1انتم اولاد للرب الهكم. لا تخمشوا اجسامكم ولا تجعلوا قرعة بين اعينكم لاجل ميت.
1Idinku waxaad tihiin Rabbiga Ilaahiinna ah carruurtiisii, haddaba qof dhintay aawadiis jidhkiinna ha u goynina, oo indhihiinna dhexdoodana ha u xiirina.
2لانك شعب مقدس للرب الهك وقد اختارك الرب لكي تكون له شعبا خاصّا فوق جميع الشعوب الذين على وجه الارض
2Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbigu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
3لا تأكل رجسا ما.
3Waa inaydaan cunin innaba wax karaahiyo ah.
4هذه هي البهائم التي تأكلونها. البقر والضأن والمعز
4Kuwanu waa xayawaanka aad hilibkooda cunaysaan, oo waa lo'da, iyo idaha, iyo riyaha,
5والايل والظبي واليحمور والوعل والرئم والثيتل والمهاة.
5iyo deerada, iyo cawsha, iyo dibtaagta, iyo garannuugta, iyo goodirka, iyo biciidka, iyo adhidibadeedka.
6وكل بهيمة من البهائم تشق ظلفا وتقسمه ظلفين وتجترّ فاياها تاكلون.
6Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo calyanaqsiga raamsado oo xayawaanka ka mid ah kaas waa inaad cuntaan.
7الا هذه فلا تأكلوها مما يجترّ ومما يشق الظلف المنقسم. الجمل والارنب والوبر لانها تجترّ لكنها لا تشق ظلفا فهي نجسة لكم.
7Habase yeeshee kuwa caynkan ah oo calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela iyo bakaylaha iyo walada, maxaa yeelay, calyanaqsiga way raamsadaan laakiinse raafkoodu ma kala jeexna, oo iyagu waa idinka nijaas,
8والخنزير لانه يشق الظلف لكنه لا يجترّ فهو نجس لكم. فمن لحمها لا تأكلوا وجثثها لا تلمسوا
8oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, calyanaqsigase ma raamsado, sidaas daraaddeed waa idinka nijaas, oo kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, bakhtigoodana waa inaydaan taaban.
9وهذا تأكلونه من كل ما في المياه. كل ما له زعانف وحرشف تأكلونه.
9Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh cuna,
10لكن كل ما ليس له زعانف وحرشف لا تأكلوه. انه نجس لكم
10laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn waa inaydaan cunin, maxaa yeelay, waa idinka nijaas.
11كل طير طاهر تأكلون.
11Haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
12وهذا ما لا تأكلون منه. النسر والانوق والعقاب
12Laakiinse ha cunina haadda caynkan ah: baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
13والحدأة والباشق والشاهين على اجناسه
13iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
14وكل غراب على اجناسه
14iyo cayn kasta oo tuke ah,
15والنعامة والظليم والسأف والباز على اجناسه
15iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag ah,
16والبوم والكركي والبجع
16iyo guumaysta yar, iyo guumaysta weyn, iyo guumaysgeesaleyda,
17والقوق والرّخم والغوّاص
17iyo cantalyaaga, iyo gorgorka, iyo xeebajoogta,
18واللقلق والببغا على اجناسه والهدهد والخفّاش.
18iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelaljoogta, iyo fiidmeerta.
19وكل دبيب الطير نجس لكم. لا يؤكل.
19Oo wax baalal leh oo gurguurta oo dhammu waa idinka nijaas, oo iyaga waa inaan la cunin.
20كل طير طاهر تأكلون
20Laakiinse haadda daahirka ah oo dhan waad cuni kartaan.
21لا تأكلوا جثة ما. تعطيها للغريب الذي في ابوابك فيأكلها او يبيعها لاجنبيّ لانك شعب مقدس للرب الهك. لا تطبخ جديا بلبن امه
21Oo wax alla wixii iska dhinta waa inaydaan cunin, laakiinse shisheeyihii irdihiinna ku jira waad siin kartaan isagu ha cunee, amase ajnabiga waad ka iibsan karaysaan, waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah. Oo waxar waa inaydaan ku karsan caanihii hooyadeed.
22تعشيرا تعشر كل محصول زرعك الذي يخرج من الحقل سنة بسنة.
22Oo waa inaad toban meelood meel ka bixisaa midhaha abuurkaaga oo ah waxa sannad kasta beerta kaaga baxa oo dhan.
23وتأكل امام الرب الهك في المكان الذي يختاره ليحل اسمه فيه عشر حنطتك وخمرك وزيتك وابكار بقرك وغنمك لكي تتعلم ان تتقي الرب الهك كل الايام.
23Oo Rabbiga Ilaahaaga ah meesha uu u dooranayo inuu magiciisa dhigo hortiisa waa inaad ku cuntaa meel tobnaadka hadhuudhkaaga, iyo kan khamrigaaga, iyo kan saliiddaada, iyo curadyada lo'daada iyo kuwa adhigaaga, inaad barato inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsato had iyo goorba.
24ولكن اذا طال عليك الطريق حتى لا تقدر ان تحمله. اذا كان بعيدا عليك المكان الذي يختاره الرب الهك ليجعل اسمه فيه اذ يباركك الرب الهك
24Oo haddii jidku kugu dheer yahay, oo aad u qaadi kari weydo, meesha kaa fog aawadeed oo uu Rabbiga Ilaahaaga ahu u dooranayo inuu magiciisa dhigo, markii Rabbiga Ilaahaaga ahu ku barakeeyo,
25فبعه بفضة وصرّ الفضة في يدك واذهب الى المكان الذي يختاره الرب الهك
25markaas waa inaad lacag u beddeshaa, oo aad lacagta gacanta ku qabsataa, oo markaas waa inaad tagtaa meesha Rabbiga Ilaahaaga ahu dooranayo,
26وانفق الفضة في كل ما تشته نفسك في البقر والغنم والخمر والمسكر وكل ما تطلب منك نفسك وكل هناك امام الرب الهك وافرح انت وبيتك.
26oo markaas waxaad lacagta ku soo iibsataa wax alla wixii naftaadu doonayso oo ah dibi, ama ido, ama khamri, ama wax lagu sakhraamo, ama wax alla wixii nafsaddaadu ku weyddiisato, oo waxaad ku cuntaa Rabbiga Ilaahaaga ah hortiisa, oo waa inaad adiga iyo reerkaaguba faraxdaan.
27واللاوي الذي في ابوابك لا تتركه لانه ليس له قسم ولا نصيب معك
27Oo waa inaadan dayrin kan reer Laawi oo irdahaaga ku jira, maxaa yeelay, isagu qayb iyo dhaxal midna idinlama laha.
28في آخر ثلاث سنين تخرج كل عشر محصولك في تلك السنة وتضعه في ابوابك.
28Oo saddex sannadood oo kasta markay dhammaadaanba waa inaad soo bixisaa meeltobnaadka waxa sannaddaas kuu baxay, oo waxaad ku kaydsataa irdahaaga gudahooda.Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.
29فيأتي اللاوي لانه ليس له قسم ولا نصيب معك والغريب واليتيم والارملة الذين في ابوابك وياكلون ويشبعون لكي يباركك الرب الهك في كل عمل يدك الذي تعمل
29Oo markaas waxaa iman oo ka cuni oo ka dhergi doona kan reer Laawi, waayo, isagu idinlama laha qayb iyo dhaxal toona, iyo qariibka, iyo agoonta, iyo carmalka inuu Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu barakeeyo shuqulka aad gacantaada ku qabato oo dhan.