الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Joshua

22

1حينئذ دعا يشوع الرأوبينيين والجاديين ونصف سبط منسّى.
1Markaasaa Yashuuca u yeedhay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis,
2وقال لهم. انكم قد حفظتم كل ما أمركم به موسى عبد الرب وسمعتم صوتي في كل ما امرتكم به
2oo wuxuu ku yidhi, Waad xajiseen kulli wixii uu addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinku amray, oo codkaygana waad dhegaysateen oo waad yeesheen kulli wixii aan idinku amray.
3ولم تتركوا اخوتكم هذه الايام الكثيرة الى هذا اليوم وحفظتم ما يحفظ وصية الرب الهكم.
3Oo waagaas ilaa maantadan la joogo walaalihiin kama aydnaan tegin, laakiinse waad xajiseen amarkii Rabbiga Ilaahiinna ah.
4والآن قد اراح الرب الهكم اخوتكم كما قال لهم. فانصرفوا الآن واذهبوا الى خيامكم في ارض ملككم التي اعطاكم موسى عبد الرب في عبر الاردن.
4Oo haatan Rabbiga Ilaahiinna ahu walaalihiin buu nasiyey, siduu markii hore kula hadlay; haddaba noqda, oo taga teendhooyinkiinnii, iyo dalkii hantida idiin ahaa, oo addoonkii Rabbiga oo Muuse ahaa idinka siiyey Webi Urdun shishadiisa.
5وانما احرصوا جدا ان تعملوا الوصية والشريعة التي أمركم بها موسى عبد الرب ان تحبوا الرب الهكم وتسيروا في كل طرقه وتحفظوا وصاياه وتلصقوا به وتعبدوه بكل قلبكم وبكل نفسكم.
5Laakiinse aad iyo aad u dadaala inaad yeeshaan amarkii iyo sharcigii uu addoonkii Rabbiga ee Muuse ahaa idinku amray, kuwaasoo ah inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan, oo aad ku socotaan jidadkiisa oo dhan, oo aad amarradiisa xajisaan, oo aad isaga aad u sii xajisataan, oo aad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ugu adeegtaan.
6ثم باركهم يشوع وصرفهم فذهبوا الى خيامهم
6Markaasuu Yashuuca u duceeyey oo iska diray, oo iyana waxay tageen teendhooyinkoodii.
7ولنصف سبط منسّى اعطى موسى في باشان واما نصفه الآخر فاعطاهم يشوع مع اخوتهم في عبر الاردن غربا. وعندما صرفهم يشوع ايضا الى خيامهم باركهم
7Oo reer Manaseh badhkiis Muuse wuxuu dhaxal ka siiyey Baashaan dhexdeeda; laakiinse badhkii kale Yashuuca ayaa dal ka siiyey walaalahood dhexdooda meel Webi Urdun ka shishaysa oo xagga galbeed ka xigta. Oo weliba Yashuuca markuu iyagii iska diray, oo ay teendhooyinkoodii tageen, ayuu u duceeyey iyaga,
8وكلمهم قائلا. بمال كثير ارجعوا الى خيامكم وبمواش كثيرة جدا بفضة وذهب ونحاس وحديد وملابس كثيرة جدا. اقسموا غنيمة اعدائكم مع اخوتكم.
8oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.
9فرجع بنو رأوبين وبنو جاد ونصف سبط منسّى وذهبوا من عند بني اسرائيل من شيلوه التي في ارض كنعان لكي يسيروا الى ارض جلعاد ارض ملكهم التي تملكوا بها حسب قول الرب على يد موسى.
9Markaasaa reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa noqday, oo ka tegey reer binu Israa'iil oo joogay Shiiloh taasoo ku taal dalkii Kancaan, inay u kacaan dalkii Gilecaad, kaasoo ahaa dalkii hantidooda ahaa, ee ay ku hantiyeen amarkii Rabbigu Muuse u soo dhiibay.
