الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Ezra

8

1وهؤلاء هم رؤوس آبائهم ونسبة الذين صعدوا معي في ملك ارتحشستا الملك من بابل.
1Haddaba madaxdii qabiilooyinka waa kuwan, oo kanu waa abtirkii kuwii Baabuloon iga raacay waagii Boqor Artaxshasta dowladnimada haystay.
2من بني فينحاس جرشوم. من بني ايثامار دانيال. من بني داود حطوش.
2Wiilashii Fiinexaas waxaa ka socday Gershoom, wiilashii Iitaamaarna Daanyeel; wiilashii Daa'uudna Xatuush,
3من بني شكنيا من بني فرعوش زكريا وانتسب معه من الذكور مئة وخمسون.
3oo reer Shekaanyaah ka ahaa; wiilashii Farcoshna Sekaryaah, oo waxaa isaga la abtirsaday boqol iyo konton nin.
4من بني فحث موآب اليهوعيناي بن زرحيا ومعه مئتان من الذكور.
4Wiilashii Faxad Moo'aabna waxaa ka socday Elihooceenay oo ahaa ina Seraxyaah; oo waxaa isaga la jiray laba boqol oo nin.
5من بني شكنيا ابن يحزيئيل ومعه ثلاث مئة من الذكور.
5Wiilashii Shekaanyaahna waxaa ka socday ina Yaxasii'eel, oo waxaa isaga la jiray saddex boqol oo nin.
6من بني عادين عابد بن يوناثان ومعه خمسون من الذكور.
6Wiilashii Caadiinna waxaa ka socday Cebed oo ahaa ina Yoonaataan, oo waxaa isaga la jiray konton nin.
7من بني عيلام يشعيا بن عثليا ومعه سبعون من الذكور.
7Wiilashii Ceelaamna waxaa ka socday Yeshacyaah oo ahaa ina Catalyaah, oo waxaa isaga la jiray toddobaatan nin.
8ومن بني شفطيا زبديا بن ميخائيل ومعه ثمانون من الذكور.
8Wiilashii Shefatyaahna waxaa ka socday Sebadyaah oo ahaa ina Miikaa'eel, oo isaga waxaa la jiray siddeetan nin.
9من بني يوآب عوبديا بن يحيئيل ومعه مئتان وثمانية عشر من الذكور.
9Wiilashii Yoo'aabna waxaa ka socday Cobadyaah oo ahaa ina Yexii'eel; oo waxaa isaga la jiray laba boqol iyo siddeed iyo toban nin.
10ومن بني شلوميث ابن يوشفيا ومعه مئة وستون من الذكور.
10Wiilashii Shelomiidna waxaa ka socday ina Yoosifyaah, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo lixdan nin.
11ومن بني باباي زكريا بن باباي ومعه ثمانية وعشرون من الذكور.
11Wiilashii Beebayna waxaa ka socday Sekaryaah oo ahaa ina Beebay, oo waxaa isaga la jiray siddeed iyo labaatan nin.
12ومن بني عسجد يوحانان بن هقّاطان ومعه مئة وعشرة من الذكور.
12Wiilashii Casgaadna waxaa ka socday Yooxaanaan oo ahaa ina Haqaataan, oo waxaa isaga la jiray boqol iyo toban nin.
13ومن بني ادونيقام الآخرين وهذه اسماؤهم اليفلط ويعيئيل وشمعيا ومعهم ستون من الذكور.
13Wiilashii Adoniiqaam oo ugu wada dambeeyeyna waxaa ka socday saddex nin, oo waa kuwan saddexdoodii magac, Eliifeled, iyo Yecuu'eel, iyo Shemacyaah, oo waxaa iyaga la jiray lixdan nin.
14ومن بني بغواي عوتاي وزبّود ومعهما سبعون من الذكور
14Wiilashii Bigwayna waxaa ka socday Cuutay iyo Sabbuud, oo waxaa iyaga la jiray toddobaatan nin.
15فجمعتهم الى النهر الجاري الى اهوا ونزلنا هناك ثلاثة ايام. وتأملت الشعب والكهنة ولكنني لم اجد احدا من اللاويين هناك.
15Oo iyaga waxaan ku soo wada ururiyey webiga u socda xagga Ahawaa, oo halkaasaannu degganayn saddex maalmood; markaasaan dadkii iyo wadaaddadii u fiirsaday, oo halkaasna kama aan helin mid reer Laawi ah.
