1وكلم اليشع المرأة التي احيا ابنها قائلا قومي وانطلقي انت وبيتك وتغرّبي حيثما تتغربي. لان الرب قد دعا بجوع فيأتي ايضا على الارض سبع سنين.
1Markaasaa Eliishaa la hadlay naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey oo wuxuu ku yidhi, Sara joogso oo tag, adiga iyo reerkaagiiba, oo waxaad degtaa meel alla meeshii aad degi karto, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu amray in dalka abaaru ku dhacdo, oo waxay dalka joogi doontaa toddoba sannadood.
2فقامت المرأة وفعلت حسب كلام رجل الله وانطلقت هي وبيتها وتغربت في ارض الفلسطينيين سبع سنين
2Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.
3وفي نهاية السنين السبع رجعت المرأة من ارض الفلسطينيين وخرجت لتصرخ الى الملك لاجل بيتها وحقلها.
3Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.
4وكلم الملك جيحزي غلام رجل الله قائلا قص عليّ جميع العظائم التي فعلها اليشع.
4Markaasna boqorku wuxuu la hadlayay Geexasii oo ahaa midiidinkii ninkii Ilaah, oo wuxuu ku lahaa, Waxaan kaa baryayaa inaad ii sheegto waxyaalihii waaweynaa oo Eliishaa sameeyey oo dhan.
5وفيما هو يقص على الملك كيف انه احيا الميت اذا بالمرأة التي احيا ابنها تصرخ الى الملك لاجل بيتها ولاجل حقلها. فقال جيحزي يا سيدي الملك هذه هي المرأة وهذا هو ابنها الذي احياه اليشع.
5Intuu boqorkii uga warramayay sidii uu u soo noolaysiiyey mid meyd ahaa, bal eeg, naagtii uu wiilkeeda soo noolaysiiyey ayaa boqorkii ugu qayshatay gurigeedii iyo dhulkeedii. Oo Geexasiina wuxuu yidhi, Sayidkaygiiyow, boqorow, tanu waa naagtii, kanuna waa wiilkeedii Eliishaa soo noolaysiiyey.
6فسأل الملك المرأة فقصت عليه ذلك. فاعطاها الملك خصيا قائلا ارجع كل ما لها وجميع غلات الحقل من حين تركت الارض الى الآن
6Oo boqorkiina markuu naagtii saas weyddiiyey ayay iyana u sheegtay. Markaasaa boqorkii iyadii u amray sirkaal oo ku yidhi, U wada celi wax alla wixii ay lahayd oo dhan, iyo weliba midhihii beerteeda ka baxay tan iyo maalintii ay dalka ka tagtay iyo ilaa haddeer.
7وجاء اليشع الى دمشق. وكان بنهدد ملك ارام مريضا. فأخبر وقيل له قد جاء رجل الله الى هنا.
7Oo Benhadad oo ahaa boqorkii Suuriya isagoo buka ayaa Eliishaa Dimishaq yimid, oo waa loo sheegay oo waxaa lagu yidhi, War ninkii Ilaah waa yimid.
8فقال الملك لحزائيل خذ بيدك هدية واذهب لاستقبال رجل الله واسأل الرب به قائلا هل اشفى من مرضي هذا.
8Markaasaa boqorkii Xasaa'eel ku yidhi, Hadiyad qaad, oo waxaad ka hor tagtaa ninka Ilaah, oo Rabbiga wax iiga soo weyddii, oo waxaad ku tidhaahdaa, Boqorku ma cudurkuu ka bogsanayaa?
9فذهب حزائيل لاستقباله واخذ هدية بيده ومن كل خيرات دمشق حمل اربعين جملا وجاء ووقف امامه وقال ان ابنك بنهدد ملك ارام قد ارسلني اليك قائلا هل اشفى من مرضي هذا.
