1ورجال اسرائيل حلفوا في المصفاة قائلين لا يسلم احد منا ابنته لبنيامين امرأة.
1Haddaba raggii reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, iyagoo Misfaah jooga, oo waxay isku yidhaahdeen, Midkeenna waa inaanu gabadhiisa u guurin reer Benyaamiin.
2وجاء الشعب الى بيت ايل واقاموا هناك الى المساء امام الله ورفعوا صوتهم وبكوا بكاء عظيما.
2Markaasaa dadkii waxay yimaadeen Beytel, oo halkaasay Ilaah hor fadhiyeen ilaa fiidkii, oo intay codkoodii kor u qaadeen ayay aad u ooyeen.
3وقالوا لماذا يا رب اله اسرائيل حدثت هذه في اسرائيل حتى يفقد اليوم من اسرائيل سبط.
3Oo waxay yidhaahdeen, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, maxaa waxanu uga dhex dhaceen reer binu Israa'iil in maanta qabiil ka dhimanaado reer binu Israa'iil?
4وفي الغد بكر الشعب وبنوا هناك مذبحا واصعدوا محرقات وذبائح سلامة.
4Oo waxay noqotay maalintii dambe inay dadkii aroor hore kaceen oo ay halkaas ka dhiseen meel allabari, oo waxay bixiyeen qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino.
5وقال بنو اسرائيل من هو الذي لم يصعد في المجمع من جميع اسباط اسرائيل الى الرب. لانه صار الحلف العظيم على الذي لم يصعد الى الرب الى المصفاة قائلا يمات موتا.
5Oo reer binu Israa'iilna waxay yidhaahdeen, Qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan yaa ka maqan oo aan iman shirka Ilaah? Waayo, waxay ku dhaarteen dhaar weyn oo ku saabsan kii aan Misfaah Rabbiga ugu soo shirin, oo waxay yidhaahdeen, Hubaal kaas waa in la dilaa.
6وندم بنو اسرائيل على بنيامين اخيهم وقالوا قد انقطع اليوم سبط واحد من اسرائيل.
6Oo reer binu Israa'iilna waxay u qoomamoodeen walaalahood reer Benyaamiin, oo waxay yidhaahdeen, Maanta waxaa jira qabiil ka go'ay reer binu Israa'iil.
7ماذا نعمل للباقين منهم في امر النساء وقد حلفنا نحن بالرب ان لا نعطيهم من بناتنا نساء.
7Sidee baynu inta ka hadhay naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, waxaynu ku dhaarannay Rabbiga inaynaan gabdhaheenna u guurin iyaga?
8وقالوا اي سبط من اسباط اسرائيل لم يصعد الى الرب الى المصفاة. وهوذا لم يات الى المحلّة رجل من يابيش جلعاد الى المجمع.
8Oo waxay isku yidhaahdeen, Qabiilooyinka reer binu Israa'iil qabiilkee baan Rabbiga Misfaah ugu iman? Oo bal eeg, midnaba xeradii shirka ugama iman reer Yaabeesh Gilecaad oo dhan.
9فعد الشعب فلم يكن هناك رجل من سكان يابيش جلعاد.
9Waayo, markii dadka la tiriyey bal eeg, halkaas ma joogin ka mid ah dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa.
10فارسلت الجماعة الى هناك اثني عشر الف رجل من بني البأس واوصوهم قائلين اذهبوا واضربوا سكان يابيش جلعاد بحد السيف مع النساء والاطفال.
10Markaasaa shirkii wuxuu halkaas u diray laba iyo toban kun oo nin oo xoog leh, oo waxayna ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo seef ku laaya dadka Yaabeesh Gilecaad deggan, iyo dumarka iyo yaryarkaba.
11وهذا ما تعملونه. تحرّمون كل ذكر وكل امرأة عرفت اضطجاع ذكر.
11Oo waa inaad sidatan yeeshaan, oo aad inta lab oo dhan wada baabbi'isaan, iyo naag kasta oo nin la seexdayba.
12فوجدوا من سكان يابيش جلعاد اربع مئة فتاة عذارى لم يعرفن رجلا بالاضطجاع مع ذكر وجاءوا بهنّ الى المحلّة الى شيلوه التي في ارض كنعان
12Markaasay dadkii Yaabeesh Gilecaad degganaa ka soo heleen afar boqol oo gabdhood oo dhallinyar oo wada bikrado ah, oo aan weligood ninna la seexan; oo waxay iyagii keeneen xeradii Shiiloh, taasoo ku tiil dalka reer Kancaan.
13وارسلت الجماعة كلها وكلمت بني بنيامين الذين في صخرة رمون واستدعتهم الى الصلح.
13Markaasaa shirkii oo dhammu wuxuu u cid diray oo la hadlay reer Benyaamiinkii joogay dhagaxii weynaa oo Rimmon, oo waxay ugu bishaareeyeen nabad.
