1وكان بعد موت شاول ورجوع داود من مضاربة العمالقة ان داود اقام في صقلغ يومين.
1Dhimashadii Saa'uul dabadeed, markii Daa'uud ka soo noqday layntii reer Camaaleq oo uu Daa'uud laba maalmood Siiqlag sii joogay
2وفي اليوم الثالث اذا برجل اتى من المحلّة من عند شاول وثيابه ممزقة وعلى راسه تراب. فلما جاء الى داود خرّ الى الارض وسجد.
2ayaa xataa maalintii saddexaad nin ka yimid xeradii Saa'uul isagoo maryo jeexjeexan, madaxana ciidu kaga taal, oo markuu Daa'uud u yimid ayuu dhulka ku dhacay oo sujuuday.
3فقال له داود من اين اتيت. فقال له من محلّة اسرائيل نجوت.
3Markaasaa Daa'uud ku yidhi, Xaggee baad ka timid? Markaasuu isna wuxuu yidhi, Waxaan ka soo baxsaday xeradii reer binu Israa'iil.
4فقال له داود كيف كان الامر. اخبرني. فقال ان الشعب قد هرب من القتال وسقط ايضا كثيرون من الشعب وماتوا ومات شاول ويوناثان ابنه ايضا.
4Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, sidee baa wax u dhaceen? Bal ii sheeg. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Dadkii dagaalkii way ka carareen, oo dadkii badidiisiina way le'deen; oo Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba waa dhinteen.
5فقال داود للغلام الذي اخبره كيف عرفت انه قد مات شاول ويوناثان ابنه.
5Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa, oo u soo warramay, War sidee baad u ogaatay in Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataanba ay dhinteen?
6فقال الغلام الذي اخبره اتفق اني كنت في جبل جلبوع واذا شاول يتوكأ على رمحه واذا بالمركبات والفرسان يشدّون وراءه.
6Markaasaa ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, wuxuu ku yidhi, Markaan si lamafilaan ah Buur Gilboca u soo gaadhay, waxaan arkay Saa'uul oo ku tiirsan warankiisii, gaadhifardoodkii iyo fardooleydiina aad bay u eryanayeen.
7فالتفت الى ورائه فرآني ودعاني فقلت هانذا.
7Oo markuu gadaashiisa dhugtay ayuu i arkay, oo ii yeedhay. Oo anna waxaan ugu jawaabay, Waa i kan.
8فقال لي من انت فقلت له عماليقي انا.
8Markaasuu igu yidhi, Yaad tahay? Oo anna waxaan ugu jawaabay, Nin reer Camaaleq ah baan ahay.
9فقال لي قف عليّ واقتلني لانه قد اعتراني الدوار لان كل نفسي بعد فيّ.
9Oo isna wuxuu igu yidhi, Waan ku baryayaaye, bal i soo ag joogso, oo i dil, waayo, wareer baa i haya; waayo, weli naftii waa igu jirtaa.
10فوقفت عليه وقتلته لاني علمت انه لا يعيش بعد سقوطه واخذت الاكليل الذي على راسه والسوار الذي على ذراعه واتيت بهما الى سيدي ههنا.
10Saas aawadeed waan ag joogsaday oo waan dilay, maxaa yeelay, waan hubay markuu dhacay dabadeed inuusan noolaanayn; oo markaasaan ka soo qaaday taajkii madaxa u saarnaa, iyo dugaagaddii gacanta ugu jirtay, waanan kuu keenay, sayidkaygiiyow.
11فامسك داود ثيابه ومزقها وكذا جميع الرجال الذين معه.
11Markaasaa Daa'uud dharkiisii jeexjeexay; oo raggii isaga la jiray oo dhammuna saasoo kalay wada yeeleen,
12وندبوا وبكوا وصاموا الى المساء على شاول وعلى يوناثان ابنه وعلى شعب الرب وعلى بيت اسرائيل لانهم سقطوا بالسيف.
12wayna u baroorteen, oo u ooyeen, oo u soomeen ilaa fiidkii Saa'uul, iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii Rabbiga, iyo reer binu Israa'iil aawadood; maxaa yeelay, seef bay ku le'deen.