9Markaasaa Xasaa'eel tegey inuu isagii ka hor tago oo wuxuu qaaday hadiyad ah Dimishaq wax alla waxeedii wanaagsanaa oo dhan oo afartan rati ku raran, oo intuu u yimid ayuu soo hor istaagay oo yidhi, Waxaa ii soo kaa diray wiilkaagii Benhadad oo ah boqorkii Suuriya, oo wuxuu leeyahay, Miyaan cudurkan ka bogsanayaa?
10فقال له اليشع اذهب وقل له شفاء تشفى. وقد اراني الرب انه يموت موتا.
10Markaasaa Eliishaa wuxuu isagii ku yidhi, Tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Hubaal waad bogsanaysaa; habase yeeshee Rabbigu wuxuu i tusay inuu hubaal dhimanayo.
11فجعل نظره عليه وثبّته حتى خجل. فبكى رجل الله.
11Oo isna wuu ku dhaygagay ilaa uu isku yaxyaxay; markaasaa ninkii Ilaah ooyay.
12فقال حزائيل لماذا يبكي سيدي. فقال لاني علمت ما ستفعله ببني اسرائيل من الشر فانك تطلق النار على حصونهم وتقتل شبانهم بالسيف وتحطم اطفالهم وتشقّ حواملهم.
12Markaasaa Xasaa'eel ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad u ooyaysaa? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Maxaa yeelay, waxaan ogahay xumaanta aad dadka Israa'iil ku samayn doonto; waayo, qalcadahooda dab baad ku dhejin doontaa, oo raggooda dhallinyarada ahna seef baad ku wada layn doontaa, oo dhallaankoodana dhulkaad ku tuuri doontaa, oo naagahooda uurka lehna waad dooxi doontaa.
13فقال حزائيل ومن هو عبدك الكلب حتى يفعل هذا الأمر العظيم. فقال اليشع قد اراني الرب اياك ملكا على ارام.
13Markaasaa Xasaa'eel yidhi, War sidee baan anigoo addoonkaaga ah oo aan eey waxba dhaamin waxyaalahan waaweyn u samayn doonaa? Markaasaa Eliishaa wuxuu ugu jawaabay, Rabbigu wuxuu i tusay inaad noqon doontid boqor Suuriya u taliya.
14فانطلق من عند اليشع ودخل الى سيده فقال له ماذا قال لك اليشع. فقال قال لي انك تحيا.
14Markaasuu Eliishaa ka tegey oo wuxuu u yimid sayidkiisii isaga ku yidhi, War maxaa Eliishaa kugu soo yidhi? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wuxuu ii sheegay inaad hubaal bogsanaysid.
15وفي الغد اخذ اللبدة وغمسها بالماء ونشرها على وجهه ومات وملك حزائيل عوضا عنه
15Oo maalintii ku xigtay ayuu maro qaaday oo biyo dhex geliyey, markaasuu wejiga boqorka ku deday wuuna dhintay; oo meeshiisiina Xasaa'eel ayaa boqor ka noqday.
16وفي السنة الخامسة ليورام بن اخآب ملك اسرائيل ويهوشافاط ملك يهوذا ملك يهورام بن يهوشافاط ملك يهوذا.
16Yooraam oo ahaa ina Axaab boqorkii dalka Israa'iil sannaddiisii shanaad, oo Yehooshaafaadna dalka Yahuudah boqorka ka ahaa, ayaa Yehooraam ina Yehooshaafaad dalka Yahuudah boqor ka noqday.
17كان ابن اثنتين وثلاثين سنة حين ملك وملك ثماني سنين في اورشليم.
17Oo markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo soddon sannadood, siddeed sannadoodna boqor buu ku ahaa Yeruusaalem.
18وسار في طريق ملوك اسرائيل كما فعل بيت اخآب لان بنت اخآب كانت له امرأة. وعمل الشر في عيني الرب.
18Oo wuxuu ku socday jidkii ay boqorradii dalka Israa'iil mareen, sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, wuxuu qabay Axaab gabadhiisii; oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah.
19ولم يشإ الرب ان يبيد يهوذا من اجل داود عبده كما قال انه يعطيه سراجا ولبنيه كل الايام.
