الكتاب المقدس (Van Dyke)

Somali

Psalms

13

1لامام المغنين. مزمور لداود‎. ‎الى متى يا رب تنساني كل النسيان. الى متى تحجب وجهك عني‎.
1Rabbiyow, ilaa goormaad i illoobaysaa? Ma weligaa baa? Oo ilaa goormaad wejigaaga iga qarinaysaa?
2‎الى متى اجعل هموما في نفسي وحزنا في قلبي كل يوم. الى متى يرتفع عدوّي عليّ‎.
2Ilaa goormaan naftayda la tashanayaa, Anigoo maalinta oo dhan calool xun? Ilaa goormuu cadowgaygu iga sarraynayaa?
3‎انظر واستجب لي يا رب الهي. انر عينيّ لئلا انام نوم الموت‎.
3Rabbiyow Ilaahayow, waxaas u fiirso, oo ii jawaab, Indhahayga iftiimi, yaanan hurdadii geerida seexanine,
4‎لئلا يقول عدوّي قد قويت عليه. لئلا يهتف مضايقي باني تزعزعت
4Waaba intaasoo cadowgaygu yidhaahdaa, Anigu isagaan ka adkaaday, Oo ay cadaawayaashaydu farxaan markii lay dhaqaajiyo.
5اما انا فعلى رحمتك توكلت. يبتهج قلبي بخلاصك‎.
5Laakiinse anigu waxaan isku halleeyey naxariistaada, Oo qalbigayguna wuxuu ku rayrayn doonaa badbaadintaada.Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.
6‎اغني للرب لانه احسن اليّ
6Rabbigaan u gabyi doonaa, Maxaa yeelay, wax badan oo wanaagsan buu ii sameeyey.