10وجاءوا الى دائرة الاردن التي في ارض كنعان. وبنى بنو رأوبين وبنو جاد ونصف سبط منسّى هناك مذبحا على الاردن مذبحا عظيم المنظر.
10Oo markay yimaadeen gobolkii u dhowaa Webi Urdun oo ku yaalay dalkii Kancaan ayay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis Webi Urdun agtiisa ka dhiseen meel allabari oo muuq weyn.
11فسمع بنو اسرائيل قولا هوذا قد بنى بنو رأوبين وبنو جاد ونصف سبط منسّى مذبحا في وجه ارض كنعان في دائرة الاردن مقابل بني اسرائيل.
11Markaasaa reer binu Israa'iil waxay maqleen in la yidhi, Reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ayaa meel allabari ka dhisay darafka dalka Kancaan, meeshaas oo ah gobolka u dhow Webi Urdun oo ah dinaca ay leeyihiin reer binu Israa'iil.
12ولما سمع بنو اسرائيل اجتمعت كل جماعة بني اسرائيل في شيلوه لكي يصعدوا اليهم للحرب
12Oo markii reer binu Israa'iil ay taas maqleen ayaa shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu ku ururay Shiiloh inay dagaal ugu baxaan iyaga.
13فارسل بنو اسرائيل الى بني رأوبين وبني جاد ونصف سبط منسّى الى ارض جلعاد فينحاس بن العازار الكاهن
13Oo reer binu Israa'iil waxay xagga reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad u direen Fiinexaas oo ahaa wiilkii wadaadkii ahaa Elecaasaar.
14وعشرة رؤساء معه رئيسا واحدا من كل بيت اب من جميع اسباط اسرائيل كل واحد رئيس بيت آبائهم في الوف اسرائيل.
14Oo waxay isagii ku dareen toban amiir, oo amiirba wuxuu ka socday qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood, oo mid waluba wuxuu ahaa kii madaxda u ahaa reerahooda ku jira kumanyaalka reer binu Israa'iil.
15فجاءوا الى بني رأوبين وبني جاد ونصف سبط منسّى الى ارض جلعاد وكلموهم قائلين
15Markaasay u yimaadeen reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis oo joogay dalkii Gilecaad, oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen,
16هكذا قالت كل جماعة الرب. ما هذه الخيانة التي خنتم بها اله اسرائيل بالرجوع اليوم عن الرب ببنيانكم لانفسكم مذبحا لتتمردوا اليوم على الرب.
16Shirkii Rabbiga oo dhammu sidan bay leeyihiin, Waa maxay xadgudubkan aad ku samayseen Ilaaha reer binu Israa'iil, idinkoo ka leexday inaad Rabbiga la socotaan, oo meel allabari dhistay, si aad maanta Rabbiga ugu caasiyowdaan?
17أقليل لنا اثم فغور. الذي لم نتطهر منه الى هذا اليوم وكان الوبا في جماعة الرب.
17Miyuu nagu yar yahay dembigii Fecoor oo aannan iska nadiifin ilaa maantadan la joogo in kastoo ay belaayo ku soo degtay shirka Rabbiga,
18حتى ترجعوا انتم اليوم عن الرب. فيكون انكم اليوم تتمردون على الرب وهو غدا يسخط على كل جماعة اسرائيل.
18inaad maanta ka leexataan inaad Rabbiga la socotaan? Oo caasinimadii aad maanta Rabbiga ku caasiyowdeen aawadeed ayuu berrito ugu cadhoon doonaa shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
19ولكن اذا كانت نجسة ارض ملككم فاعبروا الى ارض ملك الرب التي يسكن فيها مسكن الرب وتملكوا بيننا وعلى الرب لا تتمردوا وعلينا لا تتمردوا ببنائكم لانفسكم مذبحا غير مذبح الرب الهنا.
19Habase yeeshee, haddii dalkii hantidiinna ahaa aanu nadiif ahayn, de markaas u soo gudba dalka Rabbiga hantidiisa ah, oo uu taambuuggii Rabbigu ku dhex jiro, oo nala qayb qaata; laakiinse Rabbiga ha ku caasiyoobina, oo annagana ha nagu caasiyoobina, oo ha dhisina meel allabari oo aan ahayn tii Rabbiga Ilaaheenna ah.
