الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Samuel

4

1ولما سمع ابن شاول ان ابنير قد مات في حبرون ارتخت يداه وارتاع جميع اسرائيل.
1Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaa markuu maqlay in Abneer Xebroon ku dhintay ayaa gacmihiisii taag beeleen, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way nexeen.
2وكان لابن شاول رجلان رئيسا غزاة اسم الواحد بعنة واسم الآخر ركاب ابنا رمّون البئيروتي من بني بنيامين. لان بئيروت حسبت لبنيامين.
2Oo Saa'uul wiilkiisii Iishboshed ahaana wuxuu lahaa laba nin oo askartiisa saraakiil u ahaa. Mid magiciisu wuxuu ahaa Bacanaah, oo kan kale magiciisuna wuxuu ahaa Reekaab, oo waxayna ahaayeen ilmo Rimmon kii reer Bi'irod, oo waxayna ahaayeen reer Benyaamiin (waayo, Bi'irod waxaa lagu tiriyey reer Benyaamiin,
3وهرب البئيروتيون الى جتّايم وتغربوا هناك الى هذا اليوم.
3oo reer Bi'irodna waxay u carareen xagga Gitayim, oo halkaasay degganaayeen ilaa maantadan).
4وكان ليوناثان بن شاول ابن مضروب الرجلين. كان ابن خمس سنين عند مجيء خبر شاول ويوناثان من يزرعيل فحملته مربيته وهربت ولما كانت مسرعة لتهرب وقع وصار اعرج واسمه مفيبوشث.
4Yoonaataan ina Saa'uul wuxuu lahaa wiil curyaan ah. Oo isagu shan jir buu ahaa markii war ku saabsan Saa'uul iyo Yoonaataan Yesreceel laga keenay, ee ay naagtii isaga dhawraysay kor u qaadatay, oo carartay. Oo intay ku degdegaysay inay cararto ayuu ka dhacay, oo markaasuu curyaan noqday. Oo magiciisuna wuxuu ahaa Mefiiboshed.
5وسار ابنا رمّون البئيروتي ركاب وبعنة ودخلا عند حر النهار الى بيت ايشبوشث وهو نائم نومة الظهيرة.
5Oo Rimmonkii reer Bi'irod wiilashiisii oo ahaa Reekaab iyo Bacanaah way tageen, oo wakhti kulul ayay gurigii Iishboshed yimaadeen, isagoo hadhkii nasanaya.
6فدخلا الى وسط البيت لياخذا حنطة وضرباه في بطنه ثم افلت ركاب وبعنة اخوه.
6Oo gurigay soo galeen, sidii iyagoo sarreen qaadanaya; markaasay caloosha ka dooxeen. Markaasaa Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah baxsadeen.
7فعند دخولهما البيت كان هو مضطجعا على سريره في مخدع نومه فضرباه وقتلاه وقطعا راسه واخذا راسه وسارا في طريق العربة الليل كله.
7Markay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.
8وأتيا براس ايشبوشث الى داود الى حبرون وقالا للملك هوذا راس ايشبوشث بن شاول عدوك الذي كان يطلب نفسك. وقد اعطى الرب لسيدي الملك انتقاما في هذا اليوم من شاول ومن نسله
8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.
9فاجاب داود ركاب وبعنة اخاه ابني رمّون البئيروتي وقال لهما. حيّ هو الرب الذي فدى نفسي من كل ضيق
9Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah, oo ahaa ilma Rimmonkii reer Bi'irod, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii naftayda ka badbaadshay cidhiidhi oo dhan,
10ان الذي اخبرني قائلا هوذا قد مات شاول وكان في عيني نفسه كمبشر قبضت عليه وقتلته في صقلغ. ذلك اعطيته بشارة.
10markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey.
11فكم بالحري اذا كان رجلان باغيان يقتلان رجلا صدّيقا في بيته على سريره. فالآن اما اطلب دمه من ايديكما وانزعكما من الارض.
11Haddaba idinkoo ah niman shar leh, markaad disheen qof xaq ah oo sariirtii gurigiisa ku jiifa, miyaanan in ka sii badan dhiiggiisii gacmihiinna weyddiinayn, oo miyaanan dhulka idinka qaadayn?Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.
12وأمر داود الغلمان فقتلوهما وقطعوا ايديهما وارجلهما وعلقوهما على البركة في حبرون. واما راس ايشبوشث فأخذوه ودفنوه في قبر ابنير في حبرون
12Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.