16فارسلت الى اليعزر واريئيل وشمعيا والناثان وياريب والناثان وناثان وزكريا ومشلام الرؤوس والى يوياريب والناثان الفهيمين
16Oo markaasaan u cid diray Eliiceser, iyo Arii'eel, iyo Shemacyaah, iyo Elnaataan, iyo Yaariib, iyo Elnaataan, iyo Naataan, iyo Sekaryaah, iyo Meshullaam, oo wada ahaa rag madax ah, iyo weliba Yooyaariib iyo Elnaataan, oo iyana ahaa macallimiin.
17وارسلتهم الى ادّو الراس في المكان المسمى كسفيا وجعلت في افواههم كلاما يكلمون به ادّو واخوته النثينيم في المكان كسفيا ليأتوا الينا بخدام لبيت الهنا.
17Oo waxaan iyagii u diray Iddo oo madax ka ahaa meesha Kaasifiyaa la yidhaahdo; oo waxaan iyagii u sheegay wixii ay ku odhan lahaayeen Iddo iyo walaalihiis oo reer Netiiniim ah oo jooga meesha la yidhaahdo Kaasifiyaa, inay noo keenaan midiidinno ka dhex adeega guriga Ilaahayaga.
18فأتوا الينا حسب يد الله الصالحة علينا برجل فطن من بني محلي بن لاوي بن اسرائيل وشربيا وبنيه واخوته ثمانية عشر
18Oo sidii ay gacanta wanaagsan oo Ilaahayagu noo saarnayd, waxay noo keeneen nin waxgarad ah oo ah reer Maxlii, oo ka ah reer Laawi, oo ka sii ah reer binu Israa'iil, iyo Sheereebyaah, iyo wiilashiisii iyo walaalihiis oo siddeed iyo toban isku ahaa,
19وحشبيا ومعه يشعيا من بني مراري واخوته وبنوهم عشرون.
19iyo Xashabyaah, iyo Yeshacyaah oo ahaa reer Meraarii, iyo walaalihiis iyo wiilashoodii oo labaatan isku ahaa,
20ومن النثينيم الذين جعلهم داود مع الرؤساء لخدمة اللاويين من النثينيم مئتين وعشرين. الجميع تعينوا باسمائهم.
20iyo reer Netiiniim oo ay Daa'uud iyo amiirradiisii u dhiibeen adeegiddii reer Laawi oo laba boqol iyo labaatan ahaa, oo dhammaantoodna ninba magiciisii baa loogu yeedhi jiray.
21وناديت هناك بصوم على نهر اهوا لكي نتذلل امام الهنا لنطلب منه طريقا مستقيمة لنا ولاطفالنا ولكل ما لنا.
21Oo markaasaan, intii aannu joognay Webi Ahawaa, halkaas kaga dhawaaqay in la soomo, inaannu isku hoosaysiinno Ilaahayaga hortiisa, inaannu ka barinno jid toosan oo annaga iyo dhallaankayaga iyo xoolahayaga oo dhammuba aannu marno.
22لاني خجلت من ان اطلب من الملك جيشا وفرسانا لينجدونا على العدو في الطريق لاننا كلمنا الملك قائلين ان يد الهنا على كل طالبيه للخير. وصولته وغضبه على كل من يتركه.
22Waayo, waxaan ka xishooday inaan boqorka weyddiisto koox askar iyo fardooley ah inay naga caawiyaan cadowga jidka noo jooga, maxaa yeelay, boqorka baannu la hadallay oo ku nidhi, Gacanta Ilaahayagu waxay saaran tahay intii isaga doondoonta oo dhan, wayna u wanaagsan tahay; laakiinse xooggiisa iyo cadhadiisu waxay ka gees yihiin in alla intii isaga ka tagta oo dhan.
23فصمنا وطلبنا ذلك من الهنا فاستجاب لنا.
23Sidaas daraaddeed waannu soonnay, oo waxaannu ka barinnay Ilaahayo wax taas ku saabsan, wuuna naga aqbalay.
24وافرزت من رؤساء الكهنة اثني عشر شربيا وحشبيا ومعهما من اخوتهما عشرة.
24Markaasaan gooni u soocay laba iyo toban nin oo wadaaddada madaxdoodii ah, oo waxay ahaayeen Sheereebyaah iyo Xashabyaah, iyo toban iyaga la jiray oo walaalahood ah,
25ووزنت لهم الفضة والذهب والآنية تقدمة بيت الهنا التي قدمها الملك ومشيروه ورؤساؤه وجميع اسرائيل الموجودين.
25oo waxaan u miisaamay lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii ahaa qurbaankii loo bixiyey guriga Ilaah oo ay wada bixiyeen boqorkii iyo lataliyayaashiisii iyo amiirradiisii, iyo reer binu Israa'iilkii halkaas joogay oo dhan.
