1ولما بني السور واقمت المصاريع وترتب البوابون والمغنون واللاويون
1Haddaba markii derbigii la dhisay, oo aan taagay albaabbadii, oo irid-dhawryadii iyo kuwii gabayaaga ahaa iyo kuwii reer Laawi la doortay,
2اقمت حناني اخي وحننيا رئيس القصر على اورشليم لانه كان رجلا امينا يخاف الله اكثر من كثيرين.
2ayaan Yeruusaalem madax uga dhigay walaalkay Xanaanii, iyo Xananyaah oo ahaa taliyihii qalcadda, waayo, wuxuu ahaa nin aamin ah, oo cabsida Ilaahna dad badan buu kaga horreeyey.
3وقلت لهما لا تفتح ابواب اورشليم حتى تحمى الشمس وما داموا وقوفا فليغلقوا المصاريع ويقفلوها. وأقيم حراسات من سكان اورشليم كل واحد على حراسته وكل واحد مقابل بيته.
3Oo waxaan iyagii ku idhi, Jeer ay qorraxdu kululaato yaan la furin irdaha Yeruusaalem, oo intay waardiyayaashu taagan yihiin albaabbada ha la xidho, oo idinku qataara, dadka Yeruusaalem degganna waardiyayaal ka doorta, oo mid waluba ha dhawro meel gurigiisa ka soo hor jeedda.
4وكانت المدينة واسعة الجناب وعظيمة والشعب قليلا في وسطها ولم تكن البيوت قد بنيت
4Haddaba magaaladu way ballaadhnayd, wayna weynayd, laakiinse dadku way ku yaraayeen, oo guryihiina ma ay dhisnayn.
5فألهمني الهي ان اجمع العظماء والولاة والشعب لاجل الانتساب. فوجدت سفر انتساب الذين صعدوا اولا ووجدت مكتوبا فيه
5Markaasaa Rabbigu wuxuu qalbigayga geliyey inaan soo wada ururiyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadkii oo dhanba in abtiriskooda la tiriyo. Oo waxaan helay buuggii uu ku qornaa abtiriskii kuwii markii hore yimid, oo waxaan ka helay oo gudihiisa ku qornaa:
6هؤلاء هم بنو الكورة الصاعدون من سبي المسبيين الذين سباهم نبوخذناصّر ملك بابل ورجعوا الى اورشليم ويهوذا كل واحد الى مدينته
6Haddaba kuwanu waa dadkii gobolka ee ka soo noqday maxaabiisnimadii, oo ku jiray kuwii la kaxaystay, oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu u kaxaystay Baabuloon, oo ku soo noqday Yeruusaalem iyo dalkii Yahuudah, mid waluba magaaladiisii,
7الذين جاءوا مع زربابل يشوع نحميا عزريا رعميا نحماني مردخاي بلشان مسفارث بغواي نحوم وبعنة. عدد رجال شعب اسرائيل.
7oo waxay la yimaadeen Serubaabel, Yeeshuuca, Nexemyaah, Casaryaah, Racamyaah, Naxamaanii, Mordekay, Bilshaan, Misfered, Bigway, Nexuum, iyo Bacanaah. Haddaba waa tan tiradii dadkii reer binu Israa'iil:
8بنو فرعوش الفان ومئة واثنان وسبعون.
8Reer Farcosh waxaa ka soo noqday laba kun iyo boqol iyo laba iyo toddobaatan,
9بنو شفطيا ثلاث مئة واثنان وسبعون.
9reer Shefatyaahna saddex boqol iyo laba iyo toddobaatan,
10بنو آرح ست مئة واثنان وخمسون.
10reer Aaraxna lix boqol iyo laba iyo konton,
11بنو فحث موآب من بني يشوع ويوآب الفان وثمان مئة وثمانية عشر.
11reer Fahad Moo'aab oo ahaa reer Yeeshuuca iyo reer Yoo'aabna laba kun iyo siddeed boqol iyo siddeed iyo toban,
12بنو عيلام الف ومئتان واربعة وخمسون.
12reer Ceelaamna kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
13بنو زتو ثمان مئة وخمسة واربعون.
13reer Satuuna siddeed boqol iyo shan iyo afartan,
14بنو زكاي سبع مئة وستون.
