1فارسل الرب ناثان الى داود. فجاء اليه وقال له. كان رجلان في مدينة واحدة واحد منهما غني والآخر فقير.
1Dabadeedna Rabbigu wuxuu Daa'uud u soo diray Naataan. Isna waa u yimid oo ku yidhi, Waxaa jiray laba nin oo isku magaalo degganaa; midkood wuxuu ahaa taajir, midka kalena miskiin.
2وكان للغني غنم وبقر كثيرة جدا.
2Ninkii taajirka ahaa wuxuu lahaa ido iyo lo' aad u badan,
3واما الفقير فلم يكن له شيء الا نعجة واحدة صغيرة قد اقتناها وربّاها وكبرت معه ومع بنيه جميعا. تاكل من لقمته وتشرب من كاسه وتنام في حضنه وكانت له كابنة.
3laakiinse ninkii miskiinka ahaa waxba ma lahayn, nayl yar mooyaane, taasoo uu mar hore soo iibsaday oo uu korsaday; waxayna la kortay isagii iyo carruurtiisii, oo wax bay ka cuntay cuntadiisii, oo koobkiisay wax kula cabtay, oo laabtiisay ku jiifsatay, waxayna u ahayd sidii gabadhiisii oo kale.
4فجاء ضيف الى الرجل الغني فعفا ان ياخذ من غنمه ومن بقره ليهيّئ للضيف الذي جاء اليه فاخذ نعجة الرجل الفقير وهيّأ للرجل الذي جاء اليه.
4Waxaa ninkii taajirka ahaa u yimid nin socoto ah, markaasuu ka lexejeclaystay idihiisii iyo lo'diisii inuu uga loogo ninkii socotada ahaa ee u yimid, laakiinse wuxuu soo qabtay nayshii ninka miskiinka ahaa, wuuna u qalay ninkii u yimid.
5فحمي غضب داود على الرجل جدا وقال لناثان حيّ هو الرب انه يقتل الرجل الفاعل ذلك
5Markaasaa Daa'uud aad ugu cadhooday ninkii; oo wuxuu Naataan ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartay, ninkii waxakan sameeyey wuxuu istaahilaa dhimasho,
6ويرد النعجة اربعة اضعاف لانه فعل هذا الامر ولانه لم يشفق
6oo nayshiina waa inuu afar jibbaar u gudaa, maxaa yeelay, waxan buu sameeyey wuuna naxariisan waayay.
7فقال ناثان لداود انت هو الرجل. هكذا قال الرب اله اسرائيل. انا مسحتك ملكا على اسرائيل وانقذتك من يد شاول
7Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,
8واعطيتك بيت سيدك ونساء سيدك في حضنك واعطيتك بيت اسرائيل ويهوذا وان كان ذلك قليلا كنت ازيد لك كذا وكذا.
8gurigii sayidkaagana waan ku siiyey, naagihii sayidkaagana laabtaadaan ku jiifiyey; dalkii Israa'iil iyo dalkii Yahuudahna waan ku siiyey; oo haddii intaasu kugu yaraydna waxaan kuugu dari lahaa waxyaalo kaloo ka sii badan.
9لماذا احتقرت كلام الرب لتعمل الشر في عينيه. قد قتلت اوريا الحثّي بالسيف واخذت امرأته لك امرأة واياه قتلت بسيف بني عمون.
9Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.
10والآن لا يفارق السيف بيتك الى الابد لانك احتقرتني واخذت امرأة اوريا الحثّي لتكون لك امرأة.
10Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.
11هكذا قال الرب هانذا اقيم عليك الشر من بيتك وآخذ نساءك امام عينيك واعطيهنّ لقريبك فيضطجع مع نسائك في عين هذه الشمس.
11Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.
12لانك انت فعلت بالسرّ وانا افعل هذا الأمر قدام جميع اسرائيل وقدام الشمس.
12Waayo, waxan qarsoodi baad u samaysay, laakiinse anigu bayaan baan ugu hor samaynayaa reer binu Israa'iil oo dhan iyo qorraxdaba.
13فقال داود لناثان قد اخطأت الى الرب. فقال ناثان لداود. الرب ايضا قد نقل عنك خطيتك. لا تموت.
13Markaasaa Daa'uud wuxuu Naataan ku yidhi, Anigu Rabbiga waan ku dembaabay. Oo Naataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Rabbigu dembigaagii wuu kaa fogeeyey; dhimanna maysid.
14غير انه من اجل انك قد جعلت بهذا الامر اعداء الرب يشمتون فالابن المولود لك يموت.
14Habase yeeshee waxaas aad samaysay aawadiis ayaad meel siisay cadaawayaashii Rabbiga inay caytamaan, taas aawadeed wiilka kuu dhashay hubaal wuu dhiman doonaa.
15وذهب ناثان الى بيته وضرب الرب الولد الذي ولدته امرأة اوريا لداود فثقل.
15Markaasaa Naataan gurigiisii tegey.
16فسأل داود الله من اجل الصبي وصام داود صوما ودخل وبات مضطجعا على الارض.
16Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay.
