الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Deuteronomy

7

1متى أتى بك الرب الهك الى الارض التي انت داخل اليها لتمتلكها وطرد شعوبا كثيرة من امامك الحثيين والجرجاشيين والاموريين والكنعانيين والفرزّيين والحوّيين واليبوسيين سبع شعوب اكثر واعظم منك
1Markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalka aad ugu socotaan inaad hantidaan, oo uu hortiinna ka eryo quruumo badan oo ah reer Xeed, iyo reer Girgaash, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, kuwaasoo ah toddoba quruumood oo idinka weyn oo idinka xoog badan,
2ودفعهم الرب الهك امامك وضربتهم فانك تحرّمهم. لا تقطع لهم عهدا ولا تشفق عليهم
2oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacanta idiin soo geliyo, oo aad iyaga laysaan, markaas waa inaad iyaga dhammaantood wada baabbi'isaan. Waa inaydaan axdi la dhigan, oo aydaan u naxariisan innaba.
3ولا تصاهرهم. بنتك لا تعطي لابنه وبنته لا تأخذ لابنك.
3Oo idinka iyo iyaga yuusan guur idin dhex marin, oo gabadhiinna wiilkiisa ha siinina, wiilkiinna gabadhiisana ha u guurinina.
4لانه يرد ابنك من ورائي فيعبد آلهة اخرى فيحمى غضب الرب عليكم ويهلككم سريعا.
4Waayo, isagu wuxuu wiilkiinna ka leexin doonaa aniga lasocodkayga inay iyagu u adeegaan ilaahyo kale, sidaas daraaddeed Rabbiga cadhadiisu aad bay idiinku kululaan doontaa, markaasuu haddiiba idin baabbi'in doonaa.
5ولكن هكذا تفعلون بهم تهدمون مذابحهم وتكسّرون انصابهم وتقطعون سواريهم وتحرقون تماثيلهم بالنار.
5Laakiinse iyaga waa inaad sidan kula macaamilootaan, meelahooda allabariga waa inaad dumisaan, oo aad tiirarkoodana burburisaan, oo aad geedahooda Asheeraahna gooysaan, oo aad sanamyadooda xardhanna gubtaan.
6لانك انت شعب مقدس للرب الهك. اياك قد اختار الرب الهك لتكون له شعبا اخصّ من جميع الشعوب الذين على وجه الارض.
6Waayo, waxaad Rabbiga Ilaahiinna ah u tihiin dad quduus ah, oo Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu idiin doortay inaad ahaataan dad hanti isaga uga ah dadyowga dhulka jooga oo dhan.
7ليس من كونكم اكثر من سائر الشعوب التصق الرب بكم واختاركم لانكم اقل من سائر الشعوب.
7Badnaan aad dadadka kale ka badan tihiin Rabbigu idiinma jeclaan oo idiinma dooran saas aawadeed, waayo, idinku dadyowga oo dhan waad ugu wada yaraydeen,
8بل من محبة الرب اياكم وحفظه القسم الذي اقسم لآبائكم اخرجكم الرب بيد شديدة وفداكم من بيت العبودية من يد فرعون ملك مصر.
8laakiinse Rabbigu wuu idin jecel yahay, oo wuxuu doonayaa inuu oofiyo dhaartii uu awowayaashiin ugu dhaartay, oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu idinku soo bixiyey gacan xoog badan, oo wuxuu idinka soo furtay gurigii addoonsiga iyo boqorkii Masar oo Fircoon ahaa gacantiisii.
9فاعلم ان الرب الهك هو الله الاله الامين الحافظ العهد والاحسان للذين يحبونه ويحفظون وصاياه الى الف جيل
9Haddaba bal ogaada in Rabbiga Ilaahiinna ahu Ilaah yahay, oo isagu yahay Ilaaha aaminka ah oo axdiga dhawra, oo tan iyo kun qarni u naxariista kuwa isaga jecel oo amarkiisa xajiya.
10والمجازي الذين يبغضونه بوجوههم ليهلكهم. لا يمهل من يبغضه. بوجهه يجازيه.
10Oo kuwa isaga necebna si uu u baabbi'iyo ayuu abaalgudkooda toos u mariyaa; ka raajin maayo kii isaga neceb ee abaalgudkiisa haddiiba toos buu u marinayaa.
11فاحفظ الوصايا والفرائض والاحكام التي انا اوصيك اليوم لتعملها
11Haddaba waa inaad dhawrtaan amarka iyo qaynuunnada iyo xukummada aan maanta idinku amrayo inaad yeeshaan.
12ومن اجل انكم تسمعون هذه الاحكام وتحفظون وتعملونها يحفظ لك الرب الهك العهد والاحسان اللذين اقسم لآبائك
12Xukummadaas haddaad maqashaan oo aad xajisaan oo aad samaysaan ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin xajin doonaa axdigii iyo naxariistii uu awowayaashiin ugu dhaartay,
13ويحبك ويباركك ويكثرك ويبارك ثمرة بطنك وثمرة ارضك قمحك وخمرك وزيتك ونتاج بقرك واناث غنمك على الارض التي اقسم لآبائك انه يعطيك اياها.
