الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Nehemiah

10

1والذين ختموا هم نحميا الترشاثا ابن حكليا وصدقيا
1Haddaba kuwii shaabad ku dhammeeyey waxay ahaayeen Nexemyaah ahaa taliyaha oo ahaa ina Xakalyaah, iyo Sidqiyaah,
2وسرايا وعزريا ويرميا
2iyo Seraayaah, iyo Casaryaah, iyo Yeremyaah,
3وفشحور وامريا وملكيا
3iyo Fashxuur, iyo Amaryaah, iyo Malkiiyaah,
4وحطوش وشبنيا وملّوخ
4iyo Xatuush, iyo Shebanyaah, iyo Malluug,
5وحاريم ومريموث وعوبديا
5iyo Haarim, iyo Mereemood, iyo Cobadyaah,
6ودانيال وجنثون وباروخ
6iyo Daanyeel, iyo Ginnetoon, iyo Baaruug,
7ومشلام وابيا وميامين
7iyo Meshullaam, iyo Abiiyaah, iyo Miyaamin,
8ومعزيا وبلجاي وشمعيا. هؤلاء هم الكهنة.
8iyo Macasyaah, iyo Bilgay, iyo Shemacyaah. Oo intaasu waxay ahaayeen wadaaddadii.
9واللاويون يشوع بن ازنيا وبنوي من بني حيناداد وقدميئيل
9Oo kuwii reer Laawina waxay ahaayeen Yeeshuuca ina Asanyaah, iyo Binnuwii oo ahaa reer Xeenaadaad, iyo Qadmii'eel,
10واخوتهم شبنيا وهوديا وقليطا وفلايا وحانان
10iyo walaalahood oo ahaa Shebanyaah, iyo Hoodiyaah, iyo Qeliitaa, iyo Felaayaah, iyo Xaanaan,
11وميخا ورحوب وحشبيا
11iyo Miikaa, iyo Rexob, iyo Xashabyaah,
12وزكور وشربيا وشبنيا
12iyo Sakuur, iyo Sheereebyaah, iyo Shebanyaah,
13وهوديا وباني وبنينو
13iyo Hoodiyaah, iyo Baanii, iyo Beniinuu.
14رؤوس الشعب فرعوش وفحث موآب وعيلام وزتو وباني
14Oo madaxdii dadkuna waxay ahaayeen: Farcosh, iyo Faxad Moo'aab, iyo Ceelaam, iyo Satuu, iyo Baanii,
15وبنّي وعزجد وبيباي
15iyo Bunnii, iyo Casgaad, iyo Beebay,
16وادونيا وبغواي وعادين
16iyo Adoniiyaah, iyo Bigway, iyo Caadiin,
17واطير وحزقيا وعزور
17iyo Aateer, iyo Xisqiyaah, iyo Casuur,
18وهوديا وحشوم وبيصاي
18iyo Hoodiyaah, iyo Xaashum, iyo Beesay,
19وحاريف وعناثوث ونيباي
19iyo Xaariif, iyo Canaatood, iyo Noobay,
20ومجفيعاش ومشلام وحزير
20iyo Magfiicaash, iyo Meshullaam, iyo Xeesiir,
21ومشزبئيل وصادوق ويدوع
21iyo Mesheysabeel, iyo Saadooq, iyo Yadduuca,
22وفلطيا وحانان وعنايا
22iyo Felatyaah, iyo Xaanaan, iyo Canaayaah,
23وهوشع وحننيا وحشوب
23iyo Hoosheeca, iyo Xananyaah, iyo Xashuub,
24وهلوحيش وفلحا وشوبيق
24iyo Hallooxeesh, iyo Filxaa, iyo Shoobeeq,
25ورحوم وحشبنا ومعسيا
25iyo Rexuum, iyo Xashabnaah, iyo Macaseeyaah,
26واخيّا وحانان وعانان
26iyo Axiiyaah, iyo Xaanaan, iyo Caanaan,
27وملّوخ وحريم وبعنة
27iyo Malluug, iyo Haarim, iyo Bacanaah.
28وباقي الشعب والكهنة واللاويين والبوابين والمغنين والنثينيم وكل الذين انفصلوا من شعوب الاراضي الى شريعة الله ونسائهم وبنيهم وبناتهم كل اصحاب المعرفة والفهم
28Oo dadka intiisii kale oo dhan oo ahaa wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo kuwii gabayaaga ahaa, iyo reer Netiiniim, iyo kulli intii iska soocday dadyowgii dalka degganaa oo raacday sharcigii Ilaah, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodii, iyo mid kasta oo lahaa aqoon iyo waxgarasho,
29لصقوا باخوتهم وعظمائهم ودخلوا في قسم وحلف ان يسيروا في شريعة الله التي أعطيت عن يد موسى عبد الله وان يحفظوا ويعملوا جميع وصايا الرب سيدنا واحكامه وفرائضه
29waxay raaceen walaalahoodii gobtoodii ahaa, oo waxay galeen dhaar habaar leh inay ku soconayaan sharciga Ilaah oo loo soo dhiibay Muuse oo ahaa addoonkii Ilaah, iyo inay dhawrayaan oo wada yeelayaan amarrada Rabbiga ah Sayidkeenna, iyo xukummadiisa iyo qaynuunnadiisa,
30وان لا نعطي بناتنا لشعوب الارض ولا ناخذ بناتهم لبنينا.
