1وكان يفتاح الجلعادي جبار بأس وهو ابن امرأة زانية. وجلعاد ولد يفتاح.
1Haddaba Yeftaah oo reer Gilecaad ahaa wuxuu ahaa nin xoog leh, oo wuxuuna ahaa dhillo wiilkeed. Yeftaahna waxaa dhalay Gilecaad.
2ثم ولدت امرأة جلعاد له بنين. فلما كبر بنو المرأة طردوا يفتاح وقالوا له لا ترث في بيت ابينا لانك انت ابن امرأة اخرى.
2Oo Gilecaad naagtiisiina wiilal bay u dhashay, oo wiilashii naagtiisuna markay koreen ayay Yeftaah iska eryeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Reerka aabbeheen adigu nala dhaxli maysid; maxaa yeelay, naag kalaa ku dhashay.
3فهرب يفتاح من وجه اخوته واقام في ارض طوب. فاجتمع الى يفتاح رجال بطالون وكانوا يخرجون معه
3Markaasuu Yeftaah walaalihiis ka cararay, oo wuxuu degay dalkii Toob: markaasaa waxaa isku soo ururay ciyaalasuuq, oo iyana waxay raaceen Yeftaah.
4وكان بعد ايام ان بني عمون حاربوا اسرائيل.
4Oo intii wakhti ah dabadeed ayay reer Cammoon la dirireen reer binu Israa'iil.
5ولما حارب بنو عمون اسرائيل ذهب شيوخ جلعاد ليأتوا بيفتاح من ارض طوب.
5Oo markii reer Cammoon ay la dirireen reer binu Israa'iil ayaa odayaashii reer Gilecaad Yeftaah ka dooneen dalkii Toob;
6وقالوا ليفتاح تعال وكن لنا قائدا فنحارب بني عمون.
6oo waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Kaalay oo madax noo noqo, aynu reer Cammoon la dirirnee.
7فقال يفتاح لشيوخ جلعاد أما أبغضتموني انتم وطردتموني من بيت ابي. فلماذا اتيتم اليّ الآن اذ تضايقتم.
7Markaasuu Yeftaah odayaashii reer Gilecaad ku yidhi, War sow ima aydnaan nebcayn oo igama aydnaan eryin reerkii aabbahay? Maxaad haatan iigu timaadeen idinkoo cidhiidhi ku jira?
8فقال شيوخ جلعاد ليفتاح لذلك قد رجعنا الآن اليك لتذهب معنا وتحارب بني عمون وتكون لنا راسا لكل سكان جلعاد.
8Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay ku yidhaahdeen Yeftaah, War haatan waannu kuu soo noqonnay si aad noo raacdid oo aad ula dirirtid reer Cammoon, oo madax ayaad noo noqonaysaa oo waxaad ugu sarraynaysaa dadka deggan dalka Gilecaad oo dhan.
9فقال يفتاح لشيوخ جلعاد اذا ارجعتموني لمحاربة بني عمون ودفعهم الرب امامي فانا اكون لكم راسا.
9Markaasuu Yeftaah ku yidhi odayaashii reer Gilecaad, Haddaad mar kale dalkii iigu celisaan inaan reer Cammoon la diriro, oo Rabbigu iyaga gacanta ii soo geliyo, de markaas madax ma idiin noqonayaa?
10فقال شيوخ جلعاد ليفتاح الرب يكون سامعا بيننا ان كنا لا نفعل هكذا حسب كلامك.
10Oo odayaashii reer Gilecaadna waxay Yeftaah ku yidhaahdeen, Taas Rabbigu ha ka noqdo marag inoo dhexaya; oo hubaal waxaannu yeelaynaa siduu eraygaagu yahay.
11فذهب يفتاح مع شيوخ جلعاد. وجعله الشعب عليهم راسا وقائدا. فتكلم يفتاح بجميع كلامه امام الرب في المصفاة
11Markaasuu Yeftaah raacay odayaashii reer Gilecaad oo dadkiina waxay isagii ka dhigteen madax iyo ugaas iyaga ka sarreeya; oo Yeftaah wuxuu hadalkiisii oo dhan Rabbiga ugu sheegay Misfaah.