14reer Sakayna toddoba boqol iyo lixdan,
15بنو بنوي ست مئة وثمانية واربعون.
15reer Binnuwiina lix boqol iyo siddeed iyo afartan,
16بنو باباي ست مئة وثمانية وعشرون.
16reer Beebayna lix boqol iyo siddeed iyo labaatan,
17بنو عزجد الفان وثلاث مئة واثنان وعشرون.
17reer Casgaadna laba kun iyo saddex boqol iyo laba iyo labaatan,
18بنو ادونيقام ست مئة وسبعة وستون.
18reer Adoniiqaamna lix boqol iyo toddoba iyo lixdan,
19بنو بغواي الفان وسبعة وستون.
19reer Bigwayna laba kun iyo toddoba iyo lixdan,
20بنو عادين ست مئة وخمسة وخمسون.
20reer Caadiinna lix boqol iyo shan iyo konton,
21بنو اطّير لحزقيا ثمانية وتسعون.
21reer Aateer oo ahaa reer Xisqiyaahna siddeed iyo sagaashan,
22بنو حشوم ثلاث مئة وثمانية وعشرون.
22reer Xaashumna saddex boqol iyo siddeed iyo labaatan,
23بنو بيصاي ثلاث مئة واربعة وعشرون.
23reer Beesayna saddex boqol iyo afar iyo labaatan,
24بنو حاريف مئة واثنا عشر.
24reer Xaariifna boqol iyo laba iyo toban,
25بنو جبعون خمسة وتسعون.
25reer Gibecoonna shan iyo sagaashan,
26رجال بيت لحم ونطوفة مئة وثمانية وثمانون.
26raggii reer Beytlaxam iyo reer Netofaahna boqol iyo siddeed iyo siddeetan,
27رجال عناثوث مئة وثمانية وعشرون.
27raggii reer Canaatoodna boqol iyo siddeed iyo labaatan,
28رجال بيت عزموت اثنان واربعون.
28raggii reer Beytasmaawedna laba iyo afartan,
29رجال قرية يعاريم كفيرة وبئيروت سبع مئة وثلاثة واربعون.
29raggii reer Qiryad Yecaariim, iyo reer Kefiiraah, iyo reer Bi'iroodna toddoba boqol iyo saddex iyo afartan,
30رجال الرامة وجبع ست مئة وواحد وعشرون.
30raggii reer Raamaah iyo reer Gebacna lix boqol iyo kow iyo labaatan,
31رجال مخماس مئة واثنان وعشرون.
31raggii reer Mikmaasna boqol iyo laba iyo labaatan,
32رجال بيت ايل وعاي مئة وثلاثة وعشرون.
32raggii reer Beytel iyo reer Aaciina boqol iyo saddex iyo labaatan,
33رجال نبو الاخرى اثنان وخمسون.
33raggii reer Nebona laba iyo konton,
34بنو عيلام الآخر الف ومئتان واربعة وخمسون.
34reerkii Ceelaamtii kalena kun iyo laba boqol iyo afar iyo konton,
35بنو حاريم ثلاث مئة وعشرون.
35reer Haarimna saddex boqol iyo labaatan,
36بنو اريحا ثلاث مئة وخمسة واربعون.
36reer Yerixoona saddex boqol iyo shan iyo afartan,
37بنو لود بنو حاديد واونو سبع مئة وواحد وعشرون.
37reer Lod, iyo reer Xaadiid, iyo reer Oonoona toddoba boqol iyo kow iyo labaatan,
38بنو سناءة ثلاثة آلاف وتسع مئة وثلاثون.
38reer Senaacaahna saddex kun iyo sagaal boqol iyo soddon.
39اما الكهنة فبنو يدعيا من بيت يشوع تسع مئة وثلاثة وسبعون.
39Oo wadaaddadiina waxay ahaayeen reer Yedacyaah oo ahaa reer Yeeshuuca oo ahaa sagaal boqol iyo saddex iyo toddobaatan,
40بنو امّير الف واثنان وخمسون.
40reer Immeerna kun iyo laba iyo konton,
41بنو فشحور الف ومئتان وسبعة واربعون.
