الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Joshua

5

1وعندما سمع جميع ملوك الاموريين الذين في عبر الاردن غربا وجميع ملوك الكنعانيين الذين على البحر ان الرب قد يبّس مياه الاردن من امام بني اسرائيل حتى عبرنا ذابت قلوبهم ولم تبق فيهم روح بعد من جراء بني اسرائيل
1Oo boqorradii reer Amor oo dhan oo joogay Webi Urdun xaggiisa shishe oo galbeed, iyo boqorradii reer Kancaan oo dhan oo badda dhinaceeda degganaa, markay maqleen sida Rabbigu biyihii Webi Urdun u engejiyey reer binu Israa'iil hortooda ilaa aannu soo wada gudubnay, ayay wada dhalaaleen, oo xoog dambena kuma jirin, reer binu Israa'iil aawadood.
2في ذلك الوقت قال الرب ليشوع اصنع لنفسك سكاكين من صوّان وعد فاختن بني اسرائيل ثانية.
2Oo markaasuu Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Waxaad samaysaa mindiyo dhagax adag ah, oo reer binu Israa'iil haddana ku gud mar labaad.
3فصنع يشوع سكاكين من صوّان وختن بني اسرائيل في تل القلف.
3Markaasaa Yashuuca wuxuu samaystay mindiyo dhagax adag ah, oo wuxuu reer binu Israa'iil ku guday meel la yidhi Buurta Buuryada.
4وهذا هو سبب ختن يشوع اياهم. ان جميع الشعب الخارجين من مصر الذكور جميع رجال الحرب ماتوا في البرية على الطريق بخروجهم من مصر.
4Oo Yashuuca sababtii uu u gudayna waxay ahayd sidan: dadkii dalkii Masar ka soo baxay oo dhammu, intii labka ahayd, xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo dhammuba waxay ku dhinteen cidlada intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed.
5لان جميع الشعب الذين خرجوا كانوا مختونين. واما جميع الشعب الذين ولدوا في القفر على الطريق بخروجهم من مصر فلم يختنوا.
5Oo dadkii soo baxay oo dhammu way gudnaayeen; laakiinse kulli dadkii cidlada ku dhashay intay jidka ku jireen markay Masar ka soo bexeen dabadeed, kuwaas lama gudin.
6لان بني اسرائيل ساروا اربعين سنة في القفر حتى فني جميع الشعب رجال الحرب الخارجين من مصر الذين لم يسمعوا لقول الرب الذين حلف الرب لهم انه لا يريهم الارض التي حلف الرب لآبائهم ان يعطينا اياها الارض التي تفيض لبنا وعسلا.
6Waayo, reer binu Israa'iil waxay cidlada dhex socdeen afartan sannadood, ilaa quruuntii oo dhan ay ka dhammaadeen xataa raggii dagaalyahannada ahaa oo Masar ka soo baxay oo dhammu, waayo, waxay maqli waayeen codkii Rabbiga; kuwaas oo Rabbigu ugu dhaartay inaanu u oggolaanayn inay arkaan dalkii Rabbigu ugu dhaartay awowayaashood inuu annagana siin doono, dalkaas oo ah dal caano iyo malab la barwaaqaysan.
7واما بنوهم فاقامهم مكانهم. فاياهم ختن يشوع لانهم كانوا قلفا اذ لم يختنوهم في الطريق.
7Oo carruurtoodii oo uu Rabbigu meeshoodii ka kiciyey, ayaa Yashuuca guday; maxaa yeelay, waxay ahaayeen buuryoqab, waayo, jidka laguma soo gudin.
8وكان بعدما انتهى جميع الشعب من الاختتان انهم اقاموا في اماكنهم في المحلّة حتى برئوا.
8Oo markay quruuntii oo dhan wada gudeen, waxay iska joogeen meelahoodii ahaa xerada dhexdeeda ilaa ay ka bogsadeen.
9وقال الرب ليشوع اليوم قد دحرجت عنكم عار مصر. فدعي اسم ذلك المكان الجلجال الى هذا اليوم
9Oo Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Maantaan idinka rogay ceebtii Masar, oo sidaas daraaddeed meeshaas ilaa maantadan la joogo waxaa lagu magacaabaa Gilgaal.
10فحلّ بنو اسرائيل في الجلجال وعملوا الفصح في اليوم الرابع عشر من الشهر مساء في عربات اريحا.
10Oo reer binu Israa'iil waxay degeen Gilgaal; oo bisha maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay bannaankii Yerixoo ku sameeyeen Iiddii Kormaridda.
11وأكلوا من غلة الارض في الغد بعد الفصح فطيرا وفريكا في نفس ذلك اليوم.
11Oo maalintii Iidda Kormaridda ka dambaysay waxay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay, kaas oo ahaa kibis aan khamiir lahayn, iyo hadhuudh la dubay, maalintaas qudheeda.
12وانقطع المنّ في الغد عند اكلهم من غلّة الارض ولم يكن بعد لبني اسرائيل منّ. فاكلوا من محصول ارض كنعان في تلك السنة
12Oo maannadiina maalintii dambe ayay ka joogsatay, markay cuneen hadhuudhkii dalkii ka baxay dabadeed, oo reer binu Israa'iilna ma ay helin maanna dambe, laakiinse sannaddaas waxay cuneen midhihii dalkii Kancaan ka baxay.
13وحدث لما كان يشوع عند اريحا انه رفع عينيه ونظر واذا برجل واقف قبالته وسيفه مسلول بيده. فسار يشوع اليه وقال له هل لنا انت او لاعدائنا.
13Oo markii Yashuuca joogay Yerixoo agteeda ayuu indhihiisa kor u taagay oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay nin isaga ka soo hor jeeda oo seeftiisii oo gal la' gacanta ku haysta. Markaasaa Yashuuca intuu u tegey ku yidhi, War ma annagaad nala gees tahay mise colkayagaad la gees tahay?
14فقال كلا بل انا رئيس جند الرب. الآن أتيت. فسقط يشوع على وجهه الى الارض وسجد وقال له بماذا يكلم سيدي عبده.
14Markaasuu isna wuxuu ku yidhi, Maya; laakiinse waxaan haatan u imid inaan madax u ahaado ciidanka Ilaah. Markaasaa Yashuuca wejigiisii dhulka saaray, wuuna sujuuday, oo wuxuu isagii ku yidhi, Sayidkaygiiyow, maxaad anoo addoonkaaga ah igu odhan lahayd?Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.
15فقال رئيس جند الرب ليشوع اخلع نعلك من رجلك لان المكان الذي انت واقف عليه هو مقدس. ففعل يشوع كذلك
15Markaasaa kii ciidanka Rabbiga madax u ahaa wuxuu Yashuuca ku yidhi, Kabtaada iska siib, waayo, meeshaad ku taagan tahay waa quduus. Oo Yashuucana sidaasuu yeelay.