1ثم العهد الاول كان له فرائض خدمة والقدس العالمي.
1Xataa axdigii hore wuxuu lahaa qaynuunno ku saabsan caabudid, iyo meel quduus ah ee dunidatan.
2لانه نصب المسكن الاول الذي يقال له القدس الذي كان فيه المنارة والمائدة وخبز التقدمة.
2Waayo, waxaa la dhisay taambuug; intii hore waxaa ku jiray laambadaha isku yiil, iyo miiska, iyo kibista tusniinta, oo waxaa la odhan jiray Meeshii Quduuska ahayd.
3ووراء الحجاب الثاني المسكن الذي يقال له قدس الاقداس
3Daaha labaad shishediisa waxaa ku jiray taambuuggii la odhan jiray, Quduuskii Quduusyada,
4فيه مبخرة من ذهب وتابوت العهد مغشّى من كل جهة بالذهب الذي فيه قسط من ذهب فيه المنّ وعصا هرون التي افرخت ولوحا العهد.
4isagoo leh girgire dahab ah oo foox lagu shido, iyo sanduuqii axdiga oo kulligiis dahab lagu dahaadhay, dhexdiisana waxaa ku jiray weel dahab ah oo maannadii ku jirto, iyo ushii Haaruun oo magooshay, iyo looxyadii axdiga;
5وفوقه كروبا المجد مظللين الغطاء. اشياء ليس لنا الآن ان نتكلم عنها بالتفصيل.
5dushiisana Keruubiimtii ammaanta oo hadhaynaya daboolka kafaaraggudka, waxyaalahaas oo aannan hadda gooni gooni uga hadli karin.
6ثم اذ صارت هذه مهيأة هكذا يدخل الكهنة الى المسكن الاول كل حين صانعين الخدمة.
6Haddaba waxyaalahan oo sidaas loo diyaariyey, wadaaddadu waxay had iyo goor galaan taambuugga kowaad iyagoo shuqulka dhammaynaya.
7واما الى الثاني فرئيس الكهنة فقط مرة في السنة ليس بلا دم يقدمه عن نفسه وعن جهالات الشعب
7Laakiin kan labaad waxaa sannaddiiba mar gala wadaadka sare oo keliya, isagoo aan dhiigla'aan gelaynin. Oo dhiiggaas wuxuu u bixiyaa naftiisa iyo dembiyada dadku aqoonla'aanta ku sameeyo.
8معلنا الروح القدس بهذا ان طريق الاقداس لم يظهر بعد ما دام المسكن الاول له اقامة
8Ruuxa Quduuska ahu wuxuu tilmaamaa inaan jidkii Quduuskii Quduusyada weli la muujin, inta taambuugga hore weli taagan yahay.
9الذي هو رمز للوقت الحاضر الذي فيه تقدم قرابين وذبائح لا يمكن من جهة الضمير ان تكمّل الذي يخدم
9Tani wakhtiga la joogo waa masaal, sida loo bixiyo hadiyado iyo allabaryo, kuwaas oo aan kaamil ka dhigi karin caabudaha niyadiisa,
10وهي قائمة باطعمة واشربة وغسلات مختلفة وفرائض جسدية فقط موضوعة الى وقت الاصلاح.
10iyagoo ku saabsan cuntooyin iyo cabbitin iyo maydhmaydhid kala duwan oo ah amarrada jidhka oo keliya oo la dejiyey ilaa wakhtiga hagaajinta.
11واما المسيح وهو قد جاء رئيس كهنة للخيرات العتيدة فبالمسكن الاعظم والاكمل غير المصنوع بيد اي الذي ليس من هذه الخليقة
11Masiixu wuxuu yimid, isagoo ah wadaadka sare ee waxyaalaha wanaagsan oo iman doona. Taambuuggii wadaadnimadiisu wuxuu ahaa ku ka weyn oo ka kaamilsan, oo aan gacmo lagu samayn, kaasu waxaa weeyaan mid aan abuuristan ka iman.
12وليس بدم تيوس وعجول بل بدم نفسه دخل مرة واحدة الى الاقداس فوجد فداء ابديا.
12Mar buu wada galay meeshii quduuska ahayd, isagoo aan orgiyo iyo weylal dhiiggoodii wadin, laakiin wuxuu waday dhiiggiisa, sidaasuu furasho weligeed ah inoogu helay.
