobaad ee Hoosheeca ina Eelaah oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa ayuu Shalmaneser oo ahaa boqorkii Ashuur Samaariya ku kacay oo hareereeyey.
10واخذوها في نهاية ثلاث سنين ففي السنة السادسة لحزقيا وهي السنة التاسعة لهوشع ملك اسرائيل أخذت السامرة.
10Oo saddex sannadood dabadeedna way qabsadeen, taasuna waxay ahayd Xisqiyaah sannaddiisii lixaad, oo ahayd Hoosheeca oo boqorkii dalka Israa'iil ahaa sannaddiisii sagaalaad markii Samaariya la qabsaday.
11وسبى ملك اشور اسرائيل الى اشور ووضعهم في حلح وخابور نهر جوزان وفي مدن مادي
11Markaasaa boqorkii Ashuur kaxaystay dadkii Israa'iil oo wuxuu dejiyey Xalax iyo Xaaboor oo webiga Goosaan ag ahaa, iyo magaalooyinkii reer Maaday,
12لانهم لم يسمعوا لصوت الرب الههم بل تجاوزوا عهده وكل ما امر به موسى عبد الرب فلم يسمعوا ولم يعملوا
12maxaa yeelay, ma ay addeecin codkii Rabbiga Ilaahooda ahaa, laakiinse way ku xadgudbeen axdigiisii iyo dhammaan wixii uu midiidinkii Rabbiga oo Muuse ahaa ku amray; ma ay maqlin, mana ay samayn.
13وفي السنة الرابعة عشرة للملك حزقيا صعد سنحاريب ملك اشور على جميع مدن يهوذا الحصينة واخذها.
13Haddaba Boqor Xisqiyaah sannaddiisii afar iyo tobnaad ayaa Seenxeeriib oo ahaa boqorkii Ashuur ku kacay magaalooyinkii deyrka lahaa oo dalka Yahuudah oo dhan, wuuna qabsaday.
14وارسل حزقيا ملك يهوذا الى ملك اشور الى لخيش يقول قد اخطأت. ارجع عني ومهما جلعت عليّ حملته. فوضع ملك اشور على حزقيا ملك يهوذا ثلاث مئة وزنة من الفضة وثلاثين وزنة من الذهب.
14Markaasaa Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ayaa boqorkii Ashuur ugu cid diray Laakiish, oo wuxuu yidhi, Xumaan baan sameeyey, haddaba iga noqo, oo anna wixii aad i saarto waan aqbalayaa. Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu boqorkii dalka Yahuudah saaray saddex boqol oo talanti oo lacag ah iyo soddon talanti oo dahab ah.
15فدفع حزقيا جميع الفضة الموجودة في بيت الرب وفي خزائن بيت الملك.
15Markaasaa Xisqiyaah wuxuu isagii siiyey kulli lacagtii laga helay gurigii Rabbiga iyo khasnadihii gurigii boqorka oo dhanba.
16وفي ذلك الزمان قشر حزقيا الذهب عن ابواب هيكل الرب والدعائم التي كان قد غشّاها حزقيا ملك يهوذا ودفعه لملك اشور
16Oo waagaasaa Xisqiyaah dahabkii ka jaray albaabbadii gurigii Rabbiga iyo tiirarkiiba, kuwaasoo uu Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah ku dahaadhay, oo wuxuu siiyey boqorkii Ashuur.
17وارسل ملك اشور ترتان وربساريس وربشاقى من لخيش الى الملك حزقيا بجيش عظيم الى اورشليم فصعدوا واتوا الى اورشليم. ولما صعدوا جاءوا ووقفوا عند قناة البركة العليا التي في طريق حقل القصّار.
17Markaasaa boqorkii Ashuur wuxuu Laakiish ka diray Tartaan iyo Rab Saariis iyo Rabshaaqeeh oo ciidan faro badan wata, oo wuxuu iyaga Boqor Xisqiyaah ugu diray Yeruusaalem. Oo iyana intay kaceen ayay Yeruusaalem tageen. Oo markay yimaadeen waxay is-ag taageen biyomareenkii balliga sare kaasoo ku dhex yiil waddada berrinkii dharmaydhaha.
18ودعوا الملك فخرج اليهم إلياقيم بن حلقيا الذي على البيت وشبنة الكاتب ويواخ بن آساف المسجّل
18Oo markay boqorkii u yeedheen waxaa iyagii u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo u sarreeyey reerkii boqorka, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo ahaa taariikhqorihii.
