1واتفق هناك رجل لئيم اسمه شبع بن بكري رجل بنياميني فضرب بالبوق وقال ليس لنا قسم في داود ولا لنا نصيب في ابن يسّى. كل رجل الى خيمته يا اسرائيل.
1Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.
2فصعد كل رجال اسرائيل من وراء داود الى وراء شبع بن بكري. واما رجال يهوذا فلازموا ملكهم من الاردن الى اورشليم.
2Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.
3وجاء داود الى بيته في اورشليم. واخذ الملك النساء السراري العشر اللواتي تركهنّ لحفظ البيت وجعلهنّ تحت حجز وكان يعولهنّ ولكن لم يدخل اليهنّ بل كنّ محبوسات الى يوم موتهنّ في عيشة العزوبة.
3Daa'uudna waa yimid gurigiisii Yeruusaalem ku yiil, markaasaa boqorkii soo kaxaystay tobankiisii naagood oo addoommaha ahaa, ee uu kaga tegey inay guriga dhawraan, oo intuu meel gaadh leh geliyey ayuu masruufayay, laakiinse uma uu tegin. Sidaas daraaddeed ilamaa maalintii ay dhinteen bay xidhnaayeen, iyagoo carmallo ah.
4وقال الملك لعماسا اجمع لي رجال يهوذا في ثلاثة ايام واحضر انت هنا.
4Markaasaa boqorkii wuxuu Camaasaa ku yidhi, Ragga reer Yahuudah muddo saddex maalmood ah isugu kay yeedh, oo adiguna markaas halkan joog.
5فذهب عماسا ليجمع يهوذا ولكنه تأخر عن الميقات الذي عينه.
5Markaasaa Camaasaa u tegey inuu reer Yahuudah isugu yeedho, laakiinse wuu ka daba maray wakhtigii loo qabtay ee lala ballamay.
6فقال داود لابيشاي الآن يسيء الينا شبع بن بكري اكثر من ابشالوم. فخذ انت عبيد سيدك واتبعه لئلا يجد لنفسه مدنا حصينة وينفلت من امام اعيننا.
6Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.
7فخرج وراءه رجال يوآب الجلادون والسعاة وجميع الابطال وخرجوا من اورشليم ليتبعوا شبع بن بكري.
7Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.
8ولما كانوا عند الصخرة العظيمة التي في جبعون جاء عماسا قدامهم. وكان يوآب متنطقا على ثوبه الذي كان لابسه وفوقه منطقة سيف في غمده مشدودة على حقويه فلما خرج اندلق السيف.
8Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.
9فقال يوآب لعماسا أسالم انت يا اخي. وامسكت يد يوآب اليمنى بلحية عماسا ليقبّله.
9Markaasaa Yoo'aab Camaasaa ku yidhi, Walaalkayow, ma nabdoon tahay? Yoo'aabna gacanta midig ayuu Camaasaa gadhka ku qabtay inuu dhunkado.
10واما عماسا فلم يحترز من السيف الذي بيد يوآب فضربه به في بطنه فدلق امعاءه الى الارض ولم يثن عليه فمات. واما يوآب وابيشاي اخوه فتبعا شبع بن بكري.
10Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu calooshuu seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.
11ووقف عنده واحد من غلمان يوآب فقال من سرّ بيوآب ومن هو لداود فوراء يوآب.
11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.
12وكان عماسا يتمرغ في الدم في وسط السكة. ولما رأى الرجل ان كل الشعب يقفون نقل عماسا من السكة الى الحقل وطرح عليه ثوبا لما رأى ان كل من يصل اليه يقف.
12Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.
13فلما نقل عن السكة عبر كل انسان وراء يوآب لاتباع شبع بن بكري.
13Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.
14وعبر في جميع اسباط اسرائيل الى آبل وبيت معكة وجميع البيريين فاجتمعوا وخرجوا ايضا وراءه.
14Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.
15وجاءوا وحاصروه في آبل بيت معكة واقاموا مترسة حول المدينة فاقامت في الحصار وجميع الشعب الذين مع يوآب كانوا يخربون لاجل اسقاط السور
15Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.
16فنادت امرأة حكيمة من المدينة. اسمعوا. اسمعوا. قولوا ليوآب تقدم الى ههنا فاكلمك.
16Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee.
17فتقدم اليها فقالت المرأة أأنت يوآب. فقال انا هو. فقالت له اسمع كلام امتك. فقال انا سامع.
17Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa.
18فتكلمت قائلة كانوا يتكلمون اولا قائلين سؤالا يسألون في آبل وهكذا كانوا انتهوا.
18Markaasay la hadashay oo ku tidhi, Waxaa waa hore la odhan jiray, Hubaal Aabeel talo ha laga doonto, oo saasay xaalkii ku dhammeeyeen.
19انا مسالمة امينة في اسرائيل. انت طالب ان تميت مدينة وامّا في اسرائيل. لماذا تبلع نصيب الرب.
19Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
20فاجاب يوآب وقال. حاشاي حاشاي ان ابلع وان اهلك.
20Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.
21الأمر ليس كذلك. لان رجلا من جبل افرايم اسمه شبع بن بكري رفع يده على الملك داود. سلموه وحده فأنصرف عن المدينة. فقالت المرأة ليوآب هوذا راسه يلقى اليك عن السور.
21Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa.
22فأتت المرأة الى جميع الشعب بحكمتها فقطعوا راس شبع بن بكري والقوه الى يوآب فضرب بالبوق فانصرفوا عن المدينة كل واحد الى خيمته. واما يوآب فرجع الى اورشليم الى الملك
22Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.
23وكان يوآب على جميع جيش اسرائيل وبنايا بن يهوياداع على الجلادين والسعاة
23Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.
24وادورام على الجزية ويهوشافاط بن اخيلود مسجلا
24Oo Adoraamna wuxuu ahaa kan baad qaada, Yehooshaafaad oo ahaa ina Axiiluudna wuxuu ahaa kan taariikhda dhiga,
25وشيوا كاتبا وصادوق وابياثار كاهنين
25oo Shewaana karraani buu ahaa, Saadooq iyo Aabyaataarna wadaaddo bay ahaayeen,oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.
26وعيرا اليائيري ايضا كان كاهنا لداود
26oo Ciiraa oo reer Yaa'iir ahaa isna Daa'uud buu wadaad u ahaa.