13wuuna idin jeclaan doonaa oo idin barakayn doonaa oo idin tarmin doonaa, oo weliba wuxuu kaloo barakayn doonaa midhaha jidhkiinna iyo midhaha dhulkiinna oo ah hadhuudhkiinna iyo khamrigiinna iyo saliiddiinna iyo taranka lo'diinna iyo ubadka idihiinna, dhammaan wuxuuna ku barakayn doonaa dalkii uu awowayaashiin ugu dhaartay inuu idin siinayo.
14مباركا تكون فوق جميع الشعوب. لا يكون عقيم ولا عاقر فيك ولا في بهائمك.
14Oo dadyowga oo dhan waad ka barako badnaan doontaan, oo idinka iyo xoolihiinna toona lab iyo dhaddigba laguma arki doono madhalays.
15ويرد الرب عنك كل مرض وكل ادواء مصر الرديئة التي عرفتها لا يضعها عليك بل يجعلها على كل مبغضيك.
15Oo Rabbigu wuxuu idinka qaadi doonaa cudur kasta, oo isagu idinku ridi maayo cudurradii Masar oo xunxumaa oo aad tiqiin midnaba, laakiinse kulligood wuxuu ku wada ridi doonaa kuwa idin neceb oo dhan.
16وتاكل كل الشعوب الذين الرب الهك يدفع اليك. لا تشفق عيناك عليهم ولا تعبد آلهتهم لان ذلك شرك لك.
16Oo waa inaad wada baabbi'isaan dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu gacanta idiin soo gelin doono, oo waa inaydaan iyaga u nixin, oo ilaahyadoodana waa inaydaan u adeegin, maxaa yeelay, taasu dabin bay idiin noqonaysaa.
17ان قلت في قلبك هؤلاء الشعوب اكثر مني كيف اقدر ان اطردهم.
17Oo haddaad qalbiga iska tidhaahdaan, Quruumahanu way naga badan yihiin haddaba bal sidee baannu iyaga u hanti tiri karnaa?
18فلا تخف منهم. اذكر ما فعله الرب الهك بفرعون وبجميع المصريين.
18waa inaydaan ka cabsan, oo waa inaad aad u xusuusataan wixii Rabbiga Ilaahiinna ahu ku sameeyey Fircoon iyo dalkii Masar oo dhan.
19التجارب العظيمة التي ابصرتها عيناك والآيات والعجائب واليد الشديدة والذراع الرفيعة التي بها اخرجك الرب الهك. هكذا يفعل الرب الهك بجميع الشعوب التي انت خائف من وجهها
19Xusuusta jirrabyadii waaweynaa oo aad aragteen, iyo calaamooyinkii, iyo yaababkii, iyo gacantii xoogga badnayd, iyo cududdii fidsanayd ee uu Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku soo bixiyey, oo sidaasoo kalaa Rabbiga Ilaahiinna ahu ku wada samayn doonaa dadyowga aad ka cabsanaysaan oo dhan.
20والزنابير ايضا يرسلها الرب الهك عليهم حتى يفنى الباقون والمختفون من امامك.
20Oo weliba Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu iyaga dhexdooda u soo diri doonaa xoon ilamaa inta ka hadhay oo dhuumatay ay hortiinna ka wada baabba'aan.
21لا ترهب وجوههم لان الرب الهك في وسطك اله عظيم ومخوف.
21Waa inaydaan iyaga ka baqin, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu dhexdiinnuu joogaa, oo isagu waa Ilaah weyn oo laga cabsado aad iyo aad.
22ولكن الرب الهك يطرد هؤلاء الشعوب من امامك قليلا قليلا. لا تستطيع ان تفنيهم سريعا لئلا تكثر عليك وحوش البرية.
22Oo Rabbiga Ilaahiinna ahu quruumahaas aayar aayar ayuu hortiinna uga eryi doonaa. Oo waa inaydaan iyaga mar qudha baabbi'in si aan dugaagga duurku idiinku badan.
23ويدفعهم الرب الهك امامك ويوقع بهم اضطرابا عظيما حتى يفنوا.
23Laakiinse Rabbiga Ilaahiinna ahu gacantiinnuu soo gelin doonaa, oo jeeray wada baabba'aan wuxuu idiinkaga nixin doonaa naxdin weyn.
24ويدفع ملوكهم الى يدك فتمحو اسمهم من تحت السماء. لا يقف انسان في وجهك حتى تفنيهم.
24Oo boqorradooda wuxuu soo gelin doonaa gacantiinna, oo magacooda waa inaad ka baabbi'isaan inta samada ka hoosaysa, oo ninnaba ma awoodi doono inuu hortiinna istaago jeeraad iyaga wada baabbi'isaan.
25وتماثيل آلهتهم تحرقون بالنار. لا تشته فضة ولا ذهبا مما عليها لتاخذ لك لئلا تصاد به لانه رجس عند الرب الهك.
25Oo sanamyada xardhan oo ilaahyadooda waa inaad gubtaan, oo aydaan damcin lacagta iyo dahabka korkooda saaran, hana qaadanina, yeydnan siriq ku dhicine, waayo, taasu waxay Rabbiga Ilaahiinna ah u tahay karaahiyo.Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.
26ولا تدخل رجسا الى بيتك لئلا تكون محرّما مثله. تستقبحه وتكرهه لانه محرّم
26Gurigiinnana waa inaydaan soo gelin wax karaahiyo ah, si aydaan sideeda oo kale wax xaaraan ah u noqon. Waa inaad kulligood ka yaqyaqsataan oo aad iyo aad u nacdaan, maxaa yeelay, waxaasu waa xaaraan.