1وهؤلاء هم بنو الكورة الصاعدون من سبي المسبيين الذين سباهم نبوخذناصّر ملك بابل الى بابل ورجعوا الى اورشليم ويهوذا كل واحد الى مدينته
1Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
2الذين جاءوا مع زربابل يشوع نحميا سرايا رعلايا مردخاي بلشان مسفار بغواي رحوم بعنة. عدد رجال شعب اسرائيل.
2oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Seraayaah, Receelaayaah, Mordekay, Bilshaan, Misfaar, Bigway, Rexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
3بنو فرعوش الفان ومئة واثنان وسبعون.
3Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
4بنو شفطيا ثلاث مئة واثنان وسبعون.
4reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,
5بنو آرح سبع مئة وخمسة وسبعون.
5reer Aaraxna toddoba boqol iyo shan iyo toddobaatan,
6بنو فحث موآب من بني يشوع ويوآب الفان وثمان مئة واثنا عشر.
6reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo laba iyo toban,
7بنو عيلام الف ومئتان واربعة وخمسون.
7reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
8بنو زتو تسع مئة وخمسة واربعون.
8reer Satuuna sagaal boqol iyo shan iyo afartan,
9بنو زكاي سبع مئة وستون.
9reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
10بنو باني ست مئة واثنان واربعون.
10reer Baaniina lix boqol iyo laba iyo afartan,
11بنو باباي ست مئة وثلاثة وعشرون.
11reer Beebayna lix boqol iyo saddex iyo labaatan,
12بنو عرجد الف ومئتان واثنان وعشرون.
12reer Casgaadna kun iyo laba boqol iyo laba iyo labaatan,
13بنو ادونيقام ست مئة وستة وستون.
13reer Adoniiqaamna lix boqol iyo lix iyo lixdan,
14بنو بغواي الفان وستة وخمسون.
14reer Bigwayna laba kun iyo lix iyo konton,
15بنو عادين اربع مئة واربعة وخمسون.
15reer Caadiinna afar boqol iyo afar iyo konton,
16بنو آطير من يحزقيا ثمانية وتسعون.
16reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
17بنو بيصاي ثلاث مئة وثلاثة وعشرون.
17reer Beesayna saddex boqol iyo saddex iyo labaatan,
18بنو يورة مئة واثنا عشر.
18reer Yooraahna boqol iyo laba iyo toban,
19بنو حشوم مئتان وثلاثة وعشرون.
19reer Xaashumna laba boqol iyo saddex iyo labaatan,
20بنو جبّار خمسة وتسعون.
20reer Gibbaarna shan iyo sagaashan,
21بنو بيت لحم مئة وثلاثة وعشرون.
21reer Beytlaxamna boqol iyo saddex iyo labaatan,
22رجال نطوفة ستة وخمسون.
22reer Netofaahna lix iyo konton,
23رجال عناثوث مئة وثمانية وعشرون.
23reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
24بنو عزموت اثنان واربعون.
24reer Casmaawedna laba iyo afartan,
25بنو قرية عاريم كفيرة وبئيروت سبع مئة وثلاثة واربعون.
25reer Qiryad Caariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'irodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
26بنو الرامة وجبع ست مئة وواحد وعشرون.
26reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
27رجال مخماس مئة واثنان وعشرون.
27reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
28رجال بيت ايل وعاي مئتان وثلاثة وعشرون.
28reer Beytel iyo reer Aaciina laba boqol iyo saddex iyo labaatan,
29بنو نبو اثنان وخمسون.
29reer Nebona laba iyo konton,
30بنو مغبيش مئة وستة وخمسون.
30reer Magbiishna boqol iyo lix iyo konton,
31بنو عيلام الآخر الف ومئتان واربعة وخمسون.
31reer Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
32بنو حاريم ثلاث مئة وعشرون.
32reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan,
33بنو لود بنو حاديد واونو سبع مئة وخمسة وعشرون.
33reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo shan iyo labaatan,
34بنو اريحا ثلاث مئة وخمسة واربعون.
34reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
35بنو سناءة ثلاثة آلاف وست مئة وثلاثون
35reer Senaacaahna saddex kun iyo lix boqol iyo soddon.
36اما الكهنة فبنو يدعيا من بيت يشوع تسع مئة وثلاثة وسبعون.
36Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,
37بنو امّير الف واثنان وخمسون.
37reer Immeerna kun iyo laba iyo konton,
38بنو فشحور الف ومئتان وسبعة واربعون.
38reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
39بنو حاريم الف وسبعة عشر
39reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban.
40اما اللاويون فبنو يشوع وقدميئيل من بني هودويا اربعة وسبعون
40Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca iyo reer Qadmii'eel, oo reer Hoodawyaah ka soo farcamay oo ahaa afar iyo toddobaatan.
41المغنون بنو آساف مئة وثمانية وعشرون
41Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo labaatan.
