الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Deuteronomy

33

1وهذه هي البركة التي بارك بها موسى رجل الله بني اسرائيل قبل موته
1Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman.
2فقال. جاء الرب من سيناء واشرق لهم من سعير وتلألأ من جبل فاران وأتى من ربوات القدس وعن يمينه نار شريعة لهم.
2Isagoo leh, Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay, Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga, Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan, Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah, Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
3فاحب الشعب. جميع قديسيه في يدك وهم جالسون عند قدمك يتقبلون من اقوالك.
3Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay. Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan, Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga, Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
4بناموس اوصانا موسى ميراثا لجماعة يعقوب.
4Muuse wuxuu inagu amray sharci, Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
5وكان في يشورون ملكا حين اجتمع رؤساء الشعب اسباط اسرائيل معا.
5Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor. Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu Ay soo wada urureen.
6ليحي رأوبين ولا يمت ولا يكن رجاله قليلين
6Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman, Oo raggiisu yuusan yaraan.
7وهذه عن يهوذا. قال اسمع يا رب صوت يهوذا وأت به الى قومه. بيديه يقاتل لنفسه فكن عونا على اضداده
7Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh, Rabbiyow, codka Yahuudah maqal, Oo isaga dadkiisa soo dhex geli, Gacmihiisu ha ku filnaadeen, Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
8وللاوي قال تميمك وأوريمك لرجلك الصدّيق الذي جربته في مسّة وخاصمته عند ماء مريبة.
8Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi, Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay, Oo aad Masaah ku tijaabisay, Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
9الذي قال عن ابيه وامه لم ارهما وباخوته لم يعترف واولاده لم يعرف بل حفظوا كلامك وصانوا عهدك.
9Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag, Oo walaalihiisna aan aqoonsan, Oo carruurtiisiina aan aqoon, Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen, Oo axdigaagiina way dhawreen.
10يعلمون يعقوب احكامك واسرائيل ناموسك. يضعون بخورا في انفك ومحرقات على مذبحك.
10Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada, Reer binu Israa'iilna sharcigaaga. Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox, Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
11بارك يا رب قوته وارتض بعمل يديه. احطم متون مقاوميه ومبغضيه حتى لا يقوموا
11Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee, Oo shuqulka gacmihiisana aqbal, Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
12ولبنيامين قال حبيب الرب يسكن لديه آمنا. يستره طول النهار وبين منكبيه يسكن
12Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi, Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah, Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay, Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
13وليوسف قال. مباركة من الرب ارضه بنفائس السماء بالندى وباللجّة الرابضة تحت
13Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi, Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa, Iyo moolka hoos fidsan,
14ونفائس مغلات الشمس ونفائس منبتات الاقمار.
14Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
15ومن مفاخر الجبال القديمة ومن نفائس الآكام الابدية
15Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay, Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
16ومن نفائس الارض وملئها ورضى الساكن في العليقة. فلتأت على راس يوسف وعلى قمّة نذير اخوته.
16Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa, Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa. Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf, Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
17بكر ثوره زينة له وقرناه قرنا رئم بهما ينطح الشعوب معا الى اقاصي الارض. هما ربوات افرايم والوف منسّى
17Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay, Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi, Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan, Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim, Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
18ولزبولون قال. افرح يا زبولون بخروجك وانت يا يساكر بخيامك.
18Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi, Sebulunow, ku farax baxniintaada, Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
19الى الجبل يدعوان القبائل. هناك يذبحان ذبائح البر لانهما يرتضعان من فيض البحار وذخائر مطمورة في الرمل
19Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta, Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada, Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
20ولجاد قال. مبارك الذي وسع جاد كلبوة سكن وافترس الذراع مع قمة الراس.
20Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi, Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya, Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax, Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
21ورأى الاول لنفسه لانه هناك قسم من الشارع محفوظا فأتى راسا للشعب يعمل حق الرب واحكامه مع اسرائيل
21Isagaa doortay qaybtii kowaad, Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey, Wuxuu soo raacay madaxdii dadka, Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
22ولدان قال. دان شبل اسد يثب من باشان.
22Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi, Daan waa dhal libaax, Oo ka soo booda Baashaan.
23ولنفتالي قال. يا نفتالي اشبع رضى وامتلئ بركة من الرب واملك الغرب والجنوب
23Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi, Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow, Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow, Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
24ولاشير قال. مبارك من البنين اشير. ليكن مقبولا من اخوته ويغمس في الزيت رجله.
24Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi, Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado, Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan, Oo cagtiisana saliid ha daro.
25حديد ونحاس مزاليجك وكايامك راحتك
25Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas, Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
26ليس مثل الله يا يشورون. يركب السماء في معونتك والغمام في عظمته.
26Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro, Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo, Cirkana sharaftiisa u fuula.
27الاله القديم ملجأ والاذرع الابدية من تحت. فطرد من قدامك العدو وقال أهلك.
27Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga, Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira. Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray, Oo yidhi, Baabbi'i.
28فيسكن اسرائيل آمنا وحده. تكون عين يعقوب الى ارض حنطة وخمر وسماؤه تقطر ندى.
28Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh, Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
29طوباك يا اسرائيل. من مثلك يا شعبا منصورا بالرب ترس عونك وسيف عظمتك. فيتذلل لك اعداؤك وانت تطأ مرتفعاتهم
29Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin. Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey, Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna, Iyo seefta sharaftiinna. Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan, Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.