19فقال لهم ربشاقى. قولوا لحزقيا. هكذا يقول الملك العظيم ملك اشور. ما الاتكال الذي اتكلت.
19Markaasaa Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Waxaad Xisqiyaah haddeer ku tidhaahdaan, Boqorka weyn ee boqorka Ashuur ah wuxuu kugu leeyahay, War waxaad ku kalsoon tahay oo aad isku hallaynaysaa waa maxay?
20قلت انما كلام الشفتين هو مشورة وبأس للحرب. والآن على من اتكلت حتى عصيت عليّ.
20Adigu waxaad leedahay, Dagaalka waxaa loo hayaa talo iyo xoog, laakiinse afka uun baad ka tidhi. Haddaba waadiga iga fallaagoobaye bal yaad isku hallaynaysaa?
21فالآن هوذا قد اتكلت على عكّاز هذه القصبة المرضوضة على مصر التي اذ توكأ احد عليها دخلت في كفّه وثقبتها. هكذا هو فرعون ملك مصر لجميع المتكلين عليه.
21Bal ogow, waxaad isku hallaynaysaa oo ul ahaan u qaadanaysaa cawsduurkan burburay, kaasoo ah Masar, oo isna haddii nin ku tiirsado gacantuu ka galaa oo ka mudaa; oo boqorka Masar oo Fircoon ahu saasoo kaluu u yahay kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
22واذا قلتم لي. على الرب الهنا اتكلنا. أفليس هو الذي ازال حزقيا مرتفعاته ومذابحه وقال ليهوذا ولاورشليم امام هذا المذبح تسجدون في اورشليم.
22Laakiinse haddaad igu tidhaahdaan, Waxaannu isku hallaynaynaa Rabbiga Ilaahayaga ah, miyuusan isagu ahayn kii meelihiisii sarsare iyo meelihiisii allabarigaba uu Xisqiyaah wada dumiyey isagoo dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba ku leh, Meeshan allabariga ee Yeruusaalem ku taal horteeda waa inaad Ilaah ku caabuddaan?
23والآن راهن سيدي ملك اشور فاعطيك الفي فرس ان كنت تقدر ان تجعل عليها راكبين.
23Haddaba waan ku baryayaaye bal sharad la dhigo sayidkayga oo ah boqorka Ashuur, haddaba waxaan ku siin doonaa laba kun oo faras, haddaad rag fuula u heli kartid.
24فكيف ترد وجه وال واحد من عبيد سيدي الصغار وتتكل على مصر لاجل مركبات وفرسان.
24Bal sidee baad u celin kartaa sirkaal ka mid ah kuwa ugu yaryar ee addoommada sayidkayga ah, oo sidee baad Masar isugu hallaynaysaa inay ku siinayso gaadhifardood iyo rag fardooley ah?
25والآن هل بدون الرب صعدت على هذا الموضع لاخربه. الرب قال لي اصعد على هذه الارض واخربها
25Haddaba miyaan Rabbiga la'aantiis ugu kacay meeshan inaan baabbi'iyo? Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dalkaas ku kac oo soo baabbi'i.
26فقال الياقيم بن حلقيا وشبنة ويواخ لربشاقى كلم عبيدك بالارامي لاننا نفهمه ولا تكلمنا باليهودي في مسامع الشعب الذين على السور.
26Markaasaa Elyaaqiim ina Xilqiyaah iyo Shebnaa iyo Yoo'aax waxay Rabshaaqeeh ku yidhaahdeen, Waan ku baryaynaaye nagula hadal afka reer Suuriya, annagoo addoommadaada ah, isagaannu garanaynaa; oo ha nagula hadlin afka Yuhuudda iyadoo dadka derbiga dul jooga ay na maqlayaan.
27فقال لهم ربشاقى هل الى سيدك واليك ارسلني سيدي لكي اتكلم بهذا الكلام. أليس الى الرجال الجالسين على السور ليأكلوا عذرتهم ويشربوا بولهم معكم.
27Laakiinse Rabshaaqeeh wuxuu iyagii ku yidhi, Sayidkaygu ma wuxuu ii soo diray inaan sayidkiinna iyo idinka eryadan kula hadlo? Sow iima uu soo dirin nimanka derbiga dul joogaa inay xaarkooda cunaan oo ay kaadidooda idinla cabbaan?
