الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Lamentations

5

1اذكر يا رب ماذا صار لنا. اشرف وانظر الى عارنا.
1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
2قد صار ميراثنا للغرباء. بيوتنا للاجانب.
2Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
3صرنا ايتاما بلا اب. امهاتنا كارامل.
3Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
4شربنا ماءنا بالفضة. حطبنا بالثمن يأتي.
4Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
5على اعناقنا نضطهد. نتعب ولا راحة لنا.
5Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
6اعطينا اليد للمصريين والاشوريين لنشبع خبزا.
6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
7آباؤنا اخطأوا وليسوا بموجودين ونحن نحمل آثامهم.
7Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
8عبيد حكموا علينا. ليس من يخلص من ايديهم.
8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
9بانفسنا نأتي بخبزنا من جرى سيف البرية.
9Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.
10جلودنا اسودّت كتنور من جرى نيران الجوع.
10Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
11اذلوا النساء في صهيون العذارى في مدن يهوذا.
11Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
12الرؤساء بايديهم يعلقون ولم تعتبر وجوه الشيوخ.
12Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.
13اخذوا الشبان للطحن والصبيان عثروا تحت الحطب.
13Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
14كفت الشيوخ عن الباب والشبان عن غنائهم.
14Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
15مضى فرح قلبنا صار رقصنا نوحا.
15Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
16سقط اكليل راسنا. ويل لنا لاننا قد اخطأنا.
16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
17من اجل هذا حزن قلبنا. من اجل هذه اظلمت عيوننا.
17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
18من اجل جبل صهون الخرب. الثعالب ماشية فيه.
18Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.
19انت يا رب الى الابد تجلس. كرسيك الى دور فدور.
19Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
20لماذا تنسانا الى الابد وتتركنا طول الايام.
20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
21ارددنا يا رب اليك فنرتد. جدد ايامنا كالقديم.
21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.
22هل كل الرفض رفضتنا هل غضبت علينا جدا
22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.