14فرجع بنيامين في ذلك الوقت فاعطوهم النساء اللواتي استحيوهنّ من نساء يابيش جلعاد ولم يكفوهم هكذا.
14Oo markaasay reer Benyaamiin soo noqdeen, oo waxaa la siiyey naagihii iyagoo nool Yabeesh Gilecaad laga keenay ee ka hadhay naagihii dalkaas; oo weliba kuma ay filnaan.
15وندم الشعب من اجل بنيامين لان الرب جعل شقّا في اسباط اسرائيل
15Oo dadkii waxay u qoomamoodeen reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Rabbigu dillaac buu u yeelay qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
16فقال شيوخ الجماعة ماذا نصنع بالباقين في امر النساء لانه قد انقطعت النساء من بنيامين.
16Markaasaa odayaashii shirku waxay yidhaahdeen, Bal inta hadhay sidee baynu naago ugu yeelnaa, maxaa yeelay, naagihii waa laga baabbi'iyey reer Benyaamiin?
17وقالوا ميراث نجاة لبنيامين ولا يمحى سبط من اسرائيل.
17Oo waxay isku yidhaahdeen, Intii reer Benyaamiin ka baxsatay waa inay dhaxal helaan, si aan qabiil uga baabbi'in reer binu Israa'iil.
18ونحن لا نقدر ان نعطيهم نساء من بناتنا لان بني اسرائيل حلفوا قائلين ملعون من اعطى امرأة لبنيامين.
18Habase ahaatee waa inaynaan gabdhaheenna iyaga u guurin; waayo, reer binu Israa'iil waxay ku dhaarteen, oo yidhaahdeen, Inkaaru ha ku dhacdo kii gabadh u guuriya reer Benyaamiin.
19ثم قالوا هوذا عيد الرب في شيلوه من سنة الى سنة شمالي بيت ايل شرقي الطريق الصاعدة من بيت ايل الى شكيم وجنوبي لبونة.
19Oo haddana waxay yidhaahdeen, Bal eeg, sannad ka sannad waxaa jirta iidda Rabbiga ee lagu sameeyo Shiiloh, taasoo woqooyi ka xigta Beytel, oo ah dhanka bari oo waddada weyn oo Shekem aadda oo Beytel ka tagta, iyo Leboonaah xaggeeda koonfureed.
20واوصوا بني بنيامين قائلين امضوا واكمنوا في الكروم.
20Markaasay waxay reer Benyaamiin ku amreen oo ku yidhaahdeen, Taga oo ku gaada beeraha canabka ah dhexdooda;
21وانظروا فاذا خرجت بنات شيلوه ليدرن في الرقص فاخرجوا انتم من الكروم واخطفوا لانفسكم كل واحد امرأته من بنات شيلوه واذهبوا الى ارض بنيامين.
21oo bal eega, haddii ay gabdhaha reer Shiiloh u soo baxaan inay cayaaraan, de markaas ka soo baxa beeraha canabka ah, oo nin kastaaba naag ha ka qabsado gabdhaha reer Shiiloh, oo markaas waxaad la tagtaan dalka reer Benyaamiin.
22فاذا جاء آباؤهنّ او اخوتهنّ لكي يشكوا الينا نقول لهم تراءفوا عليهم لاجلنا لاننا لم ناخذ لكل واحد امرأته في الحرب لانكم انتم لم تعطوهم في الوقت حتى تكونوا قد اثمتم.
22Oo markay aabbayaashood ama walaalahood noo soo cawdaan, waxaannu iyaga ku odhan doonnaa, Warroy raalli nooga ahaada iyaga; maxaa yeelay, annagu ninna dagaalkii naag ugama aannan reebin. Idinna ma aydnaan siin iyaga, haddii kalese haatan eed baad lahaan lahaydeen.
23ففعل هكذا بنو بنيامين واتخذوا نساء حسب عددهم من الراقصات اللواتي اختطفوهنّ وذهبوا ورجعوا الى ملكهم وبنوا المدن وسكنوا بها.
23Oo reer Benyaamiinna sidii bay yeeleen, oo waxay intii tiradoodu ahaydba naago ka qaateen kuwii cayaarayay, oo way la tageen; oo waxay tageen oo ku noqdeen dalkoodii ay dhaxalka u heleen, oo magaalooyinkiina way dhiseen oo degeen.
24فسار من هناك بنو اسرائيل في ذلك الوقت كل واحد الى سبطه وعشيرته وخرجوا من هناك كل واحد الى ملكه.
24Oo reer binu Israa'iilna markaasay halkaas ka tageen. Oo nin waluba wuxuu tegey qabiilkiisii iyo xaaskiisii, oo halkaas intay ka tageen ayaa nin waluba wuxuu u kacay dalkiisii dhaxalka ahaa.Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.
25في تلك الايام لم يكن ملك في اسرائيل. كل واحد عمل ما حسن في عينيه
25Waagaasna reer binu Israa'iil boqor ma ay lahayn; oo nin walubana wuxuu samayn jiray wixii isaga la qumman.