1متى قرض الرب الهك الامم الذين الرب الهك يعطيك ارضهم وورثتهم وسكنت مدنهم وبيوتهم
1Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda,
2تفرز لنفسك ثلاث مدن في وسط ارضك التي يعطيك الرب الهك لتمتلكها.
2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.
3تصلح الطريق وتثلث تخوم ارضك التي يقسم لك الرب الهك فتكون لكي يهرب اليها كل قاتل.
3Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.
4وهذا هو حكم القاتل الذي يهرب الى هناك فيحيا. من ضرب صاحبه بغير علم وهو غير مبغض له منذ امس وما قبله.
4Oo gacankudhiiglaha halkaas ku cararayo oo noolaanayo waa caynkan: oo waa kii deriskiisa kama' ku dilay isagoo aan hore u necbayn,
5ومن ذهب مع صاحبه في الوعر ليحتطب حطبا فاندفعت يده بالفاس ليقطع الحطب وافلت الحديد من الخشب واصاب صاحبه فمات فهو يهرب الى احدى تلك المدن فيحيا.
5sida markii nin deriskiis duurka ugu raaco inay qoryo soo jaraan, oo gacantiisu ay faaska qaadato inuu geedka ku jaro, oo markaas birtu intay daabka ka siibato ku dhacdo kii deriskiisa ahaa ee uu saas ku dhinto, markaas isagu waa inuu ku cararaa magaalooyinkaas middood si uu ku noolaado,
6لئلا يسعى ولي الدم وراء القاتل حين يحمى قلبه ويدركه اذا طال الطريق ويقتله وليس عليه حكم الموت لانه غير مبغض له منذ امس وما قبله.
6waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn.
7لاجل ذلك انا آمرك قائلا ثلاث مدن تفرز لنفسك.
7Oo sidaas daraaddeed waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan.
8وان وسّع الرب الهك تخومك كما حلف لآبائك واعطاك جميع الارض التي قال انه يعطي لآبائك
8Haddii Rabbiga Ilaahiinna ahu u ballaadhiyo soohdimihiinna, siduu awowayaashiin ugu dhaartay, oo uu idin wada siiyo dalkii uu awowayaashiin u ballanqaaday inuu iyaga siinayo oo dhan,
9اذا حفظت كل هذه الوصايا لتعملها كما انا اوصيك اليوم لتحب الرب الهك وتسلك في طرقه كل الايام فزد لنفسك ايضا ثلاث مدن على هذه الثلاث
9oo haddaad xajisaan oo wada yeeshaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad weligiin jidadkiisa ku socotaan, kolkaas saddex magaalo oo kale oo aan saddexdan ahayn waa inaad ku darsataan,
10حتى لا يسفك دم بري في وسط ارضك التي يعطيك الرب الهك نصيبا فيكون عليك دم.
10si aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa.
11ولكن اذا كان انسان مبغضا لصاحبه فكمن له وقام عليه وضربه ضربة قاتلة فمات ثم هرب الى احدى تلك المدن
11Laakiinse haddii nin deriskiisa neceb yahay ee uu isaga meel ugu gabbado oo uu markaas ku soo boodo oo uu ku dhufto nabar uu u dhinto, kolkaas hadduu u cararo magaalooyinkaas middood,
12يرسل شيوخ مدينته وياخذونه من هناك ويدفعونه الى يد ولي الدم فيموت.
12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.
13لا تشفق عينك عليه. فتنزع دم البري من اسرائيل فيكون لك خير
13Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.
14لا تنقل تخم صاحبك الذي نصبه الاولون في نصيبك الذي تناله في الارض التي يعطيك الرب الهك لكي تمتلكها
14Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.
15لا يقوم شاهد واحد على انسان في ذنب ما او خطية ما من جميع الخطايا التي يخطئ بها. على فم شاهدين او على فم ثلاثة شهود يقوم الامر.
15Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama saddex markhaati.
16اذا قام شاهد زور على انسان ليشهد عليه بزيغ
16Haddii markhaati aan xaq ahaynu uu nin ku kaco oo uu ku marag furo inuu xumaan sameeyey,
17يقف الرجلان اللذان بينهما الخصومة امام الرب امام الكهنة والقضاة الذين يكونون في تلك الايام.
17markaas labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda,
18فان فحص القضاة جيدا واذا الشاهد شاهد كاذب قد شهد بالكذب على اخيه
18oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay,
19فافعلوا به كما نوى ان يفعل باخيه. فتنزعون الشر من وسطكم.
19markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan.
20ويسمع الباقون فيخافون ولا يعودون يفعلون مثل ذلك الامر الخبيث في وسطك.
20Oo kuwa hadhay xaalkaas way maqli doonaan oo cabsan doonaan, oo markaas ka dibna innaba dhexdiinna shar dambe oo caynkaas ah kuma samayn doonaan.Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.
21لا تشفق عينك. نفس بنفس. عين بعين. سن بسن. يد بيد. رجل برجل
21Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.