28ثم وقف ربشاقى ونادى بصوت عظيم باليهودي وتكلم قائلا. اسمعوا كلام الملك العظيم ملك اشور.
28Markaasuu Rabshaaqeeh istaagay, oo intuu cod weyn ku qayliyey ayuu afka Yuhuudda ku hadlay oo yidhi, War maqla eraygii boqorka weyn ee ah boqorka Ashuur.
29هكذا يقول الملك. لا يخدعكم حزقيا لانه لا يقدر ان ينقذكم من يده.
29Boqorkii wuxuu idinku leeyahay, Xisqiyaah yuusan idin khiyaanayn, waayo, isagu ma uu awoodi doono inuu gacantiisa idinka samatabbixiyo.
30ولا يجعلكم حزقيا تتكلون على الرب قائلا انقاذا ينقذنا الرب ولا تدفع هذه المدينة الى يد ملك اشور.
30Oo weliba Xisqiyaah yuusan Rabbiga idin aaminsiin isagoo leh, Hubaal Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa, oo magaaladan laguma ridi doono gacanta boqorka Ashuur.
31لا تسمعوا لحزقيا. لانه هكذا يقول ملك اشور. اعقدوا معي صلحا واخرجوا اليّ وكلوا كل واحد من جفنته وكل واحد من تينته واشربوا كل واحد ماء بئره
31Haddaba Xisqiyaah ha maqlina, waayo, boqorkii Ashuur wuxuu leeyahay, Nabad ila dhigta, oo ii soo baxa, oo midkiin waluba wax ha ka cuno canabkiisa iyo geedkiisa berde, oo midkiin waluba ha cabbo biyaha ceelkiisa,
32حتى آتي واخذكم الى ارض كارضكم ارض حنطة وخمر ارض خبز وكروم ارض زيتون وعسل واحيوا ولا تموتوا ولا تسمعوا لحزقيا لانه يغرّكم قائلا الرب ينقذنا.
32intaanan iman oo idiin kaxayn dal dalkiinna la mid ah, oo ah dal hadhuudh iyo khamri leh, oo ah dal cunto iyo beerocanab leh, oo ah dal saliid saytuun iyo malab leh inaad noolaataan oo aydnaan dhiman. Oo Xisqiyaah ha maqlina markuu idinku sasabayo oo idin leeyahay, Rabbigu waa ina samatabbixin doonaa.
33هل انقذ آلهة الامم كل واحد ارضه من يد ملك اشور.
33Bal quruumaha ilaahyadoodii midkoodna miyuu weligiis dalkiisa ka samatabbixiyey gacanta boqorka Ashuur?
34اين آلهة حماة وارفاد. اين آلهة سفروايم وهينع وعوّا. هل انقذوا السامرة من يدي.
34Bal meeye ilaahyadii Xamaad iyo Arfaad? Oo meeye ilaahyadii Sefarwayiim iyo Xeenac iyo Ciwaah? Iyagu miyey Samaariya ka samatabbixiyeen gacantayda?
35من من كل آلهة الاراضي انقذ ارضهم من يدي حتى ينقذ الرب اورشليم من يدي.
35Bal waa kuwee kuwa ku jira ilaahyada dalalka oo dhan oo dalkooda ka samatabbixiyey gacantayda? Haddaba Rabbigu sidee buu Yeruusaalem gacantayda uga samatabbixin karaa?
36فسكت الشعب ولم يجيبوه بكلمة لان أمر الملك كان قائلا لا تجيبوه.
36Laakiinse dadkii way iska aamuseen oo xataa eray keliya uguma ay jawaabin, waayo, boqorku wuxuu ku amray oo yidhi, Ha u jawaabina.Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.
37فجاء الياقيم بن حلقيا الذي على البيت وشبنة الكاتب ويواخ بن آساف المسجّل الى حزقيا وثيابهم ممزقة فاخبروه بكلام ربشاقى
37Markaasaa waxaa Xisqiyaah u yimid Elyaaqiim ina Xilqiyaah oo reerka boqorka u sarreeyey, iyo Shebnaa oo karraanigii ahaa, iyo Yoo'aax ina Aasaaf oo taariikhqorihii ahaa, iyagoo dhar jeexjeexan, oo waxay isagii u sheegeen Rabshaaqeeh erayadiisii.