1وكانت القرعة لسبط بني يهوذا حسب عشائرهم الى تخم ادوم برية صين نحو الجنوب اقصى التيمن.
1Oo reer Yahuudah qabiilkoodii waxay qayb u heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen ilaa soohdinta Edom, iyo tan iyo xataa cidlada Sin ee xagga koonfureed ka xigta, iyo xagga koonfureed ee ugu shishaysa.
2وكان تخمهم الجنوبي اقصى بحر الملح من اللسان المتوجه نحو الجنوب.
2Oo soohdintooda koonfureedna waxay gaadhsiisnayd xagga ugu shishaysa ee Badda Cusbada leh, iyo tan iyo gacanka koonfur u jeeda,
3وخرج الى جنوب عقبة عقربّيم وعبر الى صين وصعد من جنوب قادش برنيع وعبر الى حصرون وصعد الى ادّار ودار الى القرقع
3oo waxay u baxday xagga koonfureed ee jiirta Caqrabbiim, oo waxay u dhaaftay xagga Sin, oo haddana waxay martay xagga koonfureed oo Qaadeesh Barneeca, oo ay martay xagga Xesroon, oo waxay kor ugu baxday xagga Addaar, oo u laabatay xagga Qarqaacaa;
4وعبر الى عصمون وخرج الى وادي مصر وكانت مخارج التخم عند البحر. هذا يكون تخمكم الجنوبي.
4oo waxay u sii dhaaftay xagga Casmoon, oo haddana waxay u baxday xagga durdurka Masar, oo soohdinta waxaa dhammaadkeedu ahaa badda; taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna koonfureed.
5وتخم الشرق بحر الملح الى طرف الاردن. وتخم جانب الشمال من لسان البحر اقصى الاردن.
5Oo soohdinta barina waxay ahayd ilaa Badda Cusbada leh, iyo tan iyo meesha uu Webi Urdun ku dhammaado. Oo waaxda woqooyi soohdinteeduna waxay ahayd badda gacankeeda u dhow meesha uu Webi Urdun ku dhammaado;
6وصعد التخم الى بيت حجلة وعبر من شمال بيت العربة وصعد التخم الى حجر بوهن بن رأوبين
6oo soohdintu waxay martay ilaa Beytxoglaah, oo waxay sii martay xagga woqooyi oo u dhow Beytcaraabaah; oo soohdintu waxay martay dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
7وصعد التخم الى دبير من وادي عخور وتوجه نحو الشمال الى الجلجال التي مقابل عقبة ادميم التي من جنوبي الوادي. وعبر التخم الى مياه عين شمس وكانت مخارجه الى عين روجل.
7oo soohdintu waxay sii martay Debiir, marka laga tago dooxadii Caakoor, iyo xagga woqooyi ee ku soo jeedda Gilgaal, taasu waxa weeyaan meel ku toosan jiirta Adummiim, taasoo ku taal webiga dhiniciisa koonfureed; oo soohdintu waxay sii martay biyaha Ceyn Shemesh, oo dhammaadkeedu wuxuu ahaa Ceyn Rogeel agteeda;
8وصعد التخم في وادي ابن هنوم الى جانب اليبوسي من الجنوب. هي اورشليم. وصعد التخم الى راس الجبل الذي قبالة وادي هنوم غربا الذي هو في طرف وادي الرفائيين شمالا.
8oo soohdintu waxay sii martay dooxadii ina Xinnom iyo ilaa xagga koonfureed ee Yebuus. Taasu waa Yeruusaalem. Oo soohdintu waxay kor ugu baxday buurta ku taal dooxadii Xinnom horteeda ee xaggeeda galbeed, taasoo ku taal dooxada xagga woqooyi oo ugu fog ee reer Rafaa.
9وامتد التخم من راس الجبل الى منبع مياه نفتوح وخرج الى مدن جبل عفرون وامتد التخم الى بعلة. هي قرية يعاريم.
9Oo soohdintu waxay ka soo baxday buurta dhaladeeda ilaa isha biyaha ee Neftoo'ax, oo ay u baxday xagga magaalooyinkii ku yiil Buur Cefroon; oo soohdintu waxay sii martay xagga Bacalaah, (taasu waxa weeyaan Qiryad Yecaariim),
10وامتد التخم من بعلة غربا الى جبل سعير وعبر الى جانب جبل يعاريم من الشمال. هي كسالون ونزل الى بيت شمس وعبر الى تمنة.
10markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh;
11وخرج التخم الى جانب عقرون نحو الشمال وامتد التخم الى شكرون وعبر جبل البعلة وخرج الى يبنئيل وكان مخارج التخم عند البحر.
