الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

2 Thessalonians

2

1ثم نسالكم ايها الاخوة من جهة مجيء ربنا يسوع المسيح واجتماعنا اليه
1Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,
2ان لا تتزعزعوا سريعا عن ذهنكم ولا ترتاعوا لا بروح ولا بكلمة ولا برسالة كانها منا اي ان يوم المسيح قد حضر.
2inaan caqligiinnu dhaqso u qasmin ama aydnaan ku argaggixin ruux, ama hadal, ama warqad sida mid annagu aannu soo dirnay, sidii iyadoo maalintii Rabbigu hadda joogto.
3لا يخدعنكم احد على طريقة ما. لانه لا ياتي ان لم يات الارتداد اولا ويستعلن انسان الخطية ابن الهلاك
3Sinaba yaan laydiin khiyaanayn, waayo, maalintaasu ma iman doonto ilamaa horta Ilaah laga fallaagoobo, oo la muujiyo ninka dembiga oo ah wiilka halaagga,
4المقاوم والمرتفع على كل ما يدعى الها او معبودا حتى انه يجلس في هيكل الله كاله مظهرا نفسه انه اله.
4kan ka geesta ah oo iska sarraysiiya wax alla waxa Ilaah la yidhaahdo oo dhan iyo waxa la caabudo oo dhan, oo sidaasuu u dhex fadhiistaa macbudka Ilaah isagoo qudhiisu Ilaah iska dhigaya.
5أما تذكرون اني وانا بعد عندكم كنت اقول لكم هذا.
5Miyeydnaan xusuusnayn inaan waxyaalahan idiin sheegay markii aan weli idinla joogay?
6والآن تعلمون ما يحجز حتى يستعلن في وقته.
6Haatan waad garanaysaan waxa joojinaya in isaga wakhtigiisa la muujiyo.
7لان سرّ الاثم الآن يعمل فقط الى ان يرفع من الوسط الذي يحجز الآن
7Waayo, qarsoodiga dembigu haatan waa shaqaynayaa, laakiin kan haddeer joojinayaa wuxuu joojinayaa ilaa jidka laga qaado isaga.
8وحينئذ سيستعلن الاثيم الذي الرب يبيده بنفخة فمه ويبطله بظهور مجيئه.
8Markaas waxaa la muujin doonaa sharcilaawaha, kan Rabbi Ciise ku halligi doono neefta afkiisa, oo imaatinka muuqashadiisa uu ku baabbi'in doono.
9الذي مجيئه بعمل الشيطان بكل قوة وبآيات وعجائب كاذبة
9Kaas imaatinkiisu waa sida shuqul Shayddaan oo leh xoog iyo calaamooyin iyo cajaa'ibyo been ah oo dhan,
10وبكل خديعة الاثم في الهالكين لانهم لم يقبلوا محبة الحق حتى يخلصوا.
10iyo khiyaanada xaqdarrada oo dhan. Waxaana leh kuwa lumaya, maxaa yeelay, waxay diideen inay runta jeclaadaan oo ay sidaas u badbaadaan.
11ولاجل هذا سيرسل اليهم الله عمل الضلال حتى يصدقوا الكذب
11Oo sababtaas daraaddeed ayaa Ilaah ugu soo diraa wax qalad kaga dhex shaqeeya si ay been u rumaystaan,
12لكي يدان جميع الذين لم يصدقوا الحق بل سروا بالاثم
12in kuwa aan runta rumaysan, laakiinse xaqdarrada ku farxay, kulligood la wada xukumo.
13واما نحن فينبغي لنا ان نشكر الله كل حين لاجلكم ايها الاخوة المحبوبون من الرب ان الله اختاركم من البدء للخلاص بتقديس الروح وتصديق الحق.
13Laakiin waxaa nagu waajib ah inaannu mar walba aawadiin Ilaah ugu mahad naqno, walaalayaasha Rabbigu jecel yahayow, waayo, waxaa Ilaah bilowgii idiin doortay badbaado ka timaada Ruuxa quduus idinka dhigaya, iyo rumaysadka runta,
14الامر الذي دعاكم اليه بانجيلنا لاقتناء مجد ربنا يسوع المسيح.
14tan uu idiinku yeedhay injiilkayaga inaad heshaan ammaanta Rabbigeenna Ciise Masiix.
15فاثبتوا اذا ايها الاخوة وتمسكوا بالتعاليم التي تعلمتموها سواء كان بالكلام ام برسالتنا.
15Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, xoogaysta, oo cilmigii laydin baray xajista, ha noqoto wixii hadal laydinku baray ama wixii warqaddayada laydinku baraye.
16وربنا نفسه يسوع المسيح والله ابونا الذي احبنا واعطانا عزاء ابديا ورجاء صالحا بالنعمة
16Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.
17يعزي قلوبكم ويثبتكم في كل كلام وعمل صالح
17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.