الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Joshua

18

1واجتمع كل جماعة بني اسرائيل في شيلوه ونصبوا هناك خيمة الاجتماع. وأخضعت الارض قدامهم.
1Oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu Shiiloh bay dhammaantood isugu soo urureen, oo waxay halkaas ka dhiseen teendhadii shirka; oo dadkii waddankana waa laga adkaaday.
2وبقي من بني اسرائيل ممن لم يقسموا نصيبهم سبعة اسباط.
2Oo reer binu Israa'iil dhexdooda waxaa ku hadhay toddoba qabiil oo aan weli helin qaybtii ay dhaxalka u lahaayeen.
3فقال يشوع لبني اسرائيل حتى متى انتم متراخون عن الدخول لامتلاك الارض التي اعطاكم اياها الرب اله آبائكم.
3Markaasaa Yashuuca wuxuu reer binu Israa'iil ku yidhi, Dalkii uu Rabbiga ah Ilaaha awowayaashiin idin siiyey ilaa goormaad ka raagaysaan inaad gashaan si aad dalka u hantidaan?
4هاتوا ثلاثة رجال من كل سبط فارسلهم فيقوموا ويسيروا في الارض ويكتبوها بحسب انصبتهم ثم يأتوا اليّ.
4Haddaba qabiil walba saddex nin kala soo baxa; oo anigu iyaga waan diri doonaa, markaas waa inay kacaan, oo dalka dhex maraan, oo soo kala tilmaamaan siday u kala dhaxlayaan, oo markaas waa inay ii yimaadaan.
5وليقسموها الى سبعة اقسام فيقيم يهوذا على تخمه من الجنوب ويقيم بيت يوسف على تخمهم من الشمال.
5Oo waa inay dalka u kala qaybiyaan toddoba meelood. Reer Yahuudah waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga koonfureed, oo reer Yuusufna waa inay degganaadaan soohdintooda ah xagga woqooyi.
6وانتم تكتبون الارض سبعة اقسام ثم تأتون اليّ هنا فالقي لكم قرعة ههنا امام الرب الهنا.
6Oo waa inaad dalka u soo kala tilmaantaan toddoba meelood, oo aad tilmaanta ii keentaan, oo markaasaan halkan idiinku saami ridi doonaa Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa.
7لانه ليس للاويين قسم في وسطكم لان كهنوت الرب هو نصيبهم وجاد ورأوبين ونصف سبط منسّى قد اخذوا نصيبهم في عبر الاردن نحو الشروق الذي اعطاهم اياه موسى عبد الرب.
7Maxaa yeelay, reer Laawi dhexdiinna qayb dhaxal ah kuma laha; waayo wadaadnimada Rabbiga ayaa dhaxal u ah. Oo reer Gaad iyo reer Ruubeen iyo qabiilkii reer Manaseh badhkood waxay dhaxal u qaateen meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga bari ka xigta, oo Muuse oo addoonkii Rabbiga ahaa uu iyaga siiyey.
8فقام الرجال وذهبوا. واوصى يشوع الذاهبين لكتابة الارض قائلا. اذهبوا وسيروا في الارض واكتبوها ثم ارجعوا اليّ فالقي لكم هنا قرعة امام الرب في شيلوه.
8Markaasaa raggii kaceen oo tageen; oo kuwii tegey inay dalka soo tilmaamaan Yashuuca ayaa ku amray, oo ku yidhi, Taga oo dalka dhex mara, oo soo tilmaama, oo haddana aniga ii kaalaya, oo markaasaan halkan Shiiloh ah idiinku saami ridi doonaa Rabbiga hortiisa.
9فسار الرجال وعبروا في الارض وكتبوها حسب المدن سبعة اقسام في سفر ثم جاءوا الى يشوع الى المحلّة في شيلوه.
9Markaasay raggii tageen oo dalkii soo dhex mareen, oo waxay soo kala tilmaameen magaalooyinkii oo toddoba meelood u kala qaybsan, oo waxayna ku soo qoreen buug, oo markaasay u yimaadeen Yashuuca oo joogay xerada Shiiloh ku taal.
10فالقى لهم يشوع قرعة في شيلوه امام الرب وهناك قسم يشوع الارض لبني اسرائيل حسب فرقهم
10Markaasaa Yashuuca Shiiloh ugu saami riday iyagii Rabbiga hortiisa; oo halkaasaa Yashuuca reer binu Israa'iil ugu qaybshay dalkii sidii ay u kala qaybsanaayeen.
11وطلعت قرعة سبط بني بنيامين حسب عشائرهم. وخرج تخم قرعتهم بين بني يهوذا وبني يوسف.
11Oo qabiilkii reer Benyaamiin saamigoodii ay u heleen sidii ay reerahoodii kala ahaayeen ayaa u soo hor baxay; oo soohdintoodii ay saamiga u heleen waxay kala dhex mari jirtay reer Yahuudah iyo reer Yuusuf.
12وكان تخمهم من جهة الشمال من الاردن. وصعد التخم الى جانب اريحا من الشمال وصعد في الجبل غربا وكانت مخارجه عند برية بيت آون.