12فارسل يفتاح رسلا الى ملك بني عمون يقول ما لي ولك انك اتيت اليّ للمحاربة في ارضي.
12Markaasuu Yeftaah wargeeyayaal u diray boqorkii reer Cammoon, oo wuxuu ku yidhi, War maxaa inaga dhexeeya, oo maxaad iigu timid oo aad dalkayga iigu la diriraysaa?
13فقال ملك بني عمون لرسل يفتاح. لان اسرائيل قد اخذ ارضي عند صعوده من مصر من ارنون الى اليبّوق والى الاردن. فالآن ردها بسلام.
13Markaasuu boqorkii reer Cammoon ku yidhi wargeeyayaashii Yeftaah ka yimid, Maxaa yeelay, reer binu Israa'iil markii ay ka yimaadeen Masar, waxay iga dhaceen dalkaygii ilaa Arnoon iyo tan iyo xataa Yabboq, iyo ilaa Urdun; haddaba dalalkaas oo dhan nabad iigu soo celi.
14وعاد ايضا يفتاح وارسل رسلا الى ملك بني عمون.
14Oo Yeftaah haddana wargeeyayaal buu u diray boqorkii reer Cammoon;
15وقال له هكذا يقول يفتاح. لم ياخذ اسرائيل ارض موآب ولا ارض بني عمون.
15oo wuxuu ku yidhi, Yeftaah wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iil ma dhicin dalkii reer Moo'aab iyo dalkii reer Cammoon toona:
16لانه عند صعود اسرائيل من مصر سار في القفر الى بحر سوف واتى الى قادش
16laakiinse markii ay ka yimaadeen Masar, reer binu Israa'iil waxay soo mareen cidlada ilaa xagga Badda Cas, oo dabadeedna waxay yimaadeen Qaadeesh;
17وارسل اسرائيل رسلا الى ملك ادوم قائلا دعني اعبر في ارضك. فلم يسمع ملك ادوم. فارسل ايضا الى ملك موآب فلم يرض. فاقام اسرائيل في قادش.
17markaasaa reer binu Israa'iil waxay wargeeyayaal u direen boqorkii reer Edom, oo waxay ku yidhaahdeen, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno; laakiinse boqorkii reer Edom ma uu dhegaysan. Sidaas oo kalena waxay cid u direen boqorkii reer Moo'aab; laakiinse isna wuu diiday; oo reer binu Israa'iilna waxay iska joogeen Qaadeesh.
18وسار في القفر ودار بارض ادوم وارض موآب وأتى من مشرق الشمس الى ارض موآب ونزل في عبر ارنون ولم يأتوا الى تخم موآب لان ارنون تخم موآب.
18Markaasay dhex mareen cidladii, oo waxay hareereeyeen dalkii reer Edom, iyo dalkii reer Moo'aab, oo waxay yimaadeen geesta bari oo dalka reer Moo'aab, oo waxay degeen Arnoon geesteeda kale; laakiinse soohdintii reer Moo'aab sooma ay gelin, waayo, Arnoon waxay ahayd soohdintii dalka reer Moo'aab.
19ثم ارسل اسرائيل رسلا الى سيحون ملك الاموريين ملك حشبون وقال له اسرائيل دعني اعبر في ارضك الى مكاني.
19Markaasay reer binu Israa'iil wargeeyayaal u direen boqorkii reer Amor oo Siixon ahaa oo boqor u ahaa Xeshboon; oo reer binu Israa'iil waxay ku yidhaahdeen Siixon, Waannu ku baryaynaaye, aannu dalkaaga dhex marno si aannu ugu gudubno meeshayadii.
20ولم يأمن سيحون لاسرائيل ان يعبر في تخمه بل جمع سيحون كل شعبه ونزلوا في ياهص وحاربوا اسرائيل.