41reer Fashxuurna kun iyo laba boqol iyo toddoba iyo afartan,
42بنو حاريم الف وسبعة عشر.
42reer Haarimna kun iyo toddoba iyo toban.
43اما اللاويون فبنو يشوع لقدميئيل من بني هودويا اربعة وسبعون.
43Kuwii reer Laawina waxay ahaayeen reer Yeeshuuca kii reer Qadmii'eel oo ahaa reer Xoodawyaah afar iyo toddobaatan.
44المغنون بنو آساف مئة وثمانية واربعون
44Oo nimankii gabayaaga ahaa oo reer Aasaaf ahaana waxay ahaayeen boqol iyo siddeed iyo afartan.
45البوابون بنو شلوم بنو آطير بنو طلمون بنو عقّوب بنو حطيطا بنو شوباي مئة وثمانية وثلاثون
45Oo kuwii irdaha dhawri jiray oo ahaa reer Shalluum, iyo reer Aateer, iyo reer Talmon, iyo reer Caquub, iyo reer Xatiitaa, iyo reer Shobay waxay isku ahaayeen boqol iyo siddeed iyo soddon.
46النثينيم بنو صيحا بنو حسوفا بنو طباعوت
46Oo reer Netiiniimna waxay ahaayeen reer Siixaa, iyo reer Xasufaa, iyo reer Tabbaacood,
47بنو قيروس بنو سيعا بنو فادون
47iyo reer Qeeros, iyo reer Siicaa, iyo reer Faadoon,
48وبنو لبانة وبنو حجابة بنو سلماي
48iyo reer Lebaanaa, iyo reer Xagaabaah, iyo reer Shalmay,
49بنو حانان بنو جديل بنو جاحر
49iyo reer Xaanaan, iyo reer Giddeel, iyo reer Gaxar,
50بنو رآيا بنو رصين وبنو نقودا
50iyo reer Re'aayaah, iyo reer Resiin, iyo reer Neqoodaa,
51بنو جزّام بنو عزّا بنو فاسيح
51iyo reer Gasaam, iyo reer Cuusaa, iyo reer Faasee'ax,
52بنو بيساي بنو معونيم بنو نفيشسيم
52iyo reer Beesay, iyo reer Mecuuniim, iyo reer Nefiishesiim,
53بنو بقبوق بنو حقوفا بنو حرحور
53iyo reer Baquuq, iyo reer Xaquufaa, iyo reer Xarxuur,
54بنو بصليت بنو محيدا بنو حرشا
54iyo reer Basliid, iyo reer Mexiidaa, iyo reer Xarshaa,
55بنو برقوس بنو سيسرا بنو تامح
55iyo reer Barqoos, iyo reer Siiseraa, iyo reer Temax,
56بنو نصيح بنو حطيفا
56iyo reer Nesiyax, iyo reer Xatiifaa.
57بنو عبيد سليمان بنو سوطاي بنو سوفرث بنو فريدا
57Oo ilmihii addoommadii Sulaymaanna waxay ahaayeen reer Sotay, iyo reer Sofered, iyo reer Feriidaa,
58بنو يعلا بنو درقون بنو جدّيل
58iyo reer Yacalaa, iyo reer Darqoon, iyo reer Giddeel,
59بنو شفطيا بنو حطّيل بنو فوخرة الظباء بنو آمون.
59iyo reer Shefatyaah, iyo reer Xatiil, iyo reer Fokered Hasebaayiim, iyo reer Aamoon.
60كل النثينيم وبني عبيد سليمان ثلاث مئة واثنان وتسعون
60Oo reer Netiiniim oo dhan iyo ilmihii addoommadii Sulaymaan waxay isku ahaayeen saddex boqol iyo laba iyo sagaashan.
61وهؤلاء هم الذين صعدوا من تل ملح وتل حرشا كروب وادون وامّير. ولم يستطيعوا ان يبيّنوا بيوت آبائهم ونسلهم هل هم من اسرائيل.
61Oo kuwanuna waxay ahaayeen kuwii ka tegey Teel Melax, iyo Teel Xarshaa, iyo Keruub, iyo Addoon, iyo Immeer, laakiinse iyagu ma ay sheegi karin qabiilkoodii ama jilibkoodii, iyo inay reer binu Israa'iil ahaayeen iyo in kale toona,
62بنو دلايا بنو طوبيا بنو نقودا ست مئة واثنان واربعون.