13ثم قال داود للغلام الذي اخبره من اين انت. فقال انا ابن رجل غريب عماليقي.
13Kolkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah.
14فقال له داود كيف لم تخف ان تمد يدك لتهلك مسيح الرب.
14Daa'uudna wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan?
15ثم دعا داود واحدا من الغلمان وقال تقدم. اوقع به. فضربه فمات.
15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.
16فقال له داود دمك على راسك لان فمك شهد عليك قائلا انا قتلت مسيح الرب
16Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.
17ورثا داود بهذه المرثاة شاول ويوناثان ابنه
17Markaasaa Daa'uud baroortan ugu baroortay Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan,
18وقال ان يتعلم بنو يهوذا نشيد القوس هوذا ذلك مكتوب في سفر ياشر
18oo wuxuu ku amray inay carruurta dalka Yahuudah baraan gabayga qaansada; oo bal eeg, kaasu wuxuu ku qoran yahay kitaabka Yaashaar.
19الظبي يا اسرائيل مقتول على شوامخك. كيف سقط الجبابرة.
19Reer binu Israa'iilow, Ammaantiinnii waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare! Bal eega kuwa xoogga leh siday u dhaceen!
20لا تخبروا في جتّ. لا تبشروا في اسواق اشقلون لئلا تفرح بنات الفلسطينيين لئلا تشمت بنات الغلف.
20Haddaba taas Gad ha ku sheegina, Oo jidadka Ashqeloonna ha ku caddaynina; Waaba intaasoo ay naagaha reer Falastiin ku farxaane, Waaba intaasoo ay buuryoqabyada naagahoodu ku guulaystaane.
21يا جبال جلبوع لا يكن طل ولا مطر عليكنّ ولا حقول تقدمات لانه هناك طرح مجنّ الجبابرة مجنّ شاول بلا مسح بالدهن.
21Buuraha Gilbocow, Dharab iyo roob midna yaan laydinku arkin, beerihii qurbaanyadu ka bixi jireenna yaanay jirin, Waayo, kuwii xoogga lahaa gaashaankoodii ayaa halkaas lagu tuuray, Xataa gaashaankii Saa'uul oo ahaa sida mid aan saliid lagu subkin.
22من دم القتلى من شحم الجبابرة لم ترجع قوس يوناثان الى الوراء وسيف شاول لم يرجع خائبا.
22Kuwii la laayay dhiiggoodii, iyo kuwii xoogga lahaa xaydhoodii, Yoonaataan qaansadiisii dib ugama ay soo noqon, Oo Saa'uul seeftiisiina madhnaan kuma ay soo noqon.
23شاول ويوناثان المحبوبان والحلوان في حياتهما لم يفترقا في موتهما. اخف من النسور واشدّ من الأسود.
23Intay noolaayeen Saa'uul iyo Yoonaataan waxay ahaayeen kuwo la jecel yahay, oo macaan, Markay dhinteenna, lama kala geeyn, Gorgorrada way ka dheereeyeen, Libaaxyadana way ka xoog badnaayeen.
24يا بنات اسرائيل ابكين شاول الذي ألبسكنّ قرمزا بالتنعم وجعل حليّ الذهب على ملابسكنّ.
24Gabdhaha reer binu Israa'iilow, Saa'uul u ooya, Kii dhar cas si raaxa leh idiin huwiyey, Oo dharkiinnana dahab ku sharraxay.
25كيف سقط الجبابرة في وسط الحرب. يوناثان على شوامخك مقتول.
25Kuwii xoogga badnaa siday dagaalka ugu dhex dhaceen! Yoonaataan waxaa lagu dilay meelihiinna sarsare.
26قد تضايقت عليك يا اخي يوناثان. كنت حلوا لي جدا. محبتك لي اعجب من محبة النساء.
26Anigu daraaddaa baan u dhibtooday, walaalkay Yoonaataanow; Adigu aad baad iigu macaanayd, Oo jacaylkaad ii qabtay wuxuu ahaa mid yaab leh, Oo xataa caashaqa naagaha dhaafaya.Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!
27كيف سقط الجبابرة وبادت آلات الحرب
27Bal eeg kuwii xoogga badnaa siday u dhaceen, Hubkii dagaalkuna siduu u hallaabay!