17فقام شيوخ بيته عليه ليقيموه عن الارض فلم يشأ ولم ياكل معهم خبزا.
17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.
18وكان في اليوم السابع ان الولد مات فخاف عبيد داود ان يخبروه بان الولد قد مات لانهم قالوا هوذا لما كان الولد حيّا كلمناه فلم يسمع لصوتنا. فكيف نقول له قد مات الولد. يعمل اشرّ.
18Oo maalintii toddobaad ayaa yarkii dhintay. Oo Daa'uud addoommadiisiina way ka cabsadeen inay Daa'uud u sheegaan in yarkii dhintay, waayo, waxay isyidhaahdeen, War intii yarku weli noolaa ayaynu isaga la hadalnay, oo isna codkeennii ma uu maqlin; haddaba haddaynu u sheegno in yarkii dhintay, intee in ka badan buu isdhibi doonaa?
19ورأى داود عبيده يتناجون ففطن داود ان الولد قد مات. فقال داود لعبيده هل مات الولد. فقالوا مات.
19Laakiinse Daa'uud markuu arkay inay addoommadiisii faqayaan ayuu ogaaday inuu yarkii dhintay; kolkaasaa Daa'uud addoommadiisii ku yidhi, War yarkii ma dhintay? Iyana waxay ku yidhaahdeen, Haah, wuu dhintay.
20فقام داود عن الارض واغتسل وادّهن وبدل ثيابه ودخل بيت الرب وسجد ثم جاء الى بيته وطلب فوضعوا له خبزا فأكل.
20Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.
21فقال له عبيده ما هذا الأمر الذي فعلت. لما كان الولد حيّا صمت وبكيت ولما مات الولد قمت واكلت خبزا.
21Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.
22فقال لما كان الولد حيّا صمت وبكيت لاني قلت من يعلم ربما يرحمني الرب ويحيا الولد.
22Markaasuu ku yidhi, Intii yarku noolaa ayaan soomay oo ooyay, waayo, waxaan is-idhi, Bal yaa og in Rabbigu ii roonaan doono iyo in kale si uu yarku iigu sii noolaado?
23والآن قد مات فلماذا اصوم. هل اقدر ان ارده بعد. انا ذاهب اليه واما هو فلا يرجع اليّ
23Laakiinse haatan wuu dhintay, haddaba bal maxaan u soomaa? Miyaan isagii soo celin karaa? Anigaa u tegi doona, laakiinse isagu iima soo noqon doono.
24وعزّى داود بثشبع امرأته ودخل اليها واضطجع معها فولدت ابنا فدعا اسمه سليمان والرب احبه
24Markaasaa Daa'uud qalbi qabowjiiyey naagtiisii Batshebac, oo intuu u tegey ayuu la seexday, markaasay wiil u dhashay, oo wuxuu magiciisii u bixiyey Sulaymaan. Kolkaasaa Rabbigu isagii jeclaaday,
25وارسل بيد ناثان النبي ودعا اسمه يديديّا من اجل الرب
25oo wuxuu u diray Nebi Naataan, magiciisiina wuxuu u bixiyey Yediidyaah, Rabbiga aawadiis.
26وحارب يوآب ربّة بني عمون واخذ مدينة المملكة.
26Markaasaa Yoo'aab la diriray Rabbaah oo ahayd magaaladii reer Cammoon, wuuna qabsaday magaaladii reer boqor.
27وارسل يوآب رسلا الى داود يقول قد حاربت ربّة واخذت ايضا مدينة المياه.
27Yoo'aabna wuxuu Daa'uud u diray wargeeyayaal, oo ku yidhi, Waxaan la diriray Rabbaah, waanan qabsaday magaaladii biyaha.
28فالآن اجمع بقية الشعب وانزل على المدينة وخذها لئلا آخذ انا المدينة فيدعى باسمي عليها.
28Haddaba dadka intiisa kale soo ururso, oo magaalada horteeda deg, oo qabso, waayo, waaba intaasoo intaan magaalada qabsado, laygu magacaabaaye.
29فجمع داود كل الشعب وذهب الى ربّة وحاربها واخذها.
29Markaasaa Daa'uud dadkii oo dhan soo urursaday, wuxuuna tegey ilaa Rabbaah, wuuna la diriray, oo qabsaday.
30واخذ تاج ملكهم عن راسه ووزنه وزنة من الذهب مع حجر كريم وكان على راس داود. واخرج غنيمة المدينة كثيرة جدا.
30Boqorkoodii madaxiisii ayuu taajkii ka qaaday, oo miisaankiisuna wuxuu ahaa talanti dahab ah, dhagxan qaali ahna wuu lahaa; markaasaa Daa'uud madaxa loo saaray. Oo wuxuu dibadda u soo bixiyey dhacii magaalada oo aad iyo aad u badnaa.Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.
31واخرج الشعب الذي فيها ووضعهم تحت مناشير ونوارج حديد وفؤوس حديد وامرّهم في اتون الآجرّ وهكذا صنع بجميع مدن بني عمون. ثم رجع داود وجميع الشعب الى اورشليم
31Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.