1لماذا ارتجّت الامم وتفكّر الشعوب في الباطل.
1Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan, Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
2قام ملوك الارض وتآمر الرؤساء معا على الرب وعلى مسيحه قائلين
2Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin, Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
3لنقطع قيودهما ولنطرح عنا ربطهما
3Silsiladahooda aan gooyno Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
4الساكن في السموات يضحك. الرب يستهزئ بهم.
4Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa, Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
5حينئذ يتكلم عليهم بغضبه ويرجفهم بغيظه.
5Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa, Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
6اما انا فقد مسحت ملكي على صهيون جبل قدسي
6Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
7اني اخبر من جهة قضاء الرب. قال لي انت ابني. انا اليوم ولدتك
7Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa, Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga, Maantaan ku dhalay.
8اسألني فاعطيك الامم ميراثا لك واقاصي الارض ملكا لك.
8I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha, Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
9تحطمهم بقضيب من حديد. مثل اناء خزّاف تكسّرهم
9Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah, Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10فالآن يا ايها الملوك تعقلوا. تأدبوا يا قضاة الارض.
10Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha, Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11اعبدوا الرب بخوف واهتفوا برعدة.
11Rabbiga cabsi ugu adeega, Oo reyreeya idinkoo gariiraya.Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.
12قبّلوا الابن لئلا يغضب فتبيدوا من الطريق لانه عن قليل يتقد غضبه. طوبى لجميع المتكلين عليه
12Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane. Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa. Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.