12Oo soohdintoodu xagga waaxda woqooyi waxay ka bilaabatay Webi Urdun; oo soohdintu waxay u baxday Yerixoo dhinaceeda woqooyi, oo waxay dhex martay dalka buuraha leh xaggiisa galbeed; oo dhammaadkeedii wuxuu u baxay cidladii Beytaawen.
13وعبر التخم من هناك الى لوز الى جانب لوز الجنوبي. هي بيت ايل. ونزل التخم الى عطاروت ادّار على الجبل الذي الى جنوب بيت حورون السفلى.
13Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed.
14وامتد التخم ودار الى جهة الغرب جنوبا من الجبل الذي مقابل بيت حورون جنوبا. وكانت مخارجه عند قرية بعل. هي قرية يعاريم. مدينة لبني يهوذا. هذه هي جهة الغرب.
14Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.
15وجهة الجنوب هي اقصى قرية يعاريم وخرج التخم غربا وخرج الى منبع مياه نفتوح.
15Oo waaxdii koonfureedna waxay ka bilaabatay meesha ugu fog Qiryad Yecaariim, oo soohdintu waxay martay xagga galbeed, oo waxay u baxday ishii biyaha ahayd oo Neftoo'ax;
16ونزل التخم الى طرف الجبل الذي مقابل وادي ابن هنوم الذي في وادي الرفائيين شمالا ونزل الى وادي هنوم الى جانب اليبوسيين من الجنوب ونزل الى عين روجل
16oo soohdintu waxay ku dhaadhacday meesha ugu fog buurta ku hor taal dooxadii ina Xinnom, taasoo ku taal xagga woqooyi oo dooxada reer Rafaa, oo waxay ku dhaadhacday ilaa dooxadii Xinnom, iyo ilaa dhinaca reer Yebuus xaggooda koonfureed, oo waxay kaloo sii martay Ceyn Rogeel,
17وامتد من الشمال وخرج الى عين شمس وخرج الى جليلوت التي مقابل عقبة ادميم ونزل الى حجر بوهن بن رأوبين
17oo waxay u leexatay xagga woqooyi, oo waxay martay Ceyn Shemesh agteeda; oo waxay u baxday Geliilood, taasoo ka soo hor jeedda jiirta Adummiim; oo haddana waxay u baxday dhagaxii Bohan ina Ruubeen;
18وعبر الى الكتف مقابل العربة شمالا ونزل الى العربة.
18oo waxay sii martay dhinaca ka soo hor jeeda Caraabaah xaggeeda woqooyi, oo waxay ku dhaadhacday Caraabaah;
19وعبر التخم الى جانب بيت حجلة شمالا وكانت مخارج التخم عند لسان بحر الملح شمالا الى طرف الاردن جنوبا هذا هو تخم الجنوب.
19oo soohdintu waxay sii martay Beytxoglaah dhinaceeda woqooyi; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga gacanka woqooyi oo Badda Cusbada leh, ee ku yaal Webi Urdun dhammaadkiisa koonfureed meesha uu ku dhammaado; intaasu waa soohdintii koonfureed.
20والاردن يتخمه من جهة الشرق. فهذا هو نصيب بني بنيامين مع تخومه مستديرا حسب عشائرهم
20Waaxda bari soohdinteeduna waxay ahayd Webi Urdun. Intaasu waxay ahayd dhaxalkii reer Benyaamiin iyo soohdimihii ku wareegsanaa, ee ay u heleen sidii reerahoodu ahaayeen.
21وكانت مدن سبط بني بنيامين حسب عشائرهم اريحا وبيت حجلة ووادي قصيص
21Haddaba magaalooyinkii reer Benyaamiin siday reerahoodu ahaayeen waxay ahaayeen Yerixoo, iyo Beytxoglaah, iyo Dooxadii Qesiis,
22وبيت العربة وصمارايم وبيت ايل
22iyo Beytcaraabaah, iyo Semaarayim, iyo Beytel,
23والعوّيم والفارة وعفرة
23iyo Cawiim, iyo Faaraah, iyo Cofraah,
24وكفر العموني والعفني وجبع ست عشرة مدينة مع ضياعها.
24iyo Kefar reer Cammoon, iyo Cofnii, iyo Gebac, oo intaasu waa laba iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii,
25جبعون والرامة وبئيروت
25iyo Gibecoon, iyo Raamaah, iyo Bi'irod,
26والمصفاة والكفيرة والموصة
26iyo Misfaah, iyo Kefiiraah, iyo Mosaah,
27وراقم ويرفئيل وترالة
27iyo Reqem, iyo Yirfe'eel, iyo Taralaah,iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.
28وصيلع وآلف واليبوسي. هي اورشليم. وجبعة وقرية. اربع عشرة مدينة مع ضياعها. هذا هو نصيب بني بنيامين حسب عشائرهم
28iyo Seelac, iyo Elef, iyo Yebuus (taasoo ah Yeruusaalem), iyo Gibecaad, iyo Qiryad, oo intaasu waa afar iyo toban magaalo iyo tuulooyinkoodii. Intaasu waa dhaxalkii reer Benyaamiin siday reerahoodii ahaayeen.