26وزنت ليدهم ست مئة وخمسين وزنة من الفضة ومئة وزنة من آنية الفضة ومئة وزنة من الذهب
26Waxaan iyaga u miisaamay oo gacanta u geliyey lix boqol iyo konton talanti oo lacag ah, iyo weelal lacag ah oo iyana boqol talanti ah, iyo boqol talanti oo dahab ah,
27وعشرين قدحا من الذهب الف درهم وآنية من نحاس صقيل جيد ثمين كالذهب.
27iyo labaatan maddiibadood oo dahab ah oo iyana kun dirham ah, iyo laba weel oo ah naxaas dhalaalaysa oo sida dahab qaali u ah.
28وقلت لهم انتم مقدسون للرب والآنية مقدسة والفضة والذهب تبرع للرب اله آبائكم.
28Oo markaasaan ku idhi, Idinku Rabbigaad quduus u tihiin oo weelashuna waa quduus, oo lacagta iyo dahabka waa qurbaan ikhtiyaar loogu bixiyey Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin.
29فاسهروا واحفظوها حتى تزنوها امام رؤساء الكهنة واللاويين ورؤساء آباء اسرائيل في اورشليم في مخادع بيت الرب.
29Haddaba idinku dhawra oo xajiya ilaa aad ku hor miisaantaan wadaaddada sare, iyo kuwa reer Laawi, iyo amiirrada qolooyinka reer binu Israa'iil, idinkoo jooga qolladaha guriga Ilaah ee Yeruusaalem.
30فاخذ الكهنة واللاويون وزن الفضة والذهب والآنية ليأتوا بها الى اورشليم الى بيت الهنا
30Sidaasay wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi u aqbaleen miisaankii lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii inay geeyaan Yeruusaalem iyo ilaa guriga Ilaahayo.
31ثم رحلنا من نهر اهوا في الثاني عشر من الشهر الاول لنذهب الى اورشليم وكانت يد الهنا علينا فانقذنا من يد العدو والكامن على الطريق.
31Markaasaannu Webi Ahawaa ka tagnay, oo Yeruusaalem u ambabbaxnay bishii kowaad maalinteedii laba iyo tobnaad; oo waxaa na saarnayd gacantii Ilaahayo, wuuna naga samatabbixiyey gacantii cadowga iyo kuwii jidka noogu gabbanayay.
32فأتينا الى اورشليم واقمنا هناك ثلاثة ايام.
32Oo waxaannu nimid Yeruusaalem oo halkaasaannu intii saddex maalmood ah iska joognay.
33وفي اليوم الرابع وزنت الفضة والذهب والآنية في بيت الهنا على يد مريموث بن اوريا الكاهن ومعه العازار بن فينحاس ومعهما يوزاباد بن يشوع ونوعديا بن بنّوي اللاويان.
33Oo maalintii afraad ayaa lacagtii iyo dahabkii iyo weelashii lagu dhex miisaamay gurigii Ilaahayo oo waxaa gacanta loo geliyey wadaadkii Mereemood oo ahaa ina Uuriyaah, oo waxaa isaga la jiray Elecaasaar oo ahaa ina Fiinexaas; oo waxaa kaloo iyaga la jiray Yoosaabaad oo ahaa ina Yeeshuuca, iyo Noocadyaah oo ahaa ina Binnuwii oo iyana ahaa reer Laawi;
34بالعدد والوزن للكل وكتب كل الوزن في ذلك الوقت.
34oo alaabtii oo dhan waxay ku wada guddoomeen tiro iyo miisaan, oo miisaankii oo dhanna waagaas ayaa la wada qoray.
35وبنو السبي القادمون من السبي قرّبوا محرقات لاله اسرائيل اثني عشر ثورا عن كل اسرائيل وستة وتسعين كبشا وسبعة وسبعين خروفا واثني عشر تيسا ذبيحة خطية. الجميع محرقة للرب.
35Oo dadkii maxaabiista ahaan jiray ee masaafuriska ka soo noqday, waxay Ilaaha reer binu Israa'iil allabaryo la gubo ugu bixiyeen laba iyo toban dibi reer binu Israa'iil oo dhan aawadiis, iyo lix iyo sagaashan wan, iyo toddoba iyo toddobaatan baraar ah, iyo laba iyo toban orgi oo qurbaan dembi loo bixiyey; oo kulli intaas oo dhammu waxay ahaayeen allabaryo la gubo oo Rabbiga loo bixiyey.Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.
36واعطوا اوامر الملك لمرازبة الملك وولاة عبر النهر فاعانوا الشعب وبيت الله
36Oo waxay amarkii boqorka u geeyeen saraakiishii boqorka iyo taliyayaashii webiga ka shisheeyey; oo iyana way taageereen dadkii iyo gurigii Ilaah.