20أما خان عخان بن زارح خيانة في الحرام فكان السخط على كل جماعة اسرائيل وهو رجل لم يهلك وحده باثمه
20Caakaan ina Serax miyaanu ku xadgudbin alaabtii la nidray, oo taas daraaddeed miyaan cadho ugu dhicin shirkii reer binu Israa'iil oo dhan? Oo ninkaasu keligiis kuma uu dhiman dembigiisii.
21فاجاب بنو رأوبين وبنو جاد ونصف سبط منسّى وقالوا لرؤساء الوف اسرائيل
21Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh badhkiis waxay u jawaabeen oo la hadleen kuwii madaxda u ahaa kumanyaalka reer binu Israa'iil, oo ku yidhaahdeen,
22اله الآلهة الرب اله الآلهة الرب هو يعلم واسرائيل سيعلم. ان كان بتمرد وان كان بخيانة على الرب. لا تخلصنا هذا اليوم.
22Rabbiga ah Ilaaha ilaahyada, Rabbiga ah Ilaaha ilaahyadu wuu og yahay, oo reer binu Israa'iilna waa inuu ogaadaa, haddii taasu caasinimo tahay, ama xadgudub Rabbiga ka gees ah (maanta ha na badbaadin),
23بنياننا لانفسنا مذبحا للرجوع عن الرب او لاصعاد محرقة عليه او تقدمة او لعمل ذبائح سلامة عليه فالرب هو يطالب.
23iyo haddii aan meel allabari u dhisannay inaannu Rabbiga kaga leexanno, ama haddii aannu u dhisnay in lagu dul bixiyo qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, ama in lagu dul bixiyo allabari ah qurbaanno nabaadiino, sidaas hadday tahay, Rabbiga qudhiisu ha na weyddiiyo;
24وان كنا لم نفعل ذلك خوفا وعن سبب قائلين. غدا يكلم بنوكم بنينا قائلين ما لكم وللرب اله اسرائيل.
24oo haddii aannan taas u samaynin feejignaan iyo sabab aawadood, annagoo leh, Waa dambe carruurtiinnu waxay la hadli doonaan carruurtayada, oo waxay ku odhan doonaan, Maxaa idinka galay Rabbiga Ilaaha u ah reer binu Israa'iil?
25قد جعل الرب تخما بيننا وبينكم يا بني رأوبين وبني جاد. الاردن. ليس لكم قسم في الرب فيرد بنوكم بنينا حتى لا يخافوا الرب.
25Waayo, Rabbigu wuxuu Webi Urdun ka dhigay soohdin inoo dhexaysa annaga iyo idinka, reer Ruubeen iyo reer Gaadow. Qayb kuma lihidin Rabbiga. Oo sidaasay carruurtiinnu carruurtayada uga joojin doonaan cabsida Rabbiga.
26فقلنا نصنع نحن لانفسنا. نبني مذبحا لا للمحرقة ولا للذبيحة
26Oo sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Haddaba aynu isu diyaarinno inaynu dhisanno meel allabari, oo aan lagu bixin qurbaan la gubo ama allabari,
27بل ليكون هو شاهدا بيننا وبينكم وبين اجيالنا بعدنا لكي نخدم خدمة الرب امامه بمحرقاتنا وذبائحنا وذبائح سلامتنا ولا يقول بنوكم غدا لبنينا ليس لكم قسم في الرب.
27laakiinse waxay noqon doontaa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka, iyo farcankeenna inaga dambeeya, si aannu Rabbiga hortiisa ugu adeegno annagoo wadna qurbaannadayada la gubo, iyo allabaryadayada, iyo qurbaannadayada nabaadiinada, inaan carruurtiinnu waa dambe ku odhan carruurtayada, Qayb kuma lihidin Rabbiga.