11markaasay soohdintu u baxday dhinaca woqooyi oo Ceqroon; oo haddana soohdintu waxay u baxday Shikeroon, oo waxay sii martay Buur Bacalaah, oo waxay u baxday Yabne'eel agteeda; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa badda.
12والتخم الغربي البحر الكبير وتخومه. هذا تخم بني يهوذا مستديرا حسب عشائرهم
12Oo soohdinta xagga galbeedna waxay ahayd tan iyo badda weyn iyo xeebteeda. Intaasu waa soohdintii ku soo wareegi jirtay reer Yahuudah sida reerahoodu ahaayeen.
13واعطى كالب بن يفنّة قسما في وسط بني يهوذا حسب قول الرب ليشوع قرية اربع ابي عناق. هي حبرون.
13Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).
14وطرد كالب من هناك بني عناق الثلاثة شيشاي واخيمان وتلماي اولاد عناق.
14Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.
15وصعد من هناك الى سكان دبير وكان اسم دبير قبلا قرية سفر.
15Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.
16وقال كالب. من يضرب قرية سفر ويأخذها اعطيه عكسة ابنتي امرأة.
16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
17فاخذها عثنيئيل بن قناز اخو كالب. فاعطاه عكسة ابنته امرأة.
17Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
18وكان عند دخولها انها غرته بطلب حقل من ابيها. فنزلت عن الحمار فقال لها كالب ما لك.
18Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
19فقالت اعطني بركة. لانك اعطيتني ارض الجنوب فاعطني ينابيع ماء فاعطاها الينابيع العليا والينابيع السفلى
19Kolkaasay ku tidhi, Hadiyad i sii, waayo, waxaad i siisay dalka Koonfureed, weliba i sii ilo biyo ah. Markaasuu siiyey ilihii sare iyo ilihii hoose.
20هذا نصيب سبط بني يهوذا حسب عشائرهم.
20Intanu waa dhaxalkii ay reer Yahuudah heleen sidii ay reerahoodu ahaayeen.
21وكانت المدن القصوى التي لسبط بني يهوذا الى تخم ادوم جنوبا قبصئيل وعيدر وياجور
21Oo qabiilkii reer Yahuudah magaalooyinkoodii ugu fogaa xagga soohdinta koonfureed oo Edom waxay ahaayeen Qabse'eel, iyo Ceeder, iyo Yaaguur,
22وقينة وديمونة وعدعدة
22iyo Qiinaah, iyo Diimoonaah, iyo Cadcaadaah,
23وقادش وحاصور ويثنان
23iyo Qedesh, iyo Xaasoor, iyo Itnaan,
24وزيف وطالم وبعلوت
24iyo Siif, iyo Telem, iyo Becaalood,
25وحاصور وحدتّة وقريوت وحصرون. هي حاصور.
25iyo Xaasoor Xadataah, iyo Qiryood Xesroon (oo taasuna waa Xaasoor qudheeda),
26وامام وشماع ومولادة
26iyo Amaam, iyo Shemac, iyo Molaadaah,
27وحصر جدة وحشمون وبيت فالط
27iyo Xasar Gaddaah, iyo Xeshmoon, iyo Beytfeled,
28وحصر شوعال وبئر سبع وبزيوتية
28iyo Xasar Shuucaal, iyo Bi'ir Shebac, iyo Bisyootiyaah,
29وبعلة وعيّيم وعاصم
29iyo Bacalaah, iyo Ciyiim, iyo Cesem,
30وألتولد وكسيل وحرمة
30iyo Eltoolad, iyo Kesiil, iyo Xormaah,
31وصقلغ ومدمنة وسنسنة
31iyo Siiqlag, iyo Madmannaah, iyo Sansannaah,
32ولباوت وشلحيم وعين ورمّون. كل المدن تسع وعشرون مع ضياعها
32iyo Lebaa'ood, iyo Shilxiim, iyo Cayn, iyo Rimmon, oo magaalooyinka oo dhan iyo tuulooyinkooduba waa sagaal iyo labaatan.
33في السهل اشتأول وصرعة وأشنة
33Oo dalka dooxadana waxay ku lahaayeen Eshtaa'ool, iyo Sorcaah, iyo Ashnaah,
34وزانوح وعين جنيم وتفوح وعينام
34iyo Saanoo'ax, iyo Ceyn Ganniim, iyo Tafuu'ax, iyo Ceynaam,
35ويرموت وعدلام وسوكوه وعزيقة
35iyo Yarmuud, iyo Cadullaam, iyo Sokoh, iyo Caseeqaah,
36وشعرايم وعديتايم والجديرة وجديروتايم. اربع عشرة مدينة مع ضياعها
36iyo Shacarayim, iyo Cadiitayim, iyo Gedeeraah, iyo Gedeerootayim, oo iyana waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
37صنان وحداشة ومجدل جاد
37Iyo Senaan, iyo Xadaashaah, iyo Migdal Gaad,
38ودلعان والمصفاة ويقتيئيل
38iyo Dilcaan, iyo Misfaah, iyo Yoqte'eel,
39ولخيش وبصقة وعجلون
39iyo Laakiish, iyo Bosqad, iyo Cegloon,
40وكبون ولحمام وكتليش
40iyo Kabboon, iyo Laxmaam, iyo Kitliish,
41وجديروت بيت داجون ونعمة ومقيدة. ست عشرة مدينة مع ضياعها.