20Laakiinse Siixon ma aaminin reer binu Israa'iil inay dhex maraan dalkiisii; laakiinse Siixon wuxuu soo urursaday dadkiisii oo dhan, oo intuu Yahas soo degay ayuu reer binu Israa'iil la diriray.
21فدفع الرب اله اسرائيل سيحون وكل شعبه ليد اسرائيل فضربوهم وامتلك اسرائيل كل ارض الاموريين سكان تلك الارض.
21Markaasuu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Siixon iyo dadkiisii oo dhanba ku riday gacantii reer binu Israa'iil oo iyana way laayeen iyagii; oo sidaasay reer binu Israa'iil ku hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan iyo dadkii waddankaasba.
22فامتلكوا كل تخم الاموريين من ارنون الى اليبوق ومن القفر الى الاردن.
22Oo waxay hantiyeen dalkii reer Amor oo dhan tan iyo Arnoon iyo ilaa Yabboq, iyo tan iyo cidlada iyo ilaa Webi Urdun.
23والآن الرب اله اسرائيل قد طرد الاموريين من امام شعبه اسرائيل. أفانت تمتلكه.
23Haddaba haatan inta Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil reer Amor dalka kaga qaaday dadkiisa reer binu Israa'iil hortooda, miyaad adigu qabsanaysaa iyaga?
24أليس ما يملّكك اياه كموش الهك تمتلك. وجميع الذين طردهم الرب الهنا من امامنا فاياهم نمتلك.
24Sow lahaan maysid wuxuu ilaahaaga Kemoosh ahu ku siiyo inaad lahaatid? Taas aawadeed kuwa Rabbiga Ilaahayaga ahu hortayada ka eryo waannu qabsan doonnaa.
25والآن فهل انت خير من بالاق بن صفور ملك موآب فهل خاصم اسرائيل او حاربهم محاربة.
25Haddaba miyaad ka wanaagsan tahay boqorkii reer Moo'aab oo ahaa Baalaaq ina Sifoor? Miyuu weligiis la diriray reer binu Israa'iil, oo miyuu weligiis la dagaallamay reer binu Israa'iil?
26حين اقام اسرائيل في حشبون وقراها وعروعير وقراها وكل المدن التي على جانب ارنون ثلاث مئة سنة فلماذا لم تستردها في تلك المدة.
26Oo intii reer binu Israa'iil ay degganaayeen Xeshboon iyo magaalooyinkeedii, iyo Carooceer iyo magaalooyinkeedii, iyo magaalooyinkii Arnoon dhinaceeda ku yiil oo dhan, intaasu waxay ahayd saddex boqol oo sannadood ee maxaad wakhtigaas u soo qabsan weydeen?
27فانا لم اخطئ اليك واما انت فانك تفعل بي شرا بمحاربتي. ليقض الرب القاضي اليوم بين بني اسرائيل وبني عمون.
27Sidaas daraaddeed anigu kuguma aan dembaabin, laakiinse adigu qalad baad igu samaynaysaa inaad ila dirirto. Rabbiga xaakinka ahu maanta ha noqdo xaakin u dhexeeya reer binu Israa'iil iyo reer Cammoon.
28فلم يسمع ملك بني عمون لكلام يفتاح الذي ارسل اليه
28Habase yeeshee, boqorkii reer Cammoon ma uu dhegaysan erayadii Yeftaah u soo diray.
29فكان روح الرب على يفتاح فعبر جلعاد ومنسّى وعبر مصفاة جلعاد ومن مصفاة جلعاد عبر الى بني عمون.
29Markaasaa Ruuxii Rabbigu wuxuu ku soo degay Yeftaah, oo wuxuu soo dhaafay reer Gilecaad iyo reer Manaseh, oo wuxuu soo dhaafay Misfaah tii reer Gilecaad, oo markaasuu Misfaah tii reer Gilecaadna wuxuu uga sii gudbay xagga reer Cammoon.