30iyo inaynaan gabdhaheenna siinayn dadyowga dalka deggan, oo aynaan gabdhahoodana wiilasheenna u guurinayn;
31وشعوب الارض الذين يأتون بالبضائع وكل طعام يوم السبت للبيع لا نأخذ منهم في سبت ولا في يوم مقدس وان نترك السنة السابعة والمطالبة بكل دين.
31iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.
32واقمنا على انفسنا فرائض ان نجعل على انفسنا ثلث شاقل كل سنة لخدمة بيت الهنا
32Oo weliba waxaynu samaysannay amarro inagu xukumaya inaynu sannad kasta sheqel saddexdaloolkiis u bixinayno adeegidda guriga Ilaaheenna, taas oo ah:
33لخبز الوجوه والتقدمة الدائمة والمحرقة الدائمة والسبوت والاهلّة والمواسم والاقداس وذبائح الخطية للتكفير عن اسرائيل ولكل عمل بيت الهنا.
33kibistii tusniinta, iyo qurbaanka hadhuudhka oo joogtada ah, iyo qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo kan Sabtiyada, iyo kan bilaha cusub, iyo kan iidaha la amray, iyo kan waxyaalaha quduuska ah, iyo qurbaannada dembiga si kafaaraggud loogu sameeyo reer binu Israa'iil, iyo kulli waxa loo sameeyo guriga Ilaah oo dhan.
34والقينا قرعا على قربان الحطب بين الكهنة واللاويين والشعب لادخاله الى بيت الهنا حسب بيوت آبائنا في اوقات معينة سنة فسنة لاجل احراقه على مذبح الرب الهنا كما هو مكتوب في الشريعة
34Oo innagoo ah wadaaddada iyo kuwii reer Laawi iyo dadkii kaleba saami baynu u ridannay qurbaanka qoryaha inaynu wakhtigii sannad kasta la amray qoryo gelinayno guriga Ilaaheenna sida qolooyinkeennu yihiin, si qoryaha loogu dul shido meesha allabariga ee Rabbiga Ilaaheenna ah, siday taasu sharciga ugu qoran tahay,
35ولادخال باكورات ارضنا وباكورات ثمر كل شجرة سنة فسنة الى بيت الرب
35iyo inaynu sannad kasta guriga Rabbiga keenayno midhaha ugu horreeya dhulkeenna iyo midhaha ugu horreeya geedo cayn kasta ah,
36وابكار بنينا وبهائمنا كما هو مكتوب في الشريعة وابكار بقرنا وغنمنا لاحضارها الى بيت الهنا الى الكهنة الخادمين في بيت الهنا.
36iyo weliba curadka wiilasheenna iyo curadka xoolaheenna, siday taasu sharciga ugu qoran tahay, in curadka lo'deenna iyo idaheenna la keeno guriga Ilaaheenna oo loo dhiibo wadaaddada ka dhex adeega guriga Ilaaheenna;
37وان نأتي باوائل عجيننا ورفائعنا واثمار كل شجرة من الخمر والزيت الى الكهنة الى مخادع بيت الهنا وبعشر ارضنا الى اللاويين واللاويون هم الذين يعشرون في جميع مدن فلاحتنا.
37iyo inaynu wadaaddada qolalka guriga Ilaaheenna ugu keenayno inta ugu horraysa cajiinkeenna, iyo qurbaannadeenna, iyo midhaha geedo cayn kasta ah, iyo khamriga, iyo saliidda, iyo inaynu waxa dhulkeenna ka baxa toban meelood meel ka siinayno kuwa reer Laawi, waayo, reer Laawi waxay meeltobnaadyada ka qaadan jireen beeraha magaalooyinkeenna oo dhan.
38ويكون الكاهن ابن هرون مع اللاويين حين يعشر اللاويون ويصعد اللاويون عشر الاعشار الى بيت الهنا الى المخادع الى بيت الخزينة.
38Oo wadaadka oo ah reer Haaruun wuxuu la joogi doonaa kuwa reer Laawi markay meeltobnaadyada qaadayaan; oo reer Laawina meeltobnaadyada ay toban meelood meel ka sii bixiyaan waxay keeni doonaan guriga Ilaaheenna ilaa qolalka ah guriga khasnadda.Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.
39لان بني اسرائيل وبني لاوي ياتون برفيعة القمح والخمر والزيت الى المخادع وهناك آنية القدس والكهنة الخادمون والبوابون والمغنون ولا نترك بيت الهنا
39Waayo, reer binu Israa'iil iyo reer Laawi waxay qurbaanka hadhuudhka, iyo kan khamriga, iyo kan saliidda keeni doonaan qolalka ah meesha ay yaalliin weelasha meesha quduuska ah, oo ay joogaan wadaaddada adeega, iyo irid-dhawryada, iyo kuwa gabayaaga ah. Oo innaguna guriga Ilaaheenna dayrin mayno.