28وقلنا يكون متى قالوا كذا لنا ولاجيالنا غدا اننا نقول. انظروا شبه مذبح الرب الذي عمل آباؤنا لا للمحرقة ولا للذبيحة بل هو شاهد بيننا وبينكم.
28Sidaas daraaddeed waxaannu isnidhi, Markay sidaas waa dambe inagu yidhaahdaan innaga ama farcankeenna, waxay noqon doontaa oo aannu ku odhan doonnaa, Bal eega, hannaankii meeshii allabariga oo Rabbiga, ee ay awowayaasheen dhiseen oo aan lagu bixin qurbaanno la gubo ama allabari, laakiinse waa markhaati inoo dhexeeya annaga iyo idinka.
29حاشا لنا منه ان نتمرد على الرب ونرجع اليوم عن الرب لبناء مذبح للمحرقة او التقدمة او الذبيحة عدا مذبح الرب الهنا الذي هو قدام مسكنه
29Ilaah ha naga fogeeyo inaannu Rabbiga ku caasiyowno, oo aannu ka leexanno lasocodkii Rabbiga, oo aannu meel allabari u dhisno qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, ama allabari, taasoo aan ahayn meeshii allabariga Rabbiga Ilaaheen ah ee ku hor taal taambuuggiisa.
30فسمع فينحاس الكاهن ورؤساء الجماعة ورؤوس الوف اسرائيل الذين معه الكلام الذي تكلم به بنو رأوبين وبنو جاد وبنو منسّى فحسن في اعينهم.
30Oo wadaadkii Fiinexaas ahaa iyo amiirradii shirka, oo ahaa madaxdii kumanyaalka reer binu Israa'iil oo isaga la socday, kolkay maqleen warkii ay reer Ruubeen, iyo reer Gaad, iyo reer Manaseh badhkiis ku hadleen ayay aad ugu farxeen.
31فقال فينحاس بن العازار الكاهن لبني رأوبين وبني جاد وبني منسّى. اليوم علمنا ان الرب بيننا لانكم لم تخونوا الرب بهذه الخيانة. فالآن قد انقذتم بني اسرائيل من يد الرب.
31Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar wuxuu ku yidhi reer Ruubeen iyo reer Gaad iyo reer Manaseh, Maanta waannu og nahay in Rabbigu ina dhex joogo, maxaa yeelay, idinku xadgudubkan kuma aydnaan samayn Rabbiga. Haddaba idinku waxaad reer binu Israa'iil ka samatabbixiseen gacantii Rabbiga.
32ثم رجع فينحاس بن العازار الكاهن والرؤساء من عند بني رأوبين وبني جاد من ارض جلعاد الى ارض كنعان الى بني اسرائيل وردوا عليهم خبرا.
32Markaasaa wadaadkii ahaa Fiinexaas ina Elecaasaar, iyo amiirradii waxay ka noqdeen reer Ruubeen iyo reer Gaad oo joogay dalkii Gilecaad, oo waxay tageen dalkii reer Kancaan, oo reer binu Israa'iil ayay warkii u sheegeen.
33فحسن الامر في اعين بني اسرائيل وبارك بنو اسرائيل الله ولم يفتكروا بالصعود اليهم للحرب وتخريب الارض التي كان بنو رأوبين وبنو جاد ساكنين بها. جاد ساكنين بها.
33Oo reer binu Israa'iilna waa ku farxeen warkaas. Markaasaa reer binu Israa'iil Ilaah ammaaneen, oo mar dambena kuma ay hadlin inay dagaal ugu kacaan, oo ay baabbi'iyaan dalka ay reer Ruubeen iyo reer Gaad deggan yihiin.Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.
34وسمّى بنو رأوبين وبنو جاد المذبح عيدا لانه شاهد بيننا ان الرب هو الله
34Markaasaa reer Ruubeen iyo reer Gaad waxay meeshii allabariga u bixiyeen Markhaati; waayo, waxay yidhaahdeen, Waa markhaati na dhex yaal in Rabbigu Ilaah yahay.