62oo reer Delaayaah, iyo reer Toobiyaah, iyo reer Neqoodaa waxay isku ahaayeen lix boqol iyo laba iyo afartan.
63ومن الكهنة بنو حبابا بنو هقوص بنو برزلاي الذي اخذ امرأة من بنات برزلاي الجلعادي وتسمى باسمهم.
63Oo kuwii wadaaddada ahaa waxay ahaayeen reer Xaabaayaah, iyo reer Xaqoos, iyo reer Barsillay oo naag ka guursaday gabdhaha Gilecaad oo iyaga lagu magacaabay.
64هؤلاء فحصوا عن كتابة انسابهم فلم توجد فرذلوا من الكهنوت.
64Kuwanu waxay magacyadoodii ka doondooneen buuggii abtiriska, laakiinse lagama helin, sidaas aawadeed wadaadnimadii waa laga saaray sidii iyagoo nijaas ah.
65وقال لهم الترشاثا ان لا يأكلوا من قدس الاقداس حتى يقوم كاهن للاوريم والتمّيم.
65Oo taliyihii baa iyagii ku amray inayan waxyaalaha ugu quduusan wax ka cunin jeer wadaad Uuriim iyo Tummiim leh kaco.
66كل الجمهور معا اربع ربوات والفان وثلاث مئة وستون
66Oo ururka oo dhammu wuxuu giddigiis isku ahaa laba iyo afartan kun iyo saddex boqol iyo lixdan,
67فضلا عن عبيدهم وامائهم الذين كانوا سبعة آلاف وثلاث مئة وسبعة وثلاثين. ولهم من المغنّين والمغنيات مئتان وخمسة واربعون.
67oo intaas waxaa gooni ka ahaa raggii addoommadooda ahaa iyo naagihii addoommahooda ahaa, oo iyana waxay ahaayeen toddoba kun iyo saddex boqol iyo toddoba iyo soddon, oo waxay lahaayeen laba boqol iyo shan iyo afartan oo ah rag iyo naago gabya.
68وخيلهم سبع مئة وستة وثلاثون وبغالهم مئتان وخمسة واربعون
68Fardahoodu waxay ahaayeen toddoba boqol iyo lix iyo soddon, baqlahooduna laba boqol iyo shan iyo afartan,
69والجمال اربع مئة وخمسة وثلاثون والحمير ستة آلاف وسبع مئة وعشرون
69geelooduna afar boqol iyo shan iyo soddon, dameerahooduna lix kun iyo toddoba boqol iyo labaatan.
70والبعض من رؤوس الآباء اعطوا للعمل. الترشاثا اعطى للخزينة الف درهم من الذهب وخمسين منضحة وخمس مئة وثلاثين قميصا للكهنة.
70Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa shuqulkii wax u bixiyey. Taliyuhu wuxuu khasnadda siiyey kun dirham oo dahab ah, iyo konton maddiibadood, iyo shan boqol iyo soddon khamiis oo ah dhar wadaadood.
71والبعض من رؤوس الآباء اعطوا لخزينة العمل ربوتين من الذهب والفين ومئتي منا من الفضة.
71Oo madaxdii qabiilooyinka qaarkood ayaa khasnaddii shuqulka geliyey labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun iyo laba boqol oo mina oo lacag ah.
72وما اعطاه بقية الشعب ست ربوات من الذهب والفي منا من الفضة وسبعة وستون قميصا للكهنة.
72Oo dadka intiisii kale wixii ay bixiyeen waxay ahaayeen labaatan kun oo dirham oo dahab ah, iyo laba kun oo mina oo lacag ah, iyo toddoba iyo lixdan khamiis oo ah dhar wadaadood.Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.
73واقام الكهنة واللاويون والبوابون والمغنون وبعض الشعب والنثينيم وكل اسرائيل في مدنهم ولما استهل الشهر السابع وبنو اسرائيل في مدنهم
73Haddaba wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo irid-dhawryadii, iyo nimankii gabayaaga ahaa, iyo dadkii qaarkiis, iyo reer Netiiniim, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay degeen magaalooyinkoodii.