19Habase yeeshee Rabbigu ma uu doonaynin inuu dalka Yahuudah baabbi'iyo, sababtuna waa addoonkiisii Daa'uud aawadiis, waayo, wuxuu u ballanqaaday inuu isaga iyo carruurtiisa had iyo goorba laambad siiyo.
20وفي ايامه عصى ادوم من تحت يد يهوذا وملّكوا على انفسهم ملكا.
20Oo wakhtigiisii ayaa reer Edom ka fallaagoobay dadka Yahuudah, oo iyana waxay yeesheen boqor u taliya.
21وعبر يورام الى صعير وجميع المركبات معه وقام ليلا وضرب ادوم المحيط به ورؤساء المركبات وهرب الشعب الى خيامهم.
21Markaasaa Yooraam u gudbay xagga Saaciir, isagoo wata gaadhifardoodkiisii oo dhan; oo intuu habeennimo kacay ayuu laayay reer Edom oo hareereeyey isaga iyo saraakiishii gaadhifardoodka, dadkiina waxay ku carareen teendhooyinkoodii.
22وعصى ادوم من تحت يد يهوذا الى هذا اليوم. حينئذ عصت لبنة في ذلك الوقت.
22Reer Edomna way ka fallaagoobeen oo way ka hoos baxeen gacantii dadka Yahuudah ilaa maantadan la joogo. Oo haddana isla markaasba waxaa kaloo ka fallaagoobay reer Libnaah.
23وبقية امور يورام وكل ما صنع أما هي مكتوبة في سفر اخبار الايام لملوك يهوذا.
23Oo Yooraam falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
24واضطجع يورام مع آبائه ودفن مع آبائه في مدينة داود وملك اخزيا ابنه عوضا عنه
24Markaasaa Yooraam dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Axasyaah.
25في السنة الثانية عشرة ليورام بن اخآب ملك اسرائيل ملك اخزيا بن يهورام ملك يهوذا.
25Oo boqorkii dalka Israa'iil oo ahaa Yooraam ina Axaab sannaddiisii laba iyo tobnaad ayaa Axasyaah ina Yehooraam dalka Yahuudah boqor ka noqday.
26كان اخزيا ابن اثنتين وعشرين سنة حين ملك وملك سنة واحدة في اورشليم. واسم امه عثليا بنت عمري ملك اسرائيل.
26Oo Axasyaah markuu boqor noqday wuxuu jiray laba iyo labaatan sannadood, oo sannad ayuu Yeruusaalem boqor ka ahaa. Hooyadiisna magaceeda waxaa la odhan jiray Catalyaah, oo waxay ahayd ina Coomrii oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil.
27وسار في طريق بيت اخآب وعمل الشر في عيني الرب كبيت اخآب لانه كان صهر بيت اخآب.
27Oo wuxuu ku socday jidkii reerkii Axaab maray, oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah sidii reerkii Axaab yeelay oo kale, waayo, isaga waxaa soddog u ahaa Axaab.
28وانطلق مع يورام بن اخآب لمقاتلة حزائيل ملك ارام في راموت جلعاد فضرب الاراميون يورام.
28Oo wuxuu raacay Yooraam oo ahaa ina Axaab inay Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya kula diriraan Raamod Gilecaad; oo reer Suuriyana Yooraam bay dhaawaceen.Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.
29فرجع يورام الملك ليبرأ في يزرعيل من الجروح التي جرحه بها الاراميون في راموت عند مقاتلته حزائيل ملك ارام. ونزل اخزيا بن يهورام ملك يهوذا ليرى يورام بن اخآب في يزرعيل لانه كان مريضا
29Oo Boqor Yooraamna wuxuu ku noqday Yesreceel in laga soo daweeyo nabrihii ay reer Suuriya Raamaah kaga dhufteen markuu la diriray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya. Markaasaa Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah Yesreceel tegey inuu soo arko Yooraam ina Axaab, maxaa yeelay, dhaawac buu ahaa.