42بنو البوابين بنو شلوم بنو آطير بنو طلمون بنو عقّوب بنو حطيطا بنو شوباي الجميع مئة وتسعة وثلاثون
42Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay, kulligood waxay isku ahaayeen boqol iyo sagaal iyo soddon.
43النثينيم بنو صيحا بنو حسوفا بنو طباعوت
43Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
44بنو قيروس بنو سيعها بنو فادون
44iyo reer Qeeros, iyo reer Siicahaa, iyo reer Faadoon,
45بنو لبانة بنو حجابة بنو عقّوب
45iyo reer Lebaanaah, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Caquub,
46بنو حاجاب بنو شملاي بنو حانان.
46iyo reer Xagaab, iyo reer Shalmay, iyo reer Xaanaan,
47بنو جديل بنو حجر بنو رآيا
47iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar, iyo reer Re'aayaah,
48بنو رصين بنو نقودا بنو جزّام
48iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa, iyo reer Gasaam,
49بنو عزّا بنو فاسيح بنو بيساي
49iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax, iyo reer Beesay,
50بنو اسنة بنو معونيم بنو نفوسيم
50iyo reer Asnaah, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefuusiim,
51بنو بقبوق بنو حقوفا بنو حرحور
51iyo reer Baqbuuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,
52بنو بصلوت بنو محيدا بنو حرشا
52iyo reer Basluud, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,
53بنو برقوس بنو سيسرا بنو ثامح
53iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,
54بنو نصيح بنو حطيفا
54iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa.
55بنو عبيد سليمان بنو سوطاي بنو هسّوفرث بنو فرودا
55Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Hasofered, iyo reer Feruudaa,
56بنو يعلة بنو درقون بنو جدّيل
56iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,
57بنو شفطيا بنو حطّيل بنو فوخرة الظباء بنو آمي.
57iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim iyo reer Aamii.
58جميع النثينيم وبني عبيد سليمان ثلاث مئة واثنان وتسعون
58Reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
59وهؤلاء هم الذين صعدوا من تل ملح وتل حرشا كروب ادّان امّير. ولم يستطيعوا ان يبينوا بيوت آبائهم ونسلهم هل هم من اسرائيل.
59Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addaan, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii iyo jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,
60بنو دلايا بنو طوبيا بنو نقودا ست مئة واثنان وخمسون.
60oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo konton.
61ومن بني الكهنة بنو حبايا بنو هقوص بنو برزلاي الذي اخذ امرأة من بنات برزلاي الجلعادي وتسمى باسمهم.
61Oo kuwii wadaaddada ahaa, waxay ahaayeen reer Xabayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Barsillay oo ahaa reer Gilecaad, oo iyaga lagu magacaabay.
62هؤلاء فتشوا على كتابة انسابهم فلم توجد فرذلوا من الكهنوت
62Kuwanu magacyadoodii waxay ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
63وقال لهم الترشاثا ان لا يأكلوا من قدس الاقداس حتى يقوم كاهن للاوريم والتمّيم.
63Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha quduuska ah wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.
64كل الجمهور معا اثنان واربعون الفا وثلاث مئة وستون
64Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,
65فضلا عن عبيدهم وامائهم فهؤلاء كانوا سبعة آلاف وثلاث مئة وسبعة وثلاثين ولهم من المغنّين والمغنيات مئتان.
65oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol oo ah rag iyo naago gabya.
66خيلهم سبع مئة وستة وثلاثون. بغالهم مئتان وخمسة واربعون
66Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon; baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,
67جمالهم اربع مئة وخمسة وثلاثون. حميرهم ستة آلاف وسبع مئة وعشرون
67geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.
68والبعض من رؤوس الآباء عند مجيئهم الى بيت الرب الذي في اورشليم تبرعوا لبيت الرب لاقامته في مكانه.
68Oo qaar ah madaxdii qabiilooyinka ayaa markay yimaadeen gurigii Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal ikhtiyaarkood wax ugu bixiyey in gurigii Rabbiga meeshiis laga dhiso.
69اعطوا حسب طاقتهم لخزانة العمل واحدا وستين الف درهم من الذهب وخمسة آلاف منّا من الفضة ومئة قميص للكهنة.
69Iyagu intay awoodeen ayay khasnaddii shuqulka siiyeen kow iyo lixdan kun oo dirham oo dahab ah, iyo shan kun oo mina oo lacag ah, iyo boqol khamiis oo ah dhar wadaadood.Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.
70فاقام الكهنة واللاويون وبعض الشعب والمغنون والبوابون والنثينيم في مدنهم وكل اسرائيل في مدنهم
70Sidaas daraaddeed wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii qaarkiis, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo irid-dhawryadii, iyo reer Netiiniimba waxay degeen magaalooyinkoodii, oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay degeen magaalooyinkoodii.