13لانه ان كان دم ثيران وتيوس ورماد عجلة مرشوش على المنجسين يقدس الى طهارة الجسد
13Waayo, haddii orgiyo iyo dibiyo dhiiggooda, iyo qaalin dambaskeeda lagu rusheeyo kuwa nijaasoobay, ay quduus ka dhigaan in jidhka la nadiifiyo,
14فكم بالحري يكون دم المسيح الذي بروح ازلي قدم نفسه للّه بلا عيب يطهر ضمائركم من اعمال ميتة لتخدموا الله الحي
14intee ka badan ayuu dhiigga Masiix, kan Ruuxa weligiis ah isugu bixiyey Ilaah isagoo aan eed lahayn, niyadiinna ka nadiifin kara shuqullada dhintay si aad ugu adeegtaan Ilaaha nool?
15ولاجل هذا هو وسيط عهد جديد لكي يكون المدعوون اذ صار موت لفداء التعديات التي في العهد الاول ينالون وعد الميراث الابدي.
15Oo sidaas daraaddeed isagu waa dhexdhexaadiyaha axdiga cusub in kuwii loo yeedhay ay helaan dhaxalka weligiis ah oo la ballanqaaday, waayo, dhimashadu waxay u noqotay ka madaxfurashada xadgudubyada lagu sameeyey axdigii hore.
16لانه حيث توجد وصية يلزم بيان موت الموصي.
16Waayo, meeshii dardaaran jiro waa lagamamaarmaan inuu kii dardaarmay dhinto.
17لان الوصية ثابتة على الموتى اذ لا قوة لها البتة ما دام الموصي حيا.
17Waayo, dardaaranka waa la fuliyaa meeshii dhimasho jirto, maxaa yeelay, waxba ma taro intii kii dardaarmay nool yahay.
18فمن ثم الاول ايضا لم يكرس بلا دم
18Haddaba xataa axdigii hore laguma gelin dhiigla'aan.
19لان موسى بعدما كلم جميع الشعب بكل وصية بحسب الناموس اخذ دم العجول والتيوس مع ماء وصوفا قرمزيا وزوفا ورشّ الكتاب نفسه وجميع الشعب
19Waayo, markii Muuse amar kasta kula hadlay dadka oo dhan sida sharcigu leeyahay, wuxuu qaaday dhiiggii weylalka iyo orgiyada, iyo biyo, iyo dhogor guduudan, iyo geed husob la yidhaahdo, oo wuxuu ku rusheeyey kitaabka qudhiisa iyo dadka oo dhanba,
20قائلا هذا هو دم العهد الذي اوصاكم الله به.
20isagoo leh, Kanu waa dhiiggii axdiga oo Ilaah idinku amray.
21والمسكن ايضا وجميع آنية الخدمة رشها كذلك بالدم.
21Sidaas oo kalena taambuugga iyo weelasha lagu adeego oo dhan ayuu ku rusheeyey dhiiggii.
22وكل شيء تقريبا يتطهر حسب الناموس بالدم وبدون سفك دم لا تحصل مغفرة
22Inta badan wax walba waxaa lagu nadiifiyaa dhiig sida sharcigu leeyahay, oo dhiigdaadinla'aan dembidhaaf ma jiro.
23فكان يلزم ان امثلة الاشياء التي في السموات تطهر بهذه واما السماويات عينها فبذبائح افضل من هذه.
23Haddaba lagamamaarmaan bay ahayd in u-ekaanta waxyaalaha jannooyinka ku jira kuwan lagu nadiifiyo; laakiin waxyaalaha jannada qudhooda waa in lagu nadiifiyo allabaryo kuwan ka wanaagsan.
24لان المسيح لم يدخل الى اقداس مصنوعة بيد اشباه الحقيقية بل الى السماء عينها ليظهر الآن امام وجه الله لاجلنا.
24Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo.
25ولا ليقدم نفسه مرارا كثيرة كما يدخل رئيس الكهنة الى الاقداس كل سنة بدم آخر
25Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn.
26فاذ ذاك كان يجب ان يتألم مرارا كثيرة منذ تأسيس العالم ولكنه الآن قد اظهر مرة عند انقضاء الدهور ليبطل الخطية بذبيحة نفسه.
26Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa.
27وكما وضع للناس ان يموتوا مرة ثم بعد ذلك الدينونة
27Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo,sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.
28هكذا المسيح ايضا بعدما قدّم مرة لكي يحمل خطايا كثيرين سيظهر ثانية بلا خطية للخلاص للذين ينتظرونه
28sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.