41iyo Gedeerood, iyo Beytdagoon, iyo Nacamaah, iyo Maqeedaah, iyana waa lix iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
42لبنة وعاتر وعاشان
42Libnaah, iyo Ceter, iyo Caashaan,
43ويفتاح واشنة ونصيب
43iyo Yiftaax, iyo Ashnaah, iyo Nesiib,
44وقعيلة واكزيب ومريشة. تسع مدن مع ضياعها
44iyo Qeciilaah, iyo Aksiib, iyo Maareeshaah, oo iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
45عقرون وقراها وضياعها.
45Ceqroon, iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii,
46من عقرون غربا كل ما بقرب اشدود وضياعها.
46iyo Ceqroon iyo ilaa badda, iyo kulli intii u dhowayd Ashdood iyo tuulooyinkoodii.
47اشدود وقراها وضياعها وغزة وقراها وضياعها الى وادي مصر والبحر الكبير وتخومه
47Ashdood iyo magaalooyinkeedii iyo tuulooyinkeedii, iyo Gaasa iyo magaalooyinkeedii, iyo tuulooyinkeedii, iyo ilaa durdurkii Masar, iyo ilaa badda weyn, iyo soohdinteeda.
48وفي الجبل شامير ويتّير وسوكوه
48Iyo dalkii buuraha lahaa oo dhan, iyo Shamiir, iyo Yatiir, iyo Sokoh,
49ودنّة وقرية سنّة. هي دبير.
49iyo Dannaah, iyo Qiryad Sannaah (taasoo Debiir ah),
50وعناب واشتموه وعانيم
50iyo Canaab, iyo Eshtemoh, iyo Caaniim,
51وجوشن وحولون وجيلوه. احدى عشرة مدينة مع ضياعها.
51iyo Goshen, iyo Xolon, iyo Giloh, iyana waa koob iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
52أراب ودومة واشعان
52Araab, iyo Duumah, iyo Eshecaan,
53وينوم وبيت تفوح وافيقة
53iyo Yaaniim iyo Beyd Tafuu'ax, iyo Afeeqaah,
54وحمطة وقرية اربع. هي حبرون وصيعور. تسع مدن مع ضياعها.
54Xumtaah, iyo Qiryad Arbac (taasoo ah Xebroon), iyo Siicor, iyana waa sagaal magaalo iyo tuulooyinkoodii.
55معون وكرمل وزيف ويوطة
55Iyo Maacoon, iyo Karmel, iyo Siif, iyo Yutaah,
56ويزرعيل ويقدعام وزانوح
56iyo Yesreceel, iyo Yokdecaam, iyo Saanoo'ax,
57والقاين وجبعة وتمنة. عشر مدن مع ضياعها.
57Kayn, iyo Gibecaah, iyo Timneh, iyana waa toban magaalo iyo tuulooyinkoodii.
58حلحول وبيت صور وجدور
58Xalxuul, iyo Beytsuur, iyo Gedoor,
59ومعارة وبيت عنوت والتقون. ست مدن مع ضياعها
59iyo Macaraad, iyo Beytcanood, iyo Elteqon, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.
60قرية بعل. هي قرية يعاريم. والربّة. مدينتان مع ضياعهما
60Qiryad Bacal (taasoo ah Qiryad Yecaariim), iyo Rabbaah, iyana waa laba magaalo iyo tuulooyinkoodii.
61في البرية بيت العربة ومدّين وسكاكة
61Xagga cidladana waxay ku lahaayeen Beytcaraabaah, iyo Middiin, iyo Sekaakaah,
62والنبشان ومدينة الملح وعين جدي. ست مدن مع ضياعها.
62iyo Nibshaan iyo Magaalada Cusbada leh iyo Ceyn Gedii, iyana waa lix magaalo iyo tuulooyinkoodii.Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.
63واما اليبوسيون الساكنون في اورشليم فلم يقدر بنو يهوذا على طردهم فسكن اليبوسيون مع بني يهوذا في اورشليم الى هذا اليوم
63Xagga reer Yebuus, kuwaasoo Yeruusaalem degganaa, reer Yahuudah way eryi kari waayeen; laakiinse reer Yebuus Yeruusaalem bay la degganaayeen reer Yahuudah ilaa maantadan la joogo.