30ونذر يفتاح نذرا للرب قائلا. ان دفعت بني عمون ليدي
30Markaasaa Yeftaah wuxuu Rabbiga u nidray nidar, oo wuxuu yidhi, Hubaal haddaad reer Cammoon gacantayda soo geliso,
31فالخارج الذي يخرج من ابواب بيتي للقائي عند رجوعي بالسلامة من عند بني عمون يكون للرب واصعده محرقة.
31markaasaa wax alla wixii irdaha gurigayga ka soo baxo inuu ila kulmo markaan reer Cammoon nabad kaga soo noqdo, waxaa lahaan doona Rabbiga, oo waxaan u bixin doonaa allabari la gubo.
32ثم عبر يفتاح الى بني عمون لمحاربتهم. فدفعهم الرب ليده.
32Markaasuu Yeftaah u gudbay xagga reer Cammoon inuu la dagaallamo, oo Rabbiguna gacantiisuu soo geliyey.
33فضربهم من عروعير الى مجيئك الى منّيت عشرين مدينة والى آبل الكروم ضربة عظيمة جدا. فذلّ بني عمون امام بني اسرائيل
33Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.
34ثم أتى يفتاح الى المصفاة الى بيته. واذا بابنته خارجة للقائه بدفوف ورقص. وهي وحيدة. لم يكن له ابن ولا ابنة غيرها.
34Markaasuu Yeftaah yimid Misfaah xagga gurigiisii, oo bal eeg, gabadhiisii baa ka soo baxday inay la kulanto, iyadoo daf tumaysa oo cayaaraysa. Madi bay u ahayd oo iyada mooyaane wiil iyo gabadh midna ma uu lahayn.
35وكان لما رأها انه مزّق ثيابه وقال آه يا بنتي قد احزنتني حزنا وصرت بين مكدّريّ لاني قد فتحت فمي الى الرب ولا يمكنني الرجوع.
35Oo markuu arkay iyadii ayuu dharkiisii iska jeexjeexay, oo wuxuu yidhi, Hoogay gabadhaydiiyey! Hoos baad ii dhigtay, oo waxaad tahay kuwa i dhiba middood; waayo, Rabbigaan afkayga u furay, oo dibna uma aan noqon karo.
36فقالت له. يا ابي هل فتحت فاك الى الرب فافعل بي كما خرج من فيك بما ان الرب قد انتقم لك من اعدائك بني عمون.
36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.
37ثم قالت لابيها فليفعل لي هذا الأمر. اتركني شهرين فاذهب وانزل على الجبال وابكي عذراويتي انا وصاحباتي.
37Oo waxay aabbaheed ku tidhi, Bal waxan ha la ii sameeyo, intii laba bilood ah i daa, oo intaan buuraha tago, aniga iyo saaxiibadahay, aan bikradnimadayda u baroortee.
38فقال اذهبي وارسلها الى شهرين فذهبت هي وصاحباتها وبكت عذراويتها على الجبال.
38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.
39وكان عند نهاية الشهرين انها رجعت الى ابيها ففعل بها نذره الذي نذر وهي لم تعرف رجلا. فصارت عادة في اسرائيل
39Oo labadii bilood dabadeed ayay ku soo noqotay aabbaheed, oo isna wuxuu ku sameeyey sidii uu nidarka ku galay; oo iyana nin ma ay aqoon. Oo reer binu Israa'iilna waxaa caado u ahaa,inay gabdhaha reer binu Israa'iil sannad walba afar maalmood baxaan oo u baroortaan gabadhii Yeftaah kii reer Gilecaad.
40ان بنات اسرائيل يذهبن من سنة الى سنة لينحن على بنت يفتاح الجلعادي اربعة ايام في السنة
40inay gabdhaha reer binu Israa'iil sannad walba afar maalmood baxaan oo u baroortaan gabadhii